Aaladaha Casriga Ah Sida iPad ka Iyo Tablets ka Waxay Dhibaatooyin Nafsi Ah Ku Ridaan Caruurta

Khubaro caafimaad ayaa ka digay in carruurta aadka u da’da yar loo ogolaado isticmaalka aaladda Tablets ka loo yaqaanno ee ay ka mid yihiin (iPad ka iyo Tablets ka) iyaga oo xaqiijiyey in ay ku keenaan ilmaha khalkhal dhinaca hadalka ah, ama in ilmuhu uu hore u hadal baran waayo, in uu bulshada ka dhex baxo oo hadhow uu noqdo qof dadka ka faquuqan isla markaana uu noqdo ruux aan awood u lahayn in uu doodo, arrimaha uu ka doodayo sababeeyo, isla markaana si qurux badan u cabbiro fikirkiisa iyo waxa uurka ugu jira, ku dhacuna uu ku yaraado.

60 Cilmibaadhe oo uu hormuud u ahaa Baroofesor Olivier Hudi oo ku xeeldheer cilminafsiga carruurta ayaa sheegay in ilmaha ay soo jiitaan sawirrada iyo codadka quruxda badan ee tablet ka, sidaa awgeed haddii uu barto uu jeclaanayo laakiin uu ku keenayo xaalado ay ka mid tahay in ilmuhu hore u hadal baran waayo isla markaana shakhsiyaddiisu ay noqoto mid daciif ah. Sidoo kale waxa uu ilmuhu noqdaa dhegweyn aan inta badan ka warqabin waxa hareerihiisa ka dhacaya, isla markaana aan waxba iska weydiin wax yaabaha isbeddelku ku imanayo ee uu arko, isla markaana qof quusan oo wax kasta oo xumaada aamina in aan dib loo hagaajin karin, tusaale ahaan haddii waxa uu k uciyaarayaa ka jabo waxa uu u arkayaa in si la mid ah Tablet ka ay dib u hagaajinta shaygani adag tahay, sidaa awgeed dhaqso ayaa uu u quusanayaa.

Ilmuhu waxa uu noqdaa shakhsiyad war ma’og ah, ama damiin ah, carruurta da’diisa ahna aan dhex gelin oo aan la ciyaarin, waana sababta ay xeeldheerayaashani ugu taliyeen in carruurta laga ilaaliyo Tablet ka iyo xitaa talefannada casriga ah.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *