Ahmiyadda Ay Leedahay In Saliid Saytuunta Lagu Darsado Quraacda Subax Walba

Saliid Saytuunta waxaa ku jira faa’idooyin badan caafimaad, kuwaas oo qaarkood maskaxda la yaab ku noqonayaan.

Saliid saytuuntu waxa ay hodan ku tahay curiyeyaal nafaqo oo faa’idooyin badan iyo asiidho duxeed, faytamiinno, dufanno muhiim ah iyo maaddooyinka lidka ku ah mariidka. Maaddooyinkan ayaa dhammaantood ah kuwo ilaaliya caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga, kana hortaga burburka ku dhaca unugyada dhiigga cas.

Waxa kale oo ay saliid saytuuntu leedahay faa’idada ah in ay miisaanka yarayso iyo in ay xanuunka iyo kaarka buka ama nabar ku dhacay yarayso.

Sida lagu sheegay warbixin aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Alcarabiya, xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu waa ay ku talinayaan in saliid saytuunta lagu daro cuntooyinka maalinlaha ah, gaar ahaan in la cuno xilliga caloosha aanay cunto hore ku jiro oo ah marka ay ugu habboon tahay in laga dheefo faa’idooyinkeeda dahabiga ah ee tirada badan.

Marka aynu hoos ugu sii dhaadhacno faa’idooyinka caafimaad ee saliid Saytuunta waxaa ka mid ah:

Xiidmaha:

Saliid saytuuntu waxa ay xoojisaa shaqada dheefshiidka iyo dhaqdhaqaaqa xiidmaha, waxa aanay ka hortagtaa caloos istaagga.

Maqaarka:

Saliid Saytuuntu waxa ay u fiican tahay caafimaadka maqaarka iyo ciddiyaha, waxa aanay jilcisaa, wanaajisaa isla markaana dux siisaa timaha.

Beerka:

Beerku waxa uu kaalin mug leh ka qaataa dhammana hawlaha nolosha qofku ku xidhan tahay ee jidhku qabto ama u baahdo. Waxa uu ka masuul yahay nadiifinta dhammaan xubnaha uurkujirta, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in beerka mar kasta laga nadiifiyo sunta, sida ugu habboon ee uu qofku ku nadiifin karaana waa in uu isticmaalo saliid saytuunta.

Laba malqacadood oo saliid saytuun ah ku dar sharaab liin dhanaan ah oo joogto u cab, waxa ay nadiifisaa beerka.

Miisaanka

Saliid saytuunta waxaa ku jira xaddi badan oo ah asiidho duxeed, waana duxaha ugu fiican caafimaadka qofka, waxa kale oo ay saliid saytuuntu qofka ku beertaa dareen dhereg oo cuntada badan ka hor istaaga, dufanka kalastaroolka ahina kuma jiro, arrimahaasi waxa ay ka hortag u yihiin korodhka miisaanka, haddii la joogteeyana waa ay yareeyaan xaydha jidhka ku ururta.

Habdhiska difaaca:

Asiidhada Amiino ee saliid Saytuunta ku jiraa waxa ay kaalin muhiim ah ka qaataan xoojinta habdhiska difaaca jidhka, taas ayaana sababta in ay kor u kacdo awoodda uu jidhku u leeyahay iska caabbinta cudurrada.

Wadnaha:

Siyaabaha ugu fiican ee aad jidhkaaga ugu kordhin karto Kalastaroolka nooca faa’idada leh waa in aad isticmaasho saliid Saytuun, sida la ogyahayna Kalastaroolka faa’idada lihi waxa uu xoojiyaa caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga. Dhinaca kalana Saliid saytuuntu waxa ay yaraysaa Kalastaroolka dhibaatada keena.

Kaarjebin:

Saliid saytuuntu waxa ay qofka u noqotaa kaarjebin dabiici ah. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa lagu ogaaday in cabbista 3 ama 4 malqacadood oo saliid saytuun ahi ay la awood tahay dawada kaarjebinta ee Ibuprofen.

Macaanka:

Saliid saytuuntu waxa ay caawisaa in ay yaraato sonkorta dhiiggu, sidaa awgeed ayaanay dhakhaatiirtu dadka macaanka qaba kula taliyaan in ay cunaan saliid saytuunta.

Maskaxda:

Saliid Saytuuntu waxa ay xoojisaa caafimaadka maskaxda waxa aanay ka hortagtaa in fahamka iyo awoodda garasho ee maskaxdu hoos u dhacaan marka uu qofku weynaado.  Waxa kale oo ay saliidda Saytuuntu xoojisaa xusuusta iyada oo ka hortag fiicanna u ah xaaladaha nafsiga ah ee qulubku ka mid yahay.

Kamaal Marjaan

https://www.facebook.com/marjaankam

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *