Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Lagu Qurxiyo Noocyada Kala Duwan Ee Jidhka

Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaaga quruxbadnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah aan isticmaaliin balse isticmaalaya waxyaabo dabiiciya oo waxba kuu dhiimayn?

Haddaba halkan waxaad wiig walba inshaAllah ka faa´iidaysan doontaan daryeelka maqaarka, wajiga, timaha iyo jidhka oo dhan anagoo isticmaalayna waxyaabo dabayciya. Waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaadhi kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama creame yada dumarka lagu siro. Waxaan aad uuga xumahay ina uu noqday jidhka dumarku wax laga ganacsado caalamkan aanu ku nool nahay. Iayda oo la ogaaday ina ay dumarku ku bixiyaan millions bilcda iyo daryeelka jidhka. Ilamarkaana laga faa´iidaysanayo fursadaas oo kolaba shirkadi ay soo saarayso cream ama daawo ay leeyihiin kolba waxaas bay kaa goyn ama ka hortagi.

Laakiin xaqiiqdu wax ay tahay in wax cream ama daawo bilaa chimecals aysan jirin. Markay uugu yartahay waxaa lagu daraa walxaha ka ilaaliya inuu shaygu uusan qudhmin, gaadhina karo ama ooli karo mudo badan iyo waliba midabada. Waa markay uugu yartahay chemicals yada lagu daro cosmatics ka maanta. Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabunaha, shampoo yada, make up iyo cosmetic yada oo dhan oo keeni kara xanuuno xunxun sida cancer iwm. InshaAllah walxa lagu daro creame iwm dib ayeynu ka sharixi marka.Haddaba walaashada dheeman luuleey adigu waxan oo dhan oo jidhkaagu uma baahna. Waxaad u baahan tahay inaad si dabeeci ah u noolaatid oo aad akhiradaada iyo caafimaadkaagaba ka talisid adigoo waliba dhalaalaya.

Haddaba si aanu iskugu qurxino wax yaabaha dabayciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markeeda hore aad tahay qof cuna cunto isku dheeli tiran oo ubadan khudaarta, caanaha, kaluunka iyo digiraha iwm. Inaad tahay qof seexda hurdo kugu filan oo habeenkii ah iyo waliba caba biyo kugu filan maalin walba. Intaa wixii dheer waxaan muhiim ah inaad taqaanid waxa aad xasaasiyada aad ku leedahay. Waayo wax yaabaha aanu halkan ku sharixi doono way dhici kartaa inaad xasaasiyad ku yeelatid. Ogowna waxaa dhici karta wax aad xasaasiyad ku leedhay xaga cunitaanka inuu maqaarka waxba u dhimin, ama wax aanad xasaasiyad aanad ku lahayn waxaa dhici karta inuu maqaarka wax u dhimo oo aad ka xajiimootid. Haddaba inta aanad korkaaga aanad marin wax ogow jidhkaagu nooca uu yahay iyo waliba wax uu dhibsanayo.

Waxaad iska soo qaadi kartaa dhiig aad ku ogaanaysid xasaasiyada jidhka ama ku tijaabi meel jidhkaaga ka mid ah oo bal eeg inaad shaga aad tijaabinaysid xasaasiyad ku leedahay.

InshaAllah waxaan idiin soo gudbin doonaa casharo daxana ah oo kala khuseeya wajida kala duwan iyo maqaarada kala duwan, sida dead cells ka looga nadiifiyo iyo waskhdaba iyo sida loo daryeelo timaha, ilkana iyo cidiyahaba.

Haddana ka sii faa iidaysan wajiyadan kala duwan sida aad u dhayi kartid.

Intaanad wajiga waxba marin fadlan farahaaga sifiican u maydh, wajgana biyo diiran oo cad ku maydh. Waxaad u samaysaa wajigaaga tuwaal yar oo naacim ah oo u gaar ah oo markasta nadiif ah. Ogowna inaad wax walba wajigaaga ku tijaabisid waxaa ka fiican inaad baratid wajigaagu nooca uu yahay si aad uula macaamishid waxa munaasabaya.

Kuli wax yaabahan hoos ku dhigan oo dhami waa wax aad tukaanka cuntada ama jikadaada ka heli kartid oo wali ku siinaya nafaqooyin, nadaafad iyo bilic. Waxayna kugu caawinayan in uu caafimaadkaagu hagaago haddii uu Allah(swc) kuu qadaro. Markasta isku dar inaad samaysatid in kugu filan markaas uun oo waxba ka dhigin. Waxa freshka ah baa ka fiican waxa la dhigo, maadama aanu isla ilaalinayso inay bakeeriya ku dhalan.

Wajiga daalan.

Waxaad u baahan tahay :

Beed/ukun inteeda cad
Malab saafi ah
Boorash/ oatmeal

Qiyaasta adigu qiyaaso in wajgaaga ama jidhkaaga ku filan. Isku wadda dar kuligood, boorashka yara tun,ridiq ama radi. Kadibna wajiga ood biyo cad ku maydhay mari oo ku daa ilaa 25 min kadibna kaga maydh biyo badan oo cad oo meel dhaxaad ah.

Wajiga qalalan:

Waxaad u baahan tahay :

Avocado
Malab
Oliven oil

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Wajiga iskujira/ combination skin

Waxaad u baahan tahay :

Muus/banana
Natural yogurt
Malab

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Face scrub

Waxaad u baahan tahay:

Sonkorta buniga ah/ brown sugar
Caano / fresh milk

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Wajiga aadka u qalalan:

Waxaad u baahan tahay:

Strewberries
Double cream
Malab
Oliven oil

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Wajiga iskugu jira mid daalan oo waliba qalalan:

Waxaad u baahan tahay:

Beedka/ukunka inta huruuda/jaalaha ah
Malab
Oliven oil

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.

Face scrub wajiga qoynaya:

Waxaad u baahan tahay:

Boorash/ oatmeal
Oliven oil
Avocado

Ama

Khiyaar/ cucumber
Yogurt

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Waji refresh ah:

Waxaad u baahan tahay:

Strewberries

Malab

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.

Wajiga subaga leh:

Waxaad u baahan tahay:

Liindhanaan/ lemon
Beed/ ukunta inta cad
Malab

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.

Waxaan rajaynayaa inay ku anfacaan. Waxaan rajaynayaa inaad iska eegtid wixii xasaasiyad ah inshaAllah.

Baaraka Allahufiikum

Umm-Cafiifah

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *