Astaamo U Gaar Ah Oo Ay Leeyihiin Dadka Guulaysta

guul,guusha,dadka guulaysta,guuuleystayaasha,Guushu waa shay qof kastaa jecel yahay inuu Gaadho, balse waxa lagu kala duwan yahay Dariiqyada lagu raadiyo oo kaliya.

Cidda Guusha gaadhaa waa dadka hormoodka ah ee lagu daydo ama inta Badan lagu Hamiyo in la gaadho marxalada ay ku sugan yihiin.

Haddaba maanta waxaynu Halkaan kusoo bandhigi doonaaa toban ka mid ah Astaamaha ay leeyihiin Dadka Guulaha Gaadhaa.

Dadka Guulaystaa Haddaba waxay Leeyihiin Astaamahan:

1- Marnaba marmarsiiyo lama yimaadaan: Haddii aad dhab ahaantii raadinayso guul waa in aad joojisaa cudurdaarrada iyo marmarsiiyaha aad cuskanayso, waayo waxba kama faa’iidaysid balse dib ayay kuu dhigaysaa.

2- U roonaanta dadka kale: Dadka badiyaa nolosha guulo ka gaadhaa waxay wax u tareen dadkale, waayo heerkaa ay gaadheen kumay gaadhin kaligood ee waxay ku gaadheen caawimo uga timid dadka kale.

3- Shaqo aan kala go’ lahayn: Marka ay liibaanayaashu ama guulaystayaashu u socdaan inay xaqiijiyaan yididiilooyinkooda waxay u shaqeeyaan habeen iyo maalin si aan kala go’ lahayn, ma daalaan mana caajisaan ilaa ay xaqiijiyaan waxa ay raadinayaan, dadkani waxa ay toosaan habeenkii si ay u raadiyaan yididiiladooda isla markaana waxaad aragtaa iyagoo subixiina arrinkan raad guridiisa ku jira.

4- Awood iyo karti saraysa: Hadii aad dib u raad gurtid taariikhda waxaad helaysaa in dhamaan guulaha la gaaadhay waqti kaste ay ku hareeraysantahay awood iyo karti aad u heer saraysa, taasi oo ka dhigtay in dadkii guulahaasi gaadhay ay marba marka ka dambaysa u sii dhawaadaan heerka ay hiigsanaayaan, iyaga oo isla markaasina awoodoodu sii kordhaysay.

5- Mabaadiida: Waxa ugu wayn ee guulaha gaadhsiiyay dadkii nolosha hore guusha uga gaadhay waxa weeye mabaadiidooda, mabda’aagu waa waxa hore kuu socodsiiya kuguna caawiya inaad gaadhid yididiiladaa, noqo qof mabda’ leh.

6- Iimaan adag oon la liijin karin : Cida guulaha waawayn u saaxiibka ahi iimaankoodu amaba waxa ay ka aaminsanyihiin yididiiladooda marnaba kama habaabaan, in badan oo noloshooda ka mid ah ayay la kulmeen cid ka shakida, cid dhaleecaysa iyo cid wax xun ka sheegtaba, balse iskadaa inay arrintani cabsi galisee waxay kusii caawisay inay kusii adkaystaan yididiiladooda iyo shaqada oo ay kordhiyaan isla markaana wadaan ilaa ay ka gaadhaan guusha ay rabaan.

7- Sababta ka dambaysa guusha: Cid kasta oo guul gaadhay waxa ka dambaysay sabab ku dhalisay inay heerkaa gaadhaan, sababtaas oo dhimbiil ka dhex shida maskaxda qalbiga iyo ruuxda qofka si aanuu u fadhiisan ilaa iyo uu gaadhayo heerka uu tiigsanayo una dhaafo dhibaatooyinka kaga imanaya arrinkan sababtiisa.

8- Baadhis mug dheer: Dadka guulaystaa waxay aad u darsaan amaba u baadhaan waxa ay rabaan inay gaadhaan oo ay xaqiijiyaan si ay si fudud u rumeeyaan riyooyinkooda iyo yididiiladooda.

9- Garab marida dhibaatooyinka: Dadka guulaysta waxa ay si fudud u garab maraan dhibaatooyinka soo waajaha, oo ma noqdaan qaar halkaas ku joogsada oo yididiilooyinkooda kaga hadha dhibaatadaa ay la kulmeen awgeed balse waxay sii galisaa xamaasad iyo awood dheeraad ah oo ay hore ugu socdaan.

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *