Qiso Qurux badan

qiso qurux badanQiso Qurux badan

Madaxweynihi hore ee India Dr. Abdul Kalam Allaha u naxariistee ayaa wuxuu yiri:

“Waagi aan yaraa, Hooyadey ayaa cuntada noo karin jirtay. Habeen gaar ah ayay casho ay sameysay miiska u soo saartay Aabe. Waxay ahayd saxan subzi iyo Rooti aad u gubtay. Waxaan sugayay in uu ogaado oo wax ka yiraahdo. Laakiin Aabe wuu cunay rootigi wuxuuna I weydiiyay siduu ahaa School-keygi. Ma xusuusto waxaan u sheegay habeenkaa balse waxaan xusuustaa Hooyo oo Aabe ka raaligelinaysa rootiga gubtay, marna ma ilaawayo wixi uu ku yiri: “Gacaliso, waan jeclahay rootiga gubtay” Habeenkaa intaan Aabe dhunkaday ayaan weydiiyay inuu jecelyahay rootiga gubtay. Gacmihiisi intuu igu soo qabtay ayuu igu yiri: “Hooyadaa maanta oo dhan ayay si adag u shaqeynaysay, aad bayna u daalaneyd. Rooti gubtay cidna ma waxyeelo laakiin Erayada aadka u daran ee naxariis la’aanta ah ayaa waxyeelo geysta!

Wiilkeygiyow Nolosha waxaa ka buuxa waxyaabo aan dhameystirneyn. Anigu ma ihi Qofka ugu wanaagsan, wax kastana ma aqaan. Waxbaan hilmaamaa marmar sida qof kasta oo kale. Waxa uu waayuhu i baray waa: In la aqbalo qof kasta ciladihiisa lana doorto in loo dabaaldego lana dhiirigeliyo xiriirka”

Noloshu way gaaban tahay in aad hurdada ka toosto adigoo qoomameynaya. Jeclow dadka kuula dhaqma si wanaagsan, u naxariiso oo cafi dadka kuula dhaqma sida xun.

Ha ku deg-degin inaad qof dhaleecayso sababtoo ah ma sameeyo waxa aad sameyso ama uma fakiro sida aad u fakirto ama si dhaqso ah. Waxaa jirtay xilli adiguba aadan garaneyn waxa aad hada taqaan.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *