Ahmiyadda iyo Iftiinka wax qorista

wax qoristaMaku fakartaa in aad wax qorto amaba aad fahanto qoraalada kala duwan ee aad goor kasta aqriso? Waxaad ogaataa hadaba in ay qoraaladaas ay leeyihiin astaamo iyo nidaamyo u gaar ah mid kastaa.

Ugu horeyn, ma jiro qoraal magac la’aan ah oo midkastaa wuxuu sitaa astaantiisa u gooniga ah ee lagu garto, taas oo ka soocda inta kale. Walow ay jiraan kala duwanaasho u dhexeeya qoraalada ayaa misana waxaa jira waxyaaba badan ay ka mideysanyihiin, marka loo eego nidaamyada la raacayo.

Sida aad ka dareemi kartaan dhamaan qoraalada ku qoran boggan, (midkanna  uu ka midka yahay), ayaa waxaan raacay nidaam ay ka wada simanyihiin inkasta oo magacyada qoraalada aysan mid ahayn. Waxaan qoraalo soo socda mid-mid ugu soo qaadan doonaa magacyada kala duwan ee qoraaladaas, hasa ahaate aan dulmarno shuruudaha badankood ay wadaagaan.

Mowduuca 

Lama qoro qoraal ayada oo aan la ogeyn waxa uu ka hadlayo. Waana midda koowaad ee aad u baahantahay ka hor inta aadan bilaabin qorista. Si kooban hadaan u dhaho, ogow waxa aad ka hadli doontid ka hor inta aadan bilaabin qorista.

Ujeedka

Waa muhim in aad ogtahay ujeedka aad u qoreyso qoraalkaas. Ujeedka ayaa wuxuu noqon karaa mid qayixan oo la fahmi karo iyo mid maldahan. Tusaale ahaan qoraa’ baa wuxuu qoray buug, buugaas ujeedkiisu wuxuu noqon karaa in uu qoraagu ku cabirayo fakarkiisa iyo dareenkiisa ku aadan arrin ka taagan bulshada, amaba waxey noqon kartaa in uu  doonayo in uu dhaliyo dood ku aadan mowduuc ka dhex taagan bulshada ( Gudniinka gabdhaha, Guurka qasabka, Qatarta cunista khaadka iwm).

Sidaas si la mid ah ujeedka qoraalka wuxuu noqon karaa in lagu soo jiito aqristayaasha ayada oo loola dan leeyahay in kadib marka uu qofku aqriyo qoraalka uu durbadiiba iibsado alaab ama waxyaabaha uu xanbaarsanaa qoraalkaas, taasina waxaa inta badan adeegsada qolyaha xayeysiinta.

Cidda uu ku socdo qoraalka

Ka hor inta aadan qorin qoraal waxaa muhim ah in aad ogaato cidda aqrisan doonta qoraalkaadaas. Dabcan waxaa jira qaabab ka la duwan marka la la hadlayo dadka, taasi oo saamey ku yeelaneyso sida aad u qoreyso, erayada aad isticmaaleyso iyo marka marka qaar inta uu la ekaanyo qoraalkaadaas. Tusaale ahaan farqiga u dhexeeya Email qof saaxib ah loo diro iyo mid loo diro Xafiiska Shaqada amaba maqaal lagu daabaco wargeys ay aqristaan kumannaan dad ah, hadaba waxaad halkaas ka dareemi kartaa in qoraalku uu ku xiranyahay hadba cidda aqrisan doonta.

Isku soo wada doob o, waa i aad ogaataa 3 qodab ka hor inta aadan qorin qoraal. Kow, fahan waxa aad ka hadleyso. Laba, ogow ujeedka qoraalka iyo kan ugu danbeeya, garo cidda aqrisnaneysa qoraalkaada.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *