Aan Ku Xasuusiyo

Soo dhawow. Aan isu kaa sheego. Waad I ilowsantahay.  Waxaan ahay Geeri.  Haa Geeri. Waad iga naxday soomaha?. Waa caadi dadkuba dhamaantood waa sidaa. Adiguna iyagaad ka mid tahay. Cabsi ayay dareemaan markay I maqlaan. Argagax iyo baqdin ayaa ku dhacda markaan la kulmo qof iyaga ka mida. farxadda iyo qosolka ayaan ka qaadaa aayar. Nolol iyo raaxo ay ku naalooyeen ayaan ka siiba. Badhaadhe iyo barwaaqo ay ku jireen ayaan murugo ugu beddelaa. Wehelkii uu lahaa ayaan weydaariyaa.  Dad jeclaa ayaan aayar ka dhex qaaddaa. Daaro u lahaa ayaan ka saaraa. Damac uu lahaa ayaan joojiyaa. Duunyo uu dhaqayaan ka kaxeeyaa. Ciroole iyo caruur kuu doono ha ahaado. Caamo iyo cullimo iyana ma daayo. Madax iyo mijo waa isku kay mid. Fariid iyo doqona sidoo kale. Faqiir iyo taajir iyana ma dhaafo. Mid la jecelyahay iyo mid la necbyahayba way huranyihiin inaan la kulmo.

Nolasha aduunyadu qabyo kama dhamaato.waa sagaalo ma tobbanowdo. Isagoo qofku dhamaystirkeeda ku foogan ayaan ka qaaddaa. Qorshe uu lahaabaan qabyo ka dhigaa. Hawl u laahaa qabaan ka haleeyaa.  Hiigsi iyo han uu lahaabaan ayaar ka horjoogsadaa. Dunidii uu ku noolaa ayaan halkaas hogaanka ugu jaraa. Hoygii aakhira ayaan u raraa. Markaasaan gurigiisii god cidla ah ka dhigaa. Wehel iyo cid uu wiirsadaana aanay jirin. Halkaasuu magaciisii ku hadhaa. Maalmana waa la ilaabaa.

Kala war li’inaa. Waa hubaal inaan ku helayo. Bal u fiirso maalintii intaan ruux dunnidka ka kaxeeyo. Badanaa oo badanaa. Intaad taqaanay ee aan nafta ka siibay ayaaban yarayn. Hebelkii aad shalay wada fadhideen meheradii shaaha, ee idiin sheekanayay ayaa xataa ku jira. Wadnaha ayuunbaa istaagay isagoo socda. Haduu  shalay ogaan lahaa inuu beri dhimanayo, sheeko iyo shaah midna muu haleeleen.  Aakhiruu u shaqaysan lahaa. Islaantii aad xanuunkeeda yara maqashay ee aad jaarka ahaydeen  iyana waa tii shalay dhimitay. In muddo ah ayay xanuusanaysay. Iyadaaba xanuunkii dembiga lagaga yareeyey. Allaa uga raaxeeyey.  Kii yaraa eed subaxa arki jirtay  isagoo malcaamadda ku sii socda,duhurkiina masaajidka, saaka waakii gaadhi lalayaa ku dul boodey.dhulkaba nafta ulama dhicin. Alla wax carruuraba kaasay hooyadii dhashay ayaad ku hadaaqday. Ajashiisa dhamaatay. Eebbena wuu naxariista se ma naxo. Nafta yari meelba ma jirto illeen. Geerina meeshaad joogtaba, waa tii ku hesha.

Adigaa hadhay.Adigu miyaanad dhimanayn. Xageed isu ilowday.  Hay fogeynin. Maalin ayuunbaan karkeerka ku weydaarin adigana. Maalin uunbaa adna xagaa iyo xabaasha laguu sii wadi. Iilka yar ee aad aragtay inaanu iftiin iyo wehel toona lahayn, ayaa lagugu ridi.  Maalinbaa la odhan  hebel/heblaayo waa Meyd. Maalin ayaad adigoo maro  yar oo cad lagugu duuduubay dunnida ka caraabi. Toloow maalintaasi waa goorma?. Hadaad ogaan lahayd maalintaa, Soon iyo salaad badan ayaad suubin lahayd. Sadaqadana xaga horraad ka bixin lahayd. Dadkaad waad sii wada  saamixi lahayd. Se wallay ka tahay!. Ma ogid. Hadaad ogaan lahaydna  warwar iyo walaac ayaa ku dili lahaaba anoon ku soo gaadhin, sidaad maalmaha u tirinayso.

Nolashu yaanay I kaa halmaansiinin. Markaste I xasuusnow. Markaste Allahaa ku xidhnow. Allihii ku abuuray aniga iyo adigaba.  Cibaado suuban iyo camal saalixa la kaalay. Afka iyo adinkaaga ka adkow. Indhahaaga iyo dhegahaagu wanaag mooye, yaanay xumaan falin. Wanaaga iyo wacdiga dadka far.  Sidaasaad ku nabad galeysaa hadhow. Sidaasaad ku helaysaa raali ahaanshaha Rabbi. Sidaasaad rafiiq kula noqonaysaa Rasuulkii Alle NNKH iyo intii raacday.

ALLE SIDA SAN HAYNA WAAFAJIYO.


W/Q:  Shaafici Cabdi Nuur

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *