4 Qaab Oo Hal-Abuurku U Caawin Karo Ganacsigaaga

hal-abuur, ganacsi, ganacsigaaga

Hal-abuurku wuxuu muhiim u yahay in shirkaddaadu horumar ka samayso jawi ganacsiyeedka maanta ee tartankiisu sarreeyo, gaar ahaan marka macaamiishu noqdaan kuwo dalbasho badan, oo awood ay wax ku kala doortaanna leh.

Kuwa ganacsiga abuura waxay u baahan yihiin, daraf ay ku badbaadaan oo kaga soocnaadaan inta kale. Hal’abuurka ayaa lagu heli karaa darafkaas; oo sare u qaadaya waxsoosaarka, koritaanka iyo faa’iidada.Hase yeeshee, kaliya afar-meelood oo meel ka mid ah ganacsiyada yaryar, iyo kuwa dhexe ayaa 2016-kii qorsheeyay in ay maalgashadaan hal-abuurnimada iyo horumarinta cilmibaarisyada (D&R), sida ay xustay BDC (Baangiga Horumarinta Ganacsiga ee Kanada) oo sahmin ku samaysay 4,000 oo ganacsi-abuurayaal Kanadiyaan ah.

Hal-abuurku ma aha in uu noqdo kaliya wax cusub oo adduunka lagu soo kordhiyey. Baddelkeedna, wuxuu noqon karaa wax yar hagaajin ah oo lagu soo biiriyey qayb uun shirkadaada ka mid ah.

kuwaani waa afar faa’ido waaweyn oo hal-abuurku u keeni karo shirkadaada:

Hagaajinta iibka iyo xiriirka macaamiisha

Ku guuldarraysiga hagaajinta adeegga iyo alaabta aad hayso waxay kuu horseedi kartaa inaad lumiso macaamiil, oo ay kaa aadaan kuwa tartanka kugula jira ee hal-abuurka leh. Haddii aad wakhti iyo lacag geliso hal-abuurka, macaamiishu way ogaanayaan wayna u riyaaqayaan qiimaha dheeriga ah ee hal-abuurkaagu keenaayo, taas oo ka dhigan kororka iibka.

Waxaad ku billaabi kartaa tallaabooyin yar yar, sida inaad si joogto ah u sahmiso macaamiisha, si aad u ogaato waxyaabaha aad ka hagaajin karto alaabtaada, iyo inaad samayso koox hal-abuur si ay hoggaan ugu noqdaan dedaalka hal-abuur.

Yaraynta alaabta aan iibsamayn iyo kharashka

Hal-abuurku waxuu kaa caawin karaa inaad yarayso alaabta aan iibsamaynin, waxayna ganacsigaaga ka dhigaysaa mid jooga boos wanaagsan, si aad diiradda u saarto hadafyada mudada fog ah. Halka aad mar kasta ku mashquul sanaan lahayd xallinta dhibaatooyinkaaga dhaqaale. Kuwo hal-abuur leh oo isticmaala adeegyada bangiga BDC, ayaa fuliyey howlgallo wax-ku-ool ah oo isbeddel; sida dedejinta dalabaadka, yaraynta dariiqooyinka la maro marka shay la soo saarayo, iyo yaraynta wakhtiga aysan waxba qaban mishiinada iyo shaqaaluhu.

Ujeedku waxaa weeye, in si joogto ah loo raadiyo hab lagu yareeyo alaabta aan iibsamaynin. Taas oo keenaysa faa’iidooyin badan, oo ay ka mid yihiin: kharash hooseeya, faa’iido fiican, adeeg macaamiileed oo hagaagsan; oo korna u qaadaysa heerka aad kaga jirto tartanka shirkadaha kale. Khabiir ku takhasusay waxqabadka hagaagsan ayaa kaa caawin karo hal-abuurada noocaan ah.

Sare u qaad booskaaga suuqa

Hal-abuurku waxuu kaa caawin inaad si dhakhso ah u saadaaliso isbeddelada suuqa, iyo inaad ku horrayso dhanka fursadaha, iyada oo aan lagugu carrin/khasbin in aad u la falgasho is beddellada. Waxay sidoo kale kaa dhigaysaa mid ka duwan kuwa la tartamaaya. Hal-abuurada noocaan ahi waxay ku imaan karaan inaad si joogto ah u lafo-gurto isbeddelada suuqa, inaad dhegaysato macaamiishaada, dadka aad alaabta ka soo iibsato iyo lataliyeyaashaada, iyo inaad baarto dadka kula tartamaaya waxa ay samaynayaan; si aad u ogaato fursadaha aadna uga faa’idaysato.

Sidoo kale waa muhiim inaad fiiriso waxa ay falayaan dadka ka ganacsada nooca ganacsigaaga oo kale, kuwaas oo ku nool waddamada kale. Waxaad u helaysaa fikrado cusub oo ganacsigaaga khuseeya marka dersid ku samaysid waxa ay shirkadaha ugu horreeya samaynayaan.

Hagaajinta xiriirka shaqaalaha

Goob shaqo oo hal-abuur leh waa mid dhiirigelisa shaqaalaha. Taas oo keenaysa inay ku han-weynaadaan alaabta ay doonaan, iyo in shirkaddaadu noqoto mid nooca ganacsi ee aad ku jirto hoggaaminaysa; taas oo sababaysa in shaqaaluhu aysan kaa tagin, sidoo kalena waxsoosaarkaagu kordho. Taas qudheeda ayaa u horseedaysa badashada guul hal-abuur, waayo shaqaalaha ayaa ah isha ugu wanaagsan ee shirkaddu ka hesho hal-abuurka.

Waxaad hubisaa inaad dhegaysato shaqaalahaaga. weyddii falcelintooda hal-abuurka qaybaha kala duwan ee ganacsigaaga, kuwaas oo ay ku jiraan sida loo horumarin lahaa alaabta, suuqgeynta iyo waxqabadka hagaagsan. Waxay ku siin karaan bidhaamin qiimo badan, hababka ay tahay in hal-abuur loo sameeyo, iyo inay kaaga mahadcelin doonaan inaad dhegahaaga amaahisay.

W/Q: BDCW/T: Madasha Hoobaan

Tixraaca maqaalka: https://www.bdc.ca/…/4-ways-innovation-can-help-your…

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *