Astaamaha Ay Leeyihiin Dumarka Jannada Ee Xuural Ceynta Ah

Waxaa Ilaahay noo sifeeyey Dumarka Jannada si Ragga loogu xiisa geliyo Nicmada Jannada ka Jirta, Dumarkana Loogu Xiisa geliyo in ay kuwaas ka mid noqdaan, Qur’aanka iyo Xadiiska waxaa ku jira Astaamaha Dumarka Jannada ee Xuural Ceynta lagu magacaabo waxaana ka mid ah:

1) Waa sida Luulka Cad iy Dhaymanka Saafida ah Dhalaalkiisa.

2) Waa sida Ukunta Dhawrsoon ee aan Saxarna Taaban

3) Waa Gabdho Nimankooda Caashaq ku ah oo is le’eg dhamaantood

4) waa kuwo daahir ka ah wax kasta oo xun dhiig, kaadi, saxaro, xaako, masayr, xanaaq & caro iwm

5) Waa kuwo indha waaweyn oo kuulan leh, Tima madow oo hadey Qorraxda arkaan iftiinkeeda habeen ka dhiga

6) Waa kuwo guryahooda ku kooban oo aan meelaha war wareegin

7) Waa kuwo Raggooda mooyaane aan weligood nin kale eegin

8) Waa kuwo dhuuxooda aad lafta ka aragto

9) Waa kuwo mar walba bakaara ah oo Naas taagan weligoodna da’ yar..

10) Waa kuwo caraf iyo udgoon badan

11) Waa kuwo aan Hawloon, oo shaqa kale qaban aan ka ahayn raaxada nimankooda

12) Waa kuwo wanaag badan, Qurux badan, Hadal macaan, nicmo iyo raaxo laga sameeyey…

Hadaba Ninkii doonaya inuu guursado: Rabbiga abuuray ha adeeco…Raali gelintiisa ha u tartamo, Caradiisana haka diktoonaado..

Gabadha Dooneysa in ay ka mid noqoto: Adduunka inta ay Joogto, Jirkeeda waxaan ninkeeda ahayn haka qariso, Shanteeda salaad ha tukato, bisheedana ha soonto, Nafteedana ha ilaaliso..oo Rabbigeed ha adeecdo.

Nin Kastoo Muslimow Gabdhahaas Allaha kuu guuriyo, Laakiin U Shaqayso, oo meherkeeda diyaari..

Gabar kastoo Muslimadaay Xuuralceynta Allaha kaa dhigo, Laakiin u shaqayso, oo booskaaga hadda gado.

Qalinkii: Cabdinasir Yusuf Macalin.

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *