Ahmiyada Biyaha Bariiska Ay U Leeyihiin Jirka Iyo Timaha Dumarka (TIJAABO CILMI AH)

biyaha bariiska, jirka iyo timaha, qurxintaBariisku waxuu cunto dhaqameed u yahay qeybo ka mid ah dunida, gaar ahaan wadamada Asia sida China iyo Japan. Dumarkoodu mudo qarniyo ayay u isticmaalayeen bariiska inay ku qurxiyaan jirkooda iyo timahooda. Waxayna rumaysnaayeen in bariisku leeyahay faaidooyin dhanka quruxda ah.

Tijaabooyin cilmi ah ayaa lagu ogaaday in biyaha bariisku ay leeyihiin waxtar fiican oo isqurxinta ah isla markaana ay beddel u noqon karaan dawooyinka kiimikada leh ee isqurxinta loo isticmaalo.

Biyaha bariiska waxaa ku jira nafaqooyin faaido u leh jirka iyo timaha, waxaa ka mid ah fiitamiinada B, C iyo E, sidoo kale waxaa ku jira macdano iyo waxyaabaha loo yaqaan Amino Acids oo kobciya caafimaadka iyo quruxda.

Faaidooyinka biyaha bariiska

  • Waxay timaha ka dhigaan kuwo jilcan, xooggan oo caafimaad qaba
  • Biyaha bariiska waxaa ku jirta maado la yiraahdo inositol oo ka hortagta burburka timaha
  • Biyaha bariisku waxay caawiyaan koritaanka timaha
  • Biyaha bariisku waxay u fiican tinta khafiifka ah
  • Waxay maqaarka ka dhigaan mid jilicsan
  • Waxay yareeyaan daldaloolada maqaarka
  • Waxay ka hortagaan finanka
  • Waxay dajiyaan cuncunka jirka
  • Waxay caawiyaan joogtaynta midabka dabiiciga ah ee maqaarka

Halkaan ka daawo muuqaal ku saabsan faaidada biyaha bariisku u leeyihiin haweenka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *