Sida Qof Jaceyl Loogu Abuuro

Sida qof jaceyl loogu abuuro,Ma umalaynaysaa in jaceylku yahay waxa aan la kantarooli karin? Ma umalaynaysaa haddii qof aad jeclayd aanu ku jeclayn in aanad waxba ka qabin karin? Sidoo kale ma aaminsan tahay in aanad qof jaceyl ku abuuri karin?

Sanado ka hor waxaan aaminsanaa in hadii qof aanu ku jeclayn aanad jaceyl ku abuuri karin. Waxaan aaminsaa in jaceylkju yahay shey si dabiici ah u dhaca, islamarkaana aanan lahayn sharxi iyo qawaaniin lagu kantaroolo, balse mudo kadib markii aan bilaabay akhrinta cilmu nafsiga jaceylka, waxaan xaqiiqsaday in jaceylku aanu aheyn shey iska dhaca ee uu leeyahay sharci haga oo maamula.

Hadii fahanto islamarkaana aad raacdo sharciyadaan waxaad si heersare ah u kordhin doontaa fursadaha uu qofku kugu jeclaan karo.

Qodobada sida qof jaceyl loogu abuuro: 

  1. Si fiican u daryeel naftaada: Muuqaalka guud ee qofku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa, inuu qofku soo jiito qofka kale, sida fiican ee aad u daryeesho muuqaalkaaga iyo caafimaadkaagu waa sheyga ugu horreeya ee ay dadku arkaan sidaa daraadeed waa inaad waqti iyo dadaal u hurtaa qurxinta iyo kawar haynta naftaada marka aad isku deyayso inaad soo jiidato qofka aad jeceshahay. Hadaba si aad usoo bandhigto muuqaalkaaga ugu fiican, badso maydhashada, samee jimicsi badan, cun cunto isku dheelitiran, gasho dhar nadiif ah oo soo jiidasho leh, isla mar ahaantaana haka baqan inaad soo jiidato dareenka qofka kale.
  2. Noqo qof naxariis leh: si aad usoo jiidato qofka aad jeceshahay waa inaad noqotaa qof naxariis leh. Ula dhaqan dadka sida aad jeceshahay inay kuula dhaqmaan. Waxaa laga yaabaa inaad fududaysato arrintaan laakiin waa xaqiiq. Haddii aad jeceshahay inay dadku ku xushmeeyaan kuna qadariyaan, waa inaad bilowdaa inaad ula dhaqanto sidaa oo kale. Badanaa dadku waxay jeclaadaan qofka shaqsiyadda leh ee aadaabta leh, islamar ahaantaan u naqariista dadka kale.
  3. Eeg wajiga qofka gaar ahaan indhihiisa: Marka aad qofka wada sheekaysanaysaan isku day inaad eegto qofka wajigiisa gaar ahaan indhihiisa, Cilmi baadhis lagu sameeyay jaamacadda Harvard ee dalka Mareynkanka, in lamaanaha aadka isku jecel ay is eegaan 70% ka mid ah waqtigooda marka ay wada sheekaysanayaan. Marka dadku ay uwada sheekaysanayaan si caadi ah waxay badanaa is eegaan 30% ama 50% waqtigooda. Hadaba eeg qofka 70% ka mid ah waqtiga aad wada hadlaysaan. Waxaad awood u yeelan doontaa inaad qofka khiyaanto maskaxdiisa!! oo sidee u khiyaamaynaysaa maskaxdiisa? maskaxdu waxay ogtahay waqtigii ugu dambeeyay ee qof eego waqti sidaa u dheer waxaanay u turjuntaa in qofkaasi jeclaa, waxay soo saartaa jawaab ah inay iyana jeceshahay sidoo kale, waxay bilowdaa inay sii deyso hormoon loo yaqaano “Phenylethylamin” (PEA) kaasoo la mid ah hormoonka ay sii daayaan nervous system-ku marka ugu horreysa oo jaceyl nagu dhaco.
  4. Noqo qof dareenkiisa qarsada oo aan la fahmi karin: Inta badan ee aad noqoto qof aan dareenkiisa la fahmin waxay badisaa in wax badan dadku kaa fikiraan. In wax badan qofku kaa fikirinna waxay sababtaa inaad qofka soo jiidato qofka aad doonayso inaad jaceyl ku abuurto.
  5. Aragtidaada ku badi qofka: Cilmi baadhisa ayaa waxaa lagu ogaaday in dadku ay ka doortaan lamaana ay xidhiidhka wadaagaan dadka ay badanaa la kulmaan, Haddii aanu qofku mudo dheer arag waxaa dhacaysaa inuu ku iloobo.
  6. Badanaa dhoola cadee haddii aad gabadh tahay: Haddi aad nin tahayna wax yar dhoola cadee, cilmi baadhis la sameeyay waxaa lagu ogaaday in raggu jecel yihiin dumarka furfuran ee si sahal ah loola qabsan karo marka loo eego dumarka dabeecadda xidhxidhan. Dhanka dumarku waxay doorbidaan ragga u muuqda inay ad-adag yihiin ee ma qoslayaasha ah marka la eego kuwa kale.
  7. Samee waqti cayiman oo aad maalin walba wacdo qofka: isla markaan si kedis ah u jooji dhamaan wicista. Marka ay dadku sugaan wax ay rajeynayaan inuu dhaco isla markaan aan dhicin waxay ka fikiraan mudo aad u badan, qofka oo wax badan ka fikiraana waxay sababtaa inuu kugu xidhmo, xiiso badanna kuu qaado, taasoo ugu dambayna sababta inuu ku jeclaado.

W/D: Cabdirisaaq Faarah

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *