Akhri Oo Ka Faa’iideyso Casharadan

1- Ugu yeer dadka Alle ka cabsiga isla markaana dadka wax ugu sheeg si wanaaga iyo xikmadi ku jirto.

2- U noolow nolosha marmarsiinyo la’aan.

3- U jeclow aadamaha si aan shalayto ama qoomamo lahayn.

4- Ogow goortii noloshu ku siiso Boqol sababood oo kaa oohin kara, tus nolosha inaad heysato Kun sababood oo aad la dhoolacadeyso.

5- U wajah wixii aad soo dhaaftay qoomamo la’aan.

6- U maaree waqtiga aad haatan heysato si kalsooni leh.

7- Isugu diyaari mustaqbalka cabsi la’aan. Xajiso iimaanka, iskana tuur baqdinta ama cabsida.

8- Waxaa jirta in tartanka u dhaxeeya Libaax & Deero, marar badan waxaa guuleysta Deerada sababtoo ah Libaaxa wuxuu u ordayay oo keliya cunto, Deeraduna waxay u ordeysay Nolol.

9- Xusuuso Ujeedo ayaa aad uga muhiimsan Baahida.

10- Hadafkaaga Aduun yuusan noqon inaad hanti keliya urursato. Hamigaaga haka dhigan lacagey lacag. Ka shaqee horumarka Dalkaaga.

11- Wax ku kordhi dhismaha Dhulkaaga Hooyo. U adeeg Bulshadaada. Ha noqon qof cunto ama hunguri keliya u orda.

W/Q: Muuse Guulane.

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *