Arin farxad leh oo loo hayo ragga bidaarta leh

khubaro u dhalatay Philadelphia ayaa sheegeen in daawo loo helay bidaarta. daawadaan ayaa  unugyo madaxa ku jira ku khasbaysa inay timaha dib u soo saraan, taasina ay daawo u noqonayso timaha bixitaanka joojiyey amma daatay.

daawo bidaarta

-Saynisyahannadani waxay sheegeen in hore ay ula tacaaleen inay soo bandhigaan daawo timaha koriinkooda dib u soo celinaysa markay joogsadaan, laakiin xalkaas ay waqtigan si dhab ah u heleen, tijaabiyeenna.

-Markii hore khubaradu waxay ku tijaabiyeen jiir unugyo ka beddeleen, kadibna ay daawadoodan ku tijaabiyeen si maqaarkiisa dhogortii ay korriinka ka joojiyeen dib ugu soo baxdan, waxaanay rajaynayaan in farsamadodan cusub mustaqbalka faa’iido u noqon doonto in timaha bani’aadamka dib loogu celiyo.

-Khubaradan waxay bilaabeen in unugyo maqaarka dadka ku jira oo la yidhaa Dermal Fibroblast ay ku daraan unugyo kale, kadibna ay u beddelaan timaha jiradooda, taasoo awood u leh jidhka meel kasta oo ka mid ah ay timo ka soo saaraan.
Khubaradan waxay cabsi ka qabaan in aan la damaanad qaadi karayn waqtiga rasmiga ah ee timuhu qofka u soo baxayaan iyo in timuhu koriinkooda ka dheereeyaan.

-Unugyada ay isticmaaleen khubaradan waxay ku qaseen maqaarka jiirka, kadibna waxay cariyeen hab-dhiska difaaca jiirka si ay u tijaabiyaan in jidhku iska difaaco unugyada dada kaga yimi, taasna way ku guulayteen in jiirku difaac galo, balse unugyadan maqaarka si toos ah u galeen, jirida timahana ku khasbeen in timo ka soo baxaan.

-Dr. Xiaowei Xu oo ka tirsan Jaamacadda University of Pennsylvania ee dalka Philadelphia, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee la sameeyo unugyo maqaarka jiirka ku qasbaya in booratiinnada timaha soo saaraya si fiican u shaqeeyaan, timana ka soo saraan marka koriinka timuhu istaago amma timuhu daataan.

Check Also

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka Ee ay Tahay Inaad Ka Fogaato

Kansarku waa kelmad balaadhan oo loo isticmaalo noocyo badan oo cudurro ah kuwaas oo la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *