Apple Oo Iibin Doonta 36 Milyan Oo Saacada Apple Watch Ah Sanadkaan

Apple-WatchSaacada Apple watch oo ka mida aaladaha casriga ah ee dhawaan ay soo suuqa geysay Shirkada caanka ah ee Apple ayaa noqotay mid soo dhaweyn kala duwan ka heshay suuqyada caalamka, Saacadan ayaa ah mid Casri ah kuna shaqeysa program yada casriga ah sida Android iyo IOS ayaa noqotay mida loogu iibsiga badan yahay.

Wargeyska Wall Street oo ah mid ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa sheegay in khubarada u qaabilsan suuqgeynta ay saadaaliyeen in dhamaadka Sanadkan shirkada Apple ay iibin doonto in kabadan 36 Milyan oo ah Saacada Apple Watch, midaa dhamaadkii bishii April la bilaabay iibinteeda.
Khubarada ayaa sidoo kale xusay in Saacada Apple IWatch ay tartan adag la geli doonto Saacadaha ay dhawaan soo saari doonaan Shirkadaha soo saara aaladaha casriga sida Smsun Gear , LG, R watch iyo Motorolla Moto 360 iyo kuwa kale, kuwaa oo dhamaantood ah Saacado Caqli badan.

Wargeyska Wall Street ayaa xusay in saacada Shirkadda Apple kusoo jiidatay indhaha Caalamka inay tahay in Qiimaha lagu iibiyo Apple i Watch uu yahay mid macquul ah, midaa uu ruux walba iibsan karo, sidoo kale Saacada ayaa leh Adeegyo Casri oo ka caawineysa dadka adeegsanaya howlo badan ay uga baahnaan laheen in waqti badan ku xaliyaan.

Check Also

computer security computer-kaaga

5 Qodob Oo Computer-kaaga Ka dhigaya Secure

Tilmaamaha soo socodo waa kuwo kaa caawin karo in Computer-kaaga uu ka badbaado Viruses iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *