Arimaha ka dhiga qofka in uu noqdo mid wax soo saar badan leh

Wax soosaark shaqada iyo kartida aad leedahay ayaa waxa qayb wayn ka qaata hawada aad neefsanayso iyo kulaylka meesha aad ka shaqaynayso. Shirkada la yiraa PH ayaa baadhitaan ku samaysay si ay u ogaato waxa kor u qaadaya wax soosaarka shaqaalaha wadanka Sweden. Hadii aad moodayso in amaan, isku shaandaynta shaqaalaha iyo “feedback” talo siin ay kor u qaadayaan wax soosaarka sidaa maaha arinku. Laakiin xaqiiqdiu ay tahay in ay hawada uu neefsanayo ee ku jirta meesha uu qofku ka shaqaynayo tahay waxyaalaha ugu muhiimsan ee kor u qaadaya wax soosaarka shaqaalaha.

Shirkad la yiraa Cint oo baadhitaan ku samaysa suuqa shaqada ayaa baadhitaan ay u samaysay shirkada HP ku waraysatay 300 oo qof. Waxa ayna waydiisay waxa ugu muhiimsan ee kor u qaadi kara wax soosaarkooda.
Dadkii la waraystay maa ay odhan waxa kor u qaadaya wax soo saarkayaga sida naloola dhaqmo iyo waqti badan oo aan shaqayno, laakiin in aan helo kaffe kulul oo hada la kariyay, geedo badan oo ubax ah, sida meesha loo goglay iyo fursada ay u heli karaan tababar jimicsi.

Waxa ay shaqaaluhu boqolkiiba 90 ku tilmaameen hawada iyo cimilada meesha laga shaqaynayo in ay tahay ta ugu muhiimsan. Hore ayaa waxa baadhitaano la sameeyay lagu sheegay in dadka ku nool waqooyiga Yurub uu wax soo saarkoodu ugu fiican yahay marka ay ku shaqaynayaa meel cimiladeedu tahay inta u dhexaysa 18 – 20 digrii, hadii uu kulaylkuna ka saro maro 27 digrii uu wax soosaarku hoos ugu dhacayo boqlkiiba 50.

Waxa kale oo wax soosaarka aad ugu muhiim ah, kaalinta labaadna galay burka iyo shaaha subaxdii, laga helayo meesha laga shaqaynayo, kaalinta sedexaadna waxa galay wadaqadaynta shaqaalaha, kaalinta afaraadna waxa galay kafee ama qaxwo kulul oo markaa la sameeyay. Intaa waxii ka dambeeya ayaa noqonaya sida meesha loo qurxiyo, biyo qabow oo nadiif ah, dhirta ubaxa ee meesha taal iyo waqti la qaadashada asxaabta shaqada ka dib.

Baadhitaanka ayaa waxa kale oo uu qoray arimo xoogaa ka soo horjeedaa kuwan. Sida ayada oo tirada boqolkiiba 10-ka ahi ee hadhay ay badidoodii ku tilmaameen, in ku cunida qadada meel degan oo shaqaaluhu joogin ka dhigayso ayaga kuwo wax soo saar badan leh.

Asha Yusuf

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *