Sababaha Keena Daalka Badan Iyo Burburka Caqabadda Ku Noqda Howl-Maalmeedka Qofka

Cilmibaadhis ay dhowaan samaysay shirkadda Mintel ayaa daahfurtay in boqolkiiba 97 dadka dunidu ay daal iyo burbur joogto ah u tahay maalin kasta ama inta badan ee waqtigooda, arrintaas oo sabab u ah in boqolkiiba 5 uu suuqyada dunida kor uga kaco iibka cabbitaannada tamarta kordhiya iyo dawooyinka nafaqada jidhka siiya oo ay dadku ka fishaan in ay ka kaxeeyaan daalka iyo burburka, gaar ahaan xilliga shaqada ay ku jiraan.

Warbixin lagu qoray wargeyska Daily Mirror ee dalka Ingiriiska, ayaa su’aalo iyo faahfaahinno ay weydiisay khubarada caafimaadka guud kadib waxa ay xustay sababo ay xeeldheerayaashaasi isku raaceen in ay keeni karaan burburka iyo daalka bilaa sababta ah ee mararka qaarkood uu qofku dareemo, waxa aanay sababahaasi kala yihiin:

Jimicsi la’aan:

Sida ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin, in qofku uu ugu yaraan saddex jeer toddobaad kasta muddo 20 daqiiqo ah jimicsadaa waxa ay ka ilaalisaa burburka iyo daalka jidheed.

Hurdo La’aan:

Qofku in uu waayo hurdo ku filan jidhkiisa oo tusaale ahaan waqti yar uu seexdo ama hurdo xumo ku dhacdo oo uu hurdada dhexdeeda marar badan toosaa waxa ay keentaa tacab iyo daal arooryaad.

Bun la qabsasho:

Dad badan ayaa bunka u cabba in ay caajiska iyo hurdada iskaga kaxeeyaan, laakiin waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in cabbitaanka badan ee bunka ay ka dhalato daal iyo burbur maadadda Caffeine awgeed.

Xadiidka oo yaraada:

In qofka jidhkiisa ay ku yaraato maadadda xadiidka (Iron) oo inta badan ka dhalata khalkhal ku yimaadda nidaamka cunto qaadasho ee qofka, waxa ay keentaa daal iyo burbur jidheed. Cilmibaadhis dhowaan la sameeyeyna waxa ay iftiimisay in saddex meelood meel dumarka dunida ku dhaqan ay ku yar tahay maadadda xadiidku (Iron), gaar ahaan dumarka miisaankoodu inta dabiiciga ah ka weyn yahay.

Faytamiin B La’aan:

Faytamiin B shaqadiisa ugu muhiimsani waa in uu cuntada aynu cunayno ka saaro ama u beddelo tamar, sidaa awgeed in uu jidhka ku yaraadaa waxa ay keenaysaa in uu jidhku waayo tamartaas uu u baahnaa, waana ta daalka iyo burburka keenta. Cilmibaadhiso hore loo sameeyeyna waxa ay daahfurtay in cuntooyinka degdegga ah ee lagu sameeyo meheradaha cuntada fudud aanay lahayn Faytamiin B.

Ingag:

Qofka oo biyo ku filan cabbi waaya maalintii, waxa ay khalkhal ku keentaa tamarta uu jidhku samaysan lahaa, waxa aanay dhakhaatiirtu sheegaan in haddii jidhku uu waayo boqolkiiba 2 keliya oo biyaha uu u baahan yahay ah, ay imanayso in uu dareemo ingag, iyo tamar darnaan ama daal jidheed.

Mac-macaanka badan:

Xalwad iyo macmacaan ka badan inta uu jidhku u baahan yahay, waxa ay qofka ku keentaa in uu dareemo burbur, daal iyo yalaalugo, sababtuna waa heerka macaanka dhiigga oo kor u kacaya.

Barootiin yaraan:

In nidaamka cunto qofka ka xumaadaa waxa ay keentaa barootiinta oo jidhka ku yaraata, barootiin yaraantaasina waxa ay qofka ku sababtaa burbur jidhka ah iyo daal nafsi ah oo badan.

Qulubka iyo diiqadda:

Qulubka iyo isku buuqa joogtada ah iyo sidoo kale diiqadda nafsaaniga ahi waxa ay qofka ku keenaan daal nafsi ah iyo burbur jidheed oo qofku uu ka shaqaysan kari waayo.

Cillad hormoonnada ku timaadda:

In cilladi ku timaaddo habsami u shaqaynta qanjidhada hunguriga oo dheecaannada looga baahan yahay ay si fiican u soo d eyn waayaan waxa ay qofka ku keentaa xubnaha oo daala, jidhka oo wada burbura iyo kala daadsanaan badan. Haddii aan dhaqso loogu maaro helinna waxa ay keenaan xaalado caafimaad oo dhib qofka ku keenaya, sidaa awgeed waa in dhaqso dhakhtar loola xidhiidhaa.

Tiknoolajiyadda:

Nolosha casriga ah ee maanta tiknoolajiyaddu kaalin aad u muhiim ah ayaa ay kaga jirtaa, gaar ahaan talefannada gacanta, aaladaha Tablets ka loo yaqaanno iyo kombiyuutarradu, laakiin waxa ay leeyihiin dhibaatooyin ay ka mid tahay in qofka ay ku ridaan khalkhal dhinaca hurdada ah, taasina ay keento in maalinnimada uu qofku hurdo xumadii xalay awgeed si fiican u shaqaysan kari waayo. Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku uu waqtiga hurdada ka hor oo xitaa inta aanu sariirta tegin ah, iska bakhtiiyo kana fogaado aaladahan si uu hurdo fiiican u helo.

Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *