Afeef cad ka yeelo guurka – Ciise (Waddani)

Nolosha basharku waxay kasoo farcantahay aabihii iyo hooyadii dadka (Aadam iyo Xawaa) lagasoo bilaabo waagaas aadamuhu waxay joogtaysteen guurka oo ALLE s.w  ugu talo galay inay ku tarmaan, nasasho ruuxda ah iyo raaxo jidhka ahna ka helaan, iyadoo qaabka iyo qorshaha guurkaasina yahay mid aad u balaadhan, oo si dhadhan iyo dheefba leh Rabbi ugu qoondooyey mu,miniinta, si ay uga duwanaadaan dugaaga iyo duur joogta kaymaha, oo u tarma iyaguna si u gooniya oo garaad la,aantooda waafaqsan.

Qof kasta oo gaadha da,da qaangaadhka oo aanay abuurtiisu ka duwanahayn sidii caadiga aheyd wuxu dareemaa inu u baahanyahay lamaane nolosha ku weheliya, wuxu dareemaa baahi jinsiya, waxaanu ka barakacaa bartii uu ku ababay isagoo u hiyi kaca baro iyo bayd ugaara, wuxu bilaabaa sahamin il, addin, iyo afba ka kooban, kaasoo uu ku goobayo ruux u qalma qudhiisa noloshana la qaybsada.

Waxaynu markhaati buuxa ka nahay in guurku ka xumaado ama u wanaagsanaado qofka, taas oo badanaa loo aaneeyo hadba sida ahmiyadda loo siiyo xulashada qofka aad u guurayso(Guursaneyso),  waana mawduuca aynu wax kaga iftiiminayno qormadan kooban, hadii Alle idmo, inagoo soo qaadaneyna afar qodob oo ay muhiim tahay in laga hormariyo is guursashada lamaanaha.

  1. Waa in aad ku xulato qofka astaamihii diintu ina fartay ee dhinaca xulashada lamaanaha: Maslaxadda shakhsiga iyo ta mujtamacuba waxay ku hagaagtaa marka lagu dabakho shareecada diinteena islaamka, waana sababta aynu mudnaanta koobaad u siinay in lagu xusho lamaanaha xulashadii xaqqa aheyd.
  2. Waa in aad isku daydo inad si fiican u barato dhaliilaha guud ee qofka: Qof kasta oo aadame ahi waxa uu leeyahay tuuro iyo tilmaamo lagu dhaliilo, kuwaas oo ah waxyaabaha qofku aanu ku wanaagsaneyn, hadabo waxyaabahaas waxay kala yihiin waxyaabo guud, oo cid kasta oo ay qofkaas is bartaan uu si fudud u ogaan karo, iyo waxyaabo gaara oo uu ogaan karo qofka keliya ee nolosha ay qaybsadaan, kaas oo gogosha iyo gasiinkaba ay wadaagaan, sidaa darteed waa in aad isku daydo inaad barato dabeecadahaas guud, sida, diinta, dulqaadka, heerka cadhada, waaya aragnimada, cilmiga, fahamka, xaragada ama is qurxinta, soo noqoshada, IWM, dhamaan waxyaabahan aynu sheegnay waxad ku ogaan kartaa markad qofka ku sameyso baadhitaan iyo tijaabooyin joogto ah, sida, inad su,aalo adag weeydiiso, inad wakhti dheer ka sheekaysiiso, inad tusto dabeecado kala gadisan, iyo is bedel dhinacaaga ah, taasina waxay keenaysaa inad la baxdo xaalada iyo dhaqanka guud ee qofka.
  3. Waa in aad qofka u muujiso waxyaabaha aad ku xuntahay ama ku liidato: waa muhiim inad jeclaato una ogolaato in qofku barto iimahaaga iyo meelaha aad ku liidato, sidad adiguba u jeceshahay inad barato iskana ogaato meelaha qofku u xunyahay, taasi waxay door weyn ka qaadaneysaa inu qofku qiyaasi karo inu kula noolaan karo, waayo hadaad u deddo qofka xumaantaada iyo xaaladahaaga qarsoon waxa dhici karta inu khilaaf yimaado marku ogaado, sidaana uu qoysku ku bur-buro
  4. Waan in aad qofka aad dooratay wada jeexdaan dawgii iyo dariiqii noloshiina mustaqbalka: Ragga soomaalidu waxay odhan jireen “dumar beenbaa lagusoo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa” Hadabo xaqiiqadu taas maaha!, qofka hadii aad nolol wadaageysaan waa in aad runta ka sheegtaan duruufta, dareenka, iyo duunyada aad haysataan isla wakhtigaas aad haasaawa wadaaga tihiin, oo aaney ku jirin waxyaabo la rajeynayo oo aydaan gaadhin, isla ogaanshaha danta iyo duruufta iyo wax kasta oo runta lagu saleeyo natiijadeedu waa khilaaf la,aan mustaqbal, iyo kala raali ahaansho waarta.

Ugu danbeyn macnaha mawduucan gaabani xanbaarsanyahay wuxu ka turjumayaa xaalad ku badan bulshada dhexdeeda oo ilaa hadda la bugsiin laayahay.

Qalinkii Ciise Maxamuud Geelle (Waddani)

Ciisemaxamuud5@gmail.com

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *