Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Lagu Casheeyo Habeenkii

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah ka qaadataa fayow qabka dhammaan xubnaha jirka aadamaha.

Haddii aad habeenkii hurdo la’aan ama hurdo xumo ka cabanayso, waxaa laga yaabaa in sababtu ay tahayba nooca cunto ee aad ku cashayso, waayo khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in cuntooyinka ay uu geed kulaylku ku badan yahay, sida xawaashyada iyo basbaaska, cuntooyinka uu Barootiinku ku badan yahay iyo cuntada maadadda Kaafiyeenta leh (Caffeine) ay dhammaantood sababaan in qofku habeenkii hore u seexan waayo ama hurdo xasiloon seexan waayo.

Dadka badankoodu waxay mo’ogan yihiin in cuntadu ay caawiso xoojinta hurdada iyo in ay noqoto hurdo raaxo leh. Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa cuntooyinka hurdada u fiican kuwaas ay tahay in lagu casheeyo habeen walba waxayna kala yihiin:

Kalluunka:

Kalluunku wuxuu yareeyaa diiqada, niyad jabka iyo murugada iyadoo uu hoos u dhigo dheecaanada maskaxda soo dayso oo arintaas u qaabilsan, waxaa ku jiro fitamiin B6 oo caawiyaa farriiimaha dareenka ee neerfaha, wuxuu kaloo fitamiinkan gacan ka gaystaa soo saarista hormoonka melatonin. Noocyada kalluunka ee fitamiin B6 laga helo waxaa ka mid ah salmon iyo tuna (ma ahan midka qasacadaysan). Waxaa kaloo kalluunka ku jira fitamiin D iyo dufanka caafimaadka uroon ee Omega3.

Mooska:

Waxa uu hodan ku yahay maadadda Magnesium oo dabciso muruqyada, sidoo kale waxa uu sababaa in jirku uu soo daayo dheecaanno iyo hormoonno. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu arkay in maadada magnesium ay ka qayb qaadato kor u qaadista tayada hurdada. Waxaa kaloo mooska laga helaa barootiinka triptophan oo niyadda dejiya walwalkana la dagaallama. Hadaba cun xabbad moos ah inta aadan seexan ka hor.

Lawska:

Noocyada lawska sida almomd-ka iyo walnut waxaa ku jira borotiin loo yaqaano “tryptophan” kaasoo ka qeyb qaato soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka, diiqada iyo hurdo la’aanta. Lawska almond waxaa kaloo ku jira kaalsiyam iyo magnesium oo dejiya jirka iyo murqaha.

Malabka:

Malqacad yar oo malab ahi waxa ay maskaxda ka caawisaa xasilidda waxa aanay jirka ka saartaa maaddooyinka kiimikaad ee sababi kara hurdo la’aanta. Macaanka malabka ku jiraa waxa uu kordhiyaa maadadda Insulin ee jirku u baahan yahay, waxa kale oo uu kordhiyaa hormoonnada qofka ka caawiya hurdada wanaagsan.

Boorashka:

Boorashka waxa uu jirka ka caawiyaa in uu soo saaro maadadda muiimka ah ee Insulin, taas oo caawisa in sonkorta jirku si dabiici ah kor ugu kacdo. Sidoo kale boorashku waxa uu qani ku yahay hormoon jirka ka cawiya nidaaminta hawlihiisa iyo in uu hawl kasta waqtigeeda u go’an dareen maskaxeed u yeesho.

Caanaha:

Cabbista caanaha waxay sababtaa in neerfayaasha qofku ay degaan, hurdo la’aanta oo ay ka hortagaan maadaama oo ay hodan ku yihiin asiidhada Amino lagu magacaabo, gaar ahaan kuwo qofka xasilooni badan ku abuuraya.

Cabitaanka miraha cherry-ga:

Cilmi baaris uu sameeyay Joornaalka Nafaqada ee Yurub ayaa lagu arkay in cabbitaanka miraha cherries-ka uu wanaajiyo tayada hurdada maadaama laga helo melatonin. Mirahaan waxaa ku jiro maadooyinka sun-saarista, waxay yareeyaan hurka jirka iyo xubno xanuunka, waxay gubaan xayrta caloosha, waxay kaloo yareeyaan halista cudurka faaligga.

Khudaarta caleemaha cagaaran leh:

Khudraddaan waxaa ku jiro calcium oo caawisa in jirku u isticmaalo barootiinka triptophan si uu soo saaro melatonin oo ah hormoonka qaabilsan hurdada. Khudraddaan waxaa ka mid ah koostada iyo kale.

Shaaha Chamomile:

Shaahaani waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista wuxuuna ka mid yahay cabbitaannada ugu fiican ee habeenkii la cabbo, wuxuu daaweeyaa stress-ka, wuxuuna qofka ka caawiyaa inuu dhaqso u gam’o. waxaa ku jiro walxo jirka iyo maskaxdaba dejiya

Shaaha cagaaran:

Shaaha cagaaran oo habeenkii la cabbo waxay u fiican tahay hurdada, waxaa ku jirta maado la yiraahdo “theanine” oo hurdada wanaajisa.

Digaagga:

Waxaa borotiinka digaaga laga helo ku badan nooca loo yaqaano “Typtophan” oo ah mid waxtar u leh niyadda qofka, waxaa la arkay inuu hoos u dhigo diiqada iyo welwelka hurdadana uu caawiyo maadaama uu borotiinkas sare u qaado dheecaan ay maskaxdu soo dayso oo loo yaqaano “serotonin”, sidaas daraadeed, waxaa la dhahaa: Cab maraq digaag haddii aad welwelsan tahay.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *