Labo Sir Oo Ku Haboon Inaad Saygaaga Ka Qariso

Dabcan waxaad is waydiinaysaa oo hadii aan ninkayga ka qariyo sirtayda maxaan kala joogaa, qaarkale waxay odhanayaan oo waaba khiyaamo hadii uu isagu sirtiisa ii sheegto ana aan tayda ka qarsadee. Dhamaan way wada saxan yihiin oo ninkaagu hadii uuna isaga noqon saaxiibkaaga aad ku sir qarsato in lawada joogaba maaha waayo dadku marka ay sirtooda kala qarsadaan waxaa yaraada kalsoonida ay isu qabaan.

Hadaba sirta aan rabo inaan kaga hadlo maqaalkani waa sirkale oo aan kula talinayo gabadh kasta oo walaashay ah, gabadh kasta oo nolosha guurka gashay ama ku guda jirta inay guursato. HA U SHEEGIN ninka oo HA U SHEEGIN intii nin ee aad shukaansi lasoo samaysay markaad guurdoon ahayd, si kasta oo uu kuugu soo celceliyo oo uu kuu waydiiyo HA U SHEEGIN oo ha kala sheekaysan MARNNA.

Sababta aan sidan kuu leeyahayna waxa weeye, maalinta u horaysa ee aad u sheegto waxaad ogaataa inuu markiiba shaki iyo su’aalo qalbigiisa galeen, taasina waxay ku keentaa cuqdad iyo kalsooni dari uu kuu qaadayo. Waxaa lagayaabaa inaad dhahdo oo saw ma oga inuuna ahayn ninkii u horeeyey ee guur iga dalba, HAA wuu ogyahay wuuna la socdaa inaad shukaansi soomartay, marka uuse ku su’aalayo ama uu ku leeyahay iiga sheekee OGOW in sheekadu ayna ahayn sidaas.

Gabdho badan iyagoo iska daacada markay uga sheekeeyaan waxay isla markiiba ku baraarugaan ninkii oo ka gaagaabsaday ama shaki iyo dabeecado kale lasoo baxay. Waxaa dhacda in xataa nin muslima oo si walaaltinimo ah kuu salaama inuu kaaga shakiyo hadhow oo uu isa su’aalo tolow nimankay lasoo sheekaysan jirtay miyaa.

Hadaba walaal macaaneey ka DIGTOONOOW inaad saygaaga uga sheekayso noloshaadii shukaansi, adiguna haka waraysan oo ha qodqodin noloshiisii shukaansi waayo wax faa’iido ah oo ay kuu keenaysaa ma jirto, shaki iyo cuqdad aan loo jeedin ha isu keenin isagana ha ku beerin.

Hadii aad xaaraan hore ugu soo dhacday oo ninkaaga ka hor aad cidkale lasoo samaysay arimo xaaraana. Waxaa jira gabdho xaaraan hore ugu soo dhacay kadibna ka toobadkeenay oo uu Ilaahay swt u ceeb asturay, marba hadii Rabigaa uu kuu ceeb asturay oo ayna cidna ku ogaan xataa ninkaagu uuna dareemin arintaa MAXAAD ISU CEEBAYNAYSAA adigu oo aad ugu sheegaysaa inaad xaaraan hore ugu soo dhacday, khiyaamo maaha walaaleey markaad ninkaaga ka qarisay taas, danbina kuguma aha, Ilaahay wuu ku asturaye walaal AFKAAGA XIDHO oo sirtaadasi ha ahaato mid qabriga kula tagta. Hadii aad isleedahay qofkii aan xaaraanta la sameeyey aarmuu isheegaa, ogow walaal qofna Ilaahay swt ma ceebeeyo ilaa uu isaga is ceebeeyo, markaa ogow marba hadii aad toobad wanaagsan keenatay in cid ku fadeexayn kartaa ayna jirin.

Hadal waxaan kusoo xidhayaa, hadii aad rabto inaad ceebawdo oo lagaa shakiyo ninkaaga uga sheekee intaa aan kasoo hadlay oo dhan kadibna natiijada kaasoo gaadha ha iisoo sheegin.

WQ: Anisa Sh Ibrahim

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *