Aduunka Ka Dooro Saxiib Wanaagsan, W/Q: Samsam Ismaciil

Saaxiibka wanaagsan iyo faa’iidada uu ku yeelan karo. Alle (SWT) waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun”. Halkaana waxa aad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leeyihiin saaxiibadu. Haddii ay saaxibadaadu noqdaan kuwo wanaagsan waxay helayaan raali ahaansho Alle iyo wanaag badan. Haddiise ay noqdaan kuwo xun oo isugu yeedha ama ku saaxiiba xumaan waxa ay hoy u noqonayaan sharka iyo halaag dhamaantii. Rasuulkeena (SCW) waxa uu inagu dhiirigeliyey in aan yeelano saaxiib wanaagsan kana dheeraano saxiibka xun. Ogow in uu rasuulkeenu (SCW) uu xadiis ku yidhi “Waxa jira toddobo ruux oo Alle hadhkiisa gelin doono maalinta qiyaame, marka aanay jirin meel kale oo la hadhsadaa ilaa hadhka Alle mooyee, waxana toddobadaasi ka mid ah labo ruux oo Alle dartii u saaxiibay kuna kala tegey illaa maalinta Qiyaame”. Haddaba haddii ay sidaa tahay waxa waajib ina saaran ah in dadka aan la saaxiibeyno ay noqdaan dad wanaagsan oo leh calaamado wanaagsan, haddii kale akhriste ogow in ruux xun oo aad la saaxiibtaa uu kuu horseedayo “hoog iyo halaag”. Astaamaha saaxiibka wanaagsan waxa kamid ah:

1- Saaxiibka wanaagsani waa midka dhaqankiisu wanaagsan yahay ee had iyo jeer kuugu yeedha wanaaga kaana reeba xumaanta iyo wixii kugu keeni kara dhibaato iyo haligaad.

2- Saaxibka wanaagsani waxa uu kugula taliyaa wixii dani ay kuugu jirto, waxana uu ka hortagaa wixii aan dani kuu ahayn

3- Saaxiibka wanaagsani waa kan kula farxa haddii aad faraxsan tahay, waxana uu kaala murugoodaa wixii aad ka murugooto.

4- Saaxiibka wanaagsani had iyo jeer waa uu ku farxad geliyaa oo waxa uu kaaga sheekeeya wax fiican oo farxad leh.

5- Saaxiibka wanaagsan waxad had iyo jeer ku aragtaa meelaha kheyrka sida masaajidada, majaalista cilmiga, goobaha waxbarashada iyo dhamaan goobaha wanaaga

6- Saaxiibka wanaagsani waa ka kuu xifdiya sirtaada, mana faafiyo wax adiga kugu saabsan,ee aad ku amiintey waayo waxa loo sameeystaa saxiib wacan inaad ku nafisto marka aad caadhoneyso iyo marka aad murugo neyso.

7- waxa uu qariyaa ceebahaaga oo muujiyaa wanaagaaga.

8- Saaxiibka wanaagsani waa kan ku qabta (celiya) marka aad cadhooto ee ku dejiya.

9- waa mid naxariis badan, jilicsan oo hadal macaan.

10- Saaxiibka wanaagsani waa ruux dulqaad leh, aan dad ka kalena kaaga shekeyn xumaantooda.

11- waxa uu had iyo jeer ku xasuusiyaa geerida, Alle ka cabsi iyo maalinta Qiyaame.

waxaan umaleynayaa in intaasi inoogu filantey tusaale ku saabsan saxiibka wacan ama sifaha lagu garto saxiibka wacan hadaba akhriiste lagama marmo nololsha saxiib wacan lakiin saxiibka aad dooraneyso ha ahaado mid ku anfaca if iyo akhiroba waaayo waxa laga yabaa waxa aadan u sheegan karin waalidkaa .walaldaa, inaad u sheegato saxiibkaa waayo dadka waa uu kaga duwanyey saxiibkaa aad isku racdaan sifo wacan ama dhaqan wacan

waxa aan kagu talinayaa akhriiste inaad raacdo saxiib wacan,intaad noshay aduunka waayo aduunku waa maalmo, oo maha inaad isku iloowdo agoow in lagu weeydiinayo maalinta qiyaame saxiibka aad raacdo…

waxa kale oo aan halkan ku xusi doonaa saxiibka xun iyo sifaha lagu garto iyo inta aan ka garan karo ama aan is odhan karo waad kaga bad baadi doonto aniga iyo akhriiste yaasha waayo waxa akhriiste yaasha u dana ayaa ana iidna hadaba akhriiste waxa aad noqotaa qof wacan oo raaca saxiib wacan dariiqa toosan.kugu haga, hadaba saxiibka saxibka xun iyo waxa ku garan karto waxa ka mida sida tan…

1) Saxiibka xun waa mid aan salad tugan soomin iimana an lahayn.

2) Saxiibka xun waa ka marwalba ku sugan meelaha xun xun sida,meelaha lagu qayilo,meelaha aan sharcigu banyan iwm.

3) Saxiibka xun waxa uu kuugu yeedhaa goobaha xumanta lagu sameeyo .

4) Saxiibka xun waxa uu kugu dhiiri galiyaa samaynta ficilo an ALLE karali ahayn.

5) Saxiibka xun marwalba waxa uu kaga sheekeeyaa xuman iyo dhib jogto ah.

6) Saxiibka xun waa ka marnaba aan lahayn xishood iyo naxariis midna.

7) Saxiibka xun waa ka marwalba kala hadla aduun ee aan akhiroba aan ku xasuusin.

8) Saxiibka xun waa ka jecel in aad katagto dhaqankaga iyo diintada suuban.

9) Saxiibka xun waa ka marwalba dadka aflaqadeeya kuna yidhahda waxanay dadku rali ka ahayn ,sida nanaysaa xun xun iyo waxa sooraca.

10) Saxiibka xun waa ka aan hal xalal aqoon ee marwalba kuushega been .

11) Saxiibka xun waa ka ku sifoobey dantii yaqaan ee aan dantadaba ka talin.

12) Saxiibka xun waa mid jahli ah waliba jahligaa kala duwane islawayn isaga oo bilaa aqoon ah .

13) Saxiibka xun waa ka marka uu kaa maqanyey xumantada faafiya iyo sirahaga.

14) Saxiibka xun waa ka umadu ku tilmamto in uu sharwadeenyey .

15) Saxiibka xun waa ka walidkiisa iyo ehelkiisaba an xidhiidhi una samafalin.

16) Saxiibka xun waa ka aan lagu arkin masajidada iyo meelaha khayrku ka jiro.

17) Saxiibka xun waa mid jecel in uu ku siiyo talooyin waxyelaya akhiro iyo aduun.

18) Saxiibka xun waa ka aan jecleyn in aad horumar gaadho .

19) Saxiibka xun waa ka kaa naxa markaad noloshada horumar ku soo kordhiso.

20) Saxiibka xun waa ka hadalkiisa iyo dibeecadiisuba qalafsanyihiin.

21) Saxiibka xuni waa ka aan ku soo bookhan markaad xanuusato …

22) Saxiibka xun waa ka danba kaa yeelan marka ay dhib ku soo gadho ama aad guul gaadho nololshda

23) Saxiibka xun waa ka kula saxiibey hawl aduun(lacag ) amo dano ugaara

akhriista waxaan ka raaliga linayaa wixii khalada ee ka yimada qoraal kan aan kaga hadlaayo saxiibka wacan iyo saxiibka xun ,waxa lagu kala garto lakiin waxa laga yabaa in aad sifihan inuu leyey saxiibkaa oo aad is tidhaah kaga go astamaha lakiin waxaad isku deydaa inaad saxiibkaa ku waaniso sifaha wacan ama wixii uu ku gaadhi karo guul if iyo akhiroba. waxa aad la jeceshay naftda saxiibka na la jecloow.

waxa aan si sharaf iyo karaamo leh ugu cod sanayaa asaxbteyda ku xidhan qoraalda aan sameeyo ama maqaalda aan qoro inaad ila soo socod siisan wixii khalda ee aad ku aragtaan maqaal kan waayo waxa isixi kara idin ka oo ii ah muraayed waayo anigu waxa laga yabaa inaan garan waxa ad idinku garan saan.

waad mahadsantiin akhriiste yaal meelkasta oo aduunka aad kaga noshiin

wixii talo iyo tusaale ah waxa aad igu soo hagajisan ciwaanka hoos ku qoran

W/Q SAMSAM ISMACIIL CABDI

FACE BOOK SAMSAM DAGAN

SamSamdagaan@gmail.com

ALLE AYAA MAHADLE

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *