Baradho Iyo Kabaab

Ciid wanaagsan asxaabta meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, kusoo dhawaada barnaamijka Cooking With Hafza oo ku saabsan cunto macaan oo laga samaynayo baradho iyo kabaab.

Marka hore waxaa la diyaarinayaa baradho la shiilayo oo ansalaato ahaan loo samaynayo. Waxaa lagu shiilaya saliida Canola Oil waxaa lagu darayaa yaanyo, kamsar caleen, cusbo, sumac iyo biyaha liin dhanaanta.

Sidoo kale kabaabkana way fududahay diyaarintiisu waxaad u baahan tahay hilib shiidan mid ari ama lo’ kii aad heli karto. Waxaa lagu darayaa qorfe, toon, cusbo, filfil, sumac iyo kabsar caleen.

Halkaas waxaa kasoo baxaysa alaab heer sare ah oo aad u macaan. Caruurta inta badan way jecelyihiin alaabtaan.

Qof kasta ayaa samayn kara alaabtaan, umana baahna howl iyo waqti badan.

Daawasho wacan sida fudud ee loo samaynayo:

Check Also

Hilib Shiilan Oo Aad U Macaan

Assalaamu calekum, walaalaha qaaliga ah soo dhowaada meel kastoo aad dunida ka joogtaan, waa mar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *