Aabe Waaya Arag Ah Oo Talooyin Dhaxalgal Ah Siinaya Wiilkiisa

Qormadan oo aynu Afsoomaali usoo rognay waxa ay ka warramaysaa aabo waayo arag ah oo dardaaran dhaxalgal ah u guntaya wiilkiisa oo noqday gaashaan qaad markaas dunidu u furantay oo diyaar u ah in uu bulshada dhex galo masuuliyadda noloshiisana dusha u rito

– “Wiilkaygiiyoow, marka keliya ee ay tahay in aad feedh iyo gacan adeegsataa, ha noqdo mar aad naftaada ka difaacaysa qof gacan kuu qaaday”

– “Wiilkaygiiyoow, gabadha aad ku arkayso sawirka, masraxa, suuqa, goobaha shaqada, waxbarashada ama shaaracyadu waa nin kale walaashii ama inantiisii. Waxa aad ula dhaqantaa sida aad jeceshay in raggu ay ula dhaqmaan walaashaa iyo inantaada haddiiba ay nasiib-darro dhacdo in halka ay tani maanta taalla oo kale in ay ku dhacdo”

– “Waxa aad naftaada bartaa in ay kala shiisho/Shaandayso hadalka inta aanu dibnaha soo dhaafin, ka fiirso dhadhanka ereyada iyo kelmaduhu u yeelanayaan dhegaha qofka aad la hadlayso, sidoo kale ka taxaddar sida aad u xulanayso ereyadaada”

– “Baro in qofka aad is khilaafi kartaan, kala aragtina noqon kartaan iyada oo aanay colaad shakhsi ahi idin dhex marin, nacaybna idinku abuurin”

– “Weligaa ha ogolaan in qof kale kuu fikiro, adduunyada maanta waxaa jira dad aad u badan oo jecel in qofka ay maskaxdiisa ku shubaan aragtida ay iyagu qabaan. Aaminsiiyaanna waxa ay aaminsan yihiin”

– “Wiilkaygiiyoow, in qof kale aad isu ekeysiiyo ama isku dhererisaa waa kalsooni darro. Ku kalsoonow cidda iyo qofka aad tahay, waayo qof kale sida uu yahay ma noqon kartid. Dadku sidaa aad tahay ayaa ay kugu aqbali kuguna iman doonaan”

– “Wiilkaygiiyoow, weligaa ha iska raaxaysan, iyada oo xaaskaagu hawl adag ku jirto, xitaa haddii ay kugu celceliso in ay iyadu ku filantahay hawshaas, ha ka yeelin ee wax uun ka caawi”

– “Ninkii ragga ahi waa garanayaa in oohinta ragga aanay ceebi ku jirin, laakiin iska jir ku talax taggeeda iyo in ay kugu badato”

– “Ha isku dhejin illaa xadka aad aaminsan tahay aragtidaada ama go’aanka aad qaadatay, hana isku mashquulin illaa heerka aad ku qanacsan tahay saxnimadiisa, waxa aanad ogaataa in si kasta oo aad isula qumman tahay ay haddana suurtogal tahay in aad qaldan tahay”

– “Ha isku dhejin illaa xadka aad aaminsan tahay aragtidaada ama go’aanka aad qaadatay, hana isku mashquulin illaa heerka aad ku qanacsan tahay saxnimadiisa, waxa aanad ogaataa in si kasta oo aad isula qumman tahay ay haddana suurtogal tahay in aad qaldan tahay”

– “Wiilkaygiiyoow, Dadku waxa ay kaaga go’aan qaadanayaan (Kugu xukumayaan) sida aad u eeg tahay. Waa run in ay taasi caddaalad darro tahay, (Qalad weeye) laakiin, waa sidaa sida ay dunida maantu u shaqayso, sidaa awgeed, taas niyadda ku hay subax kasta marka aad bixitaan u sii labbisanayso”

– “Wiilkaygiiyoow, weligaa naxariista iyo calool-dabaca ha ka tegin, kuna dadaal in aad mar kasta naftaada dhigto halka qofka aad la macaamilaysaa taagan yahay”

– “Wiilkaygiiyoow, Marka ay noqoto in aad xaas doorato, waxa aad ogaataa in aanad marnaba doorashada haween hooyadaa kaga wanaagsanaan karin”

Diyaariye: Kamaal Axmed Cali (kamaal Marjaan)

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *