Liin Dhanaanta Iyo cudurrada Ay Daawayso

Dhowaan buug uu u qoray in dhaqtar ah oo ugu magac daray ” The miracles of Lemon” oo macnaheedu yahay Mucjisooyinka Liima dhanaanka  ayaa waxaa uu ku soo bandhigay dhakhtarku faaidooyinka caafimaad ee laga helo Liin dhanaanta noocyadeeda kala duwan walow aad loo ammaanay midda jaalaha ah ee badanaa wadankeena ka baxda.

Liin dhanaanta oo ah nooc kamid khudaata ayaa uu sheegay dhakhtarku iney wax weyn ka teri karto caafimaadka qofka cunna isagoo la yaab ka muujiyey sababta la isaga indha tiray.

Liin dhanaanka waxaa dhakhtarku buugiisa ku sheegay in lagu daaweyn karo dhuun xanuunka ama waxa soomaalidu u taqaan Quunka, aaryada caloosha(ndigestion), Saxarada adeyga, gowsa-cirid xanuunka, qandhada guud, bidaarta, dhiiga qofka caloosha uga furma (internal bleeding),  Roomatiisimada (rheumatism,), gubashada, buurnaanta iyo cayilka, Naqas yaraanta (Respiratory disorders) Shubanka iyo koloraha iyo dhiig karka.

Dhakhtarka ayaa buugiisa ku sheegay in Faiidiida liin dhanaanka aan la soo koobi karin isagoo sheegay in xattaa la ogaaday iney wax ka tarto cuduro aan dawo loo heyn sida HIV/AIDSka iyo kuwa kale .

Sababta ayuu sheegay dhakhtarku in liin dhanaanta laga helo maadooyin muhim u ah caafimaadka qofka cuna sida vitamin C, vitamin B, phosphorous, proteins, iyo carbohydrates.

Cilmi baaris ey sameysay Hay’ad aan dowli aheyn ee la yiraahdo American Urological Association ayaa sheegtay in Liin dhanaanta lagu daaweyn karo Dhagac kilyoodka( idney stones), iyadoo nadiifisa kaari mareenka iyo tubooyinka qaada kaadida.

Haddaba sidee loo isticmaalaa si Liinya loogu daweeyo cudurada aan kor ku soo sheegnay

Calood adeeyga iyo aashitada caloosha Indigestion and Constipation:

Liin dhanaanta waxey daaweysaa Calool adeyga iyo saxarada adag. Ku dhiigi liima dhanaanka cuntada aan ku cunto marka kasta (iska caanaha waa bajineysaaye) si markaas ey kaaga caawinto calool adeeyga iyo waliba aashitada. Ogow ineysan run aheyn wax badan oo ey aaminsan yihiin dad badan oo leh Liinta aashito ayey igu rideen. Run ahaantii aashida nooca dadka ku soo laabjeexa wey baabineysaa.

Qandhada (Fever:)

Liin dhanaanta waxaa lagu daaweyn karaa feebarhaa ka dhasha Xumada, gargabka. Wuxuuna sheegay dhakhtarku in wax ka tarto neefshada qofka isla markaasna ey siyaadiso wareega dhiiga iyadoo waliba disha jeermiska qaar.

Ilkaha iyo gowsa iyo cirid xanuunka Dental Care:

Liin dhanaanka ayaa wax weyn ka tarta Gowso iyo cirid xanuuka iyadoo disha barteeriyada ama jeermiska ilkaha dad ka xanuujiya. Marka gows ku xanuunto ku qabo liima dhanaan gowska ku xanuunaya. Ma aha qobka balse murxaha hoose ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka adigoo in door ah ku heynaya halkaasi si uu u dilo jeermiska.

Sidoo kale haddii aad qabto yirid ama ciridku kaa bararo ku rumeyso ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka. Waxaa kale oo la sheegay in dadka afku ka soo uro ey sidoo kale subax iyo habeen walbe ku luqluqdaan biyaha liin dhanaanka taas oo la hubo inuu ka tago af urku.

Waxaa sidoo kale la mid ah cudurka dhuun xanuuka ama qof dhuunto ka baq baqdo iyadoo arintaasi wax weyn iska bedelyaan marka qofku uu cabbo biyaha liima isla markaasna uu ku luq luqdo. Waxaa jira dad badan oo subax iyo habeen walba ku rumeysada liimada dhanaanka si ey daryeelaan ilkahooda iyadoo waliba dadka ku nool galbeedku ey iibsan karaan Toothpaste uu ku jiro Liin dhanaan.

Inaga aan soo wada koobi karin faaiidada ey leedhaay lii dhanaantu ayaa waxaa ku dareynaa laba cudrur somalida mararka qaar ku dhaca

Cudur Shuban biyoodka ama Cholera iyo Malaariyada:

Liin dhanaanka ayaa si fiican daawooyinka qaar u daweeya cudurka Shuban biyoodka oo somalida mararka qaar ey u dhintaan iyo waliba  maleeriyada. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in liima dhanaan ka sifeeyo baktiiriyada iyadoo waliba disha jeermiska qaar. Baaritaano dhowr ah oo lagu sameeyey wadamo ka mid afrika ayaa lagu ogaaday iney liima dhanaantu wax weyn ka tarto daaweynta shuban biyoodka iyo waliba malaariyada marka qofku uu cabbo biyaha laga miiraay liima dhanaanta.

Dhiig karka High Blood Pressure

Cabbida biyaha liimadu waxey wax weyn ka tartaa dhiig karka iyo wadna xanuunka waxaana dhakhtarka buugan qoray sheegay in sababtu tahay in laga helo biyaha liima dhanaanka maadooyin farabadan oo caafimaadka u fiican khaasaatn maadada afka qalaad lagu yiraahdo potassium. Potassium-ka ayaa la ogyahay in wax ka tarto dhiig karka, madax wareerka, yaaq yaaqsiga iyadoo waliba dejisa maskaxda kana hortagta stresska iyo waliba qalbi jabnaanka.

Si kastaba, Buugaan oo loogu magac daray Mucjisada Liima dhanaanka ayaa wax yar oo koooban ka soo qaadanay isagoo dhakhtarkuna sheegay in liima dhanaanta oo kamid ah khudaarta wadankeena ilaahey ku maneysay in ey wax weyn ka tari karto caafimaadka qofka binii aadamka ah.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *