99 Siyaabood Oo Jannada Loo Galo

Waa run in qof kastaa uu jecel yahay inuu sameeyo camal fiican oo uu ku galo Jannada hadaba maadaama qof waliba is weydiin karo maxay yihiin waxyaabaha jannada lagu galo? Waxaan halkan ku soo qori doonaa 99 waxyaabood oo lagu galo Jannada, iyadoo aan la soo koobi Karin waxyaabaha Jannada lagu galo caawa 99 ayaan halkan idiinku soo gudbinayaa.

allah
1) Qofka Islaamaa wuxuu gelayaa Jannada.
2) Qofka ku dhawaaqaa Laa ilaah illaaah Jannada ayuu gelayaa.
3) Cida ugu horaysa ee Jannada gelaysaa waa muslimiinta.
4) Qofka ku dhinta kelmada Laa ilaah ilaa Llaah janada ayuu gelayaa.
5) Qofka dadka kula dhaqma sida uu jecel yahay in loola dhaqmo ee wacan jannada ayuu gelayaa.
6) Qofka dhinta isagoon Illaahay u shirki yeelin Jannada ayuu gelayaa.
7) Qofka isagoo sujuudsan dhintaa Jannada ayuu gelayaa .
8) Qofka sooman ee dhinta Jannada ayuu gelayaa.
9) Qofka isagoo Xajjaya dhintaa Janada ayuu gelayaa,
10) Qofka Illaahay Rabinimo uga raali noqda Muxamedna Nebinimo SCW diintana islaamnimo uga raali noqda.
11) Qofka Alle ka cabsadaa jannada ayuu galaa.
12) Qofka adeeca Allle iyo Rasuulkeena scw Janaduu gala,
13) Qofka Magacyada Illaahay xafidaa Jannaduu gala.
14) Qofka Illaahay dartii u dhididaa Janaduu gala.
15) Qofka u boodhoobaan adimadiisu Ilaahay dartii jannaduu gala.
16) Qofka u ooya Ilaahay dartii jannaduu gala.
17) Qofka isagoo camal wanaagsan ka shaqaynayaa dhintaa Jannada ayuu gala.
18) Qofka Illaahay xusaa janaduu gala
19) Qofka seexda isaggoo ilaahay xusay oo ducaystay jannaduu gala,
20) Eedaanka oo aad ka daba tidhaaho eedaamaha Jannadaa lagu galaa.
21) Qofka tukada maalintii 12 rakcadood oo sune ah jannaduu gelayaa.
22) Qofka tukada labada qabow waa casar iyo cishee jannaduu gelayaa.
23) Qofka aamina in salaadaha Illaahay ku waajibiyey xaqiijiyana tukashadooda janaduu galaa.
24) Qofka tukada intaan qoraxdu soo bixin iyo intaanay dhicin Illaahayna aaminsan janaduu galaa.
25) Qofka waysaysta ee tukadaa janaduu galaa.
26) Qofka daahirsada ee sunaystaa jannaduu galaa.
27) Qofka markasta oo u wayso jabbo waysaystaa jannaduu gelayaa.
28) Qofka tukada laba rakcadood isagoo qalbigiisa u jeedinaya xaga Alle janadu gala.
29) Qofka subax tukada ee Illaahay xusa ilaa qoraxdu ka soo baxayso jannaduu galaa.
30) Qofka waa bariistay isagoo sooman jannaduu galaa.
31) Qofka quudiya miskiin jannaduu gelayaa
32) Qofka booqda qof buka jannaduu galayaa
33) Qofka jinaazad raaca ama wax ka aasaa jannaduu galaa.
34) Qofka qof daymaysan ka daaya daynta Janaduu gelayaa.
35) Qofka dadka cafiyaa saamaxaa Jannaduu gelayaa.
36) Qofka hadalka debecsan Jannaduu gelayaa.
37) Qofka waalidkii u sama falaa Jannaduu gelayaa
38) Qofka jiiraankiisa u sama falaa janaduu gelayaa
39) Qofka qaraabadiisa xidhiidhiyaa janaduu gelayaa.
40) Qofka marka la isbarbar dhigo wanaagiisa iyo xumaantiisu ay badato wanaagiisu hal lambar janaduu galaa.
41) Qofka amaanada ilaaliyaa waxa uu gelayaa Jannada.
42) Qofka si fiican isku daahiriyaa Jannaduu gelayaa.
43) Qofka laba caruura u saqiiraan Jannaduu gelayaa.
44) Qofka ku faro adayga wixii Ilaahay amray jannaduu gelayaa.
45) Qofka ay walaalo yihiin hablo ee u samo fala Jannaduu ku gelayaa.
46) Qof dhalay hablo ee u samo fala Jannaduu ku gelaya.
47) Qofka hablo ay walaalo yihiin xannaaneeya oo koriya oo waxbara oo u guuriya jannaduu galaa.
48) Qofka hadalka wanaagsan yidhaahaa Jannaduu galaa.
49) Qofka qof caawiyaa Janaduu galaa.
50) Qofka qof aan garanayn shaqodiisa ka caawiyaa jannadu ku gelayaa.
51) Qofka carabkiisa ka dhowra laqwiga Jannaduu galaa,
52) 10 aayadood ee u horeeya suuratul muuminuun qofka ku dhaqma tilmaantooda jannaduu galaa.
53) Qofka dhinta isagoon kibir samayn jannaduu galaa.
54) Qofka dhinta isagoon khiyaamo samayn jannaduu galaa.
55) Qofka dhinta isagoon waxba dayna lagu lahayn Jannaduu galayaa.
56) Qofka sharkiisa laga nabadgalo Jannaduu galaa.
57) Qofka dhinta isagoo muumina oon dhiig dulmi ah daadin Jannaduu galaa.
58) Qofka Illaaliya carabkiisa iyo cawradiisa Janaduu galaa,
59) Qofka camalkiisa ikhlaas ku sameeyaa jannaduu galaa.
60) Qofka u nasteexeeya maamulka Jannaduu galaa.
61) Qofka Jamaacada laasima een muslmiinta kala saarsaarin Jannaduu galaa.
62) Qofka saddex caruuri u saqiiraan jannaduu galaa.
63) Qofka ku riyooda Alle aragtidiisa Janaduu galaa
64) Qofka Rasuulkeena riyo ku arkaa janaduu galaa.
65) Qofka dhinta isagoon denbi lahayn ama markaas toobad dhaba la yimi jannaduu galaa.
66) Qofka aqoonsada in Illaahay xaq yahay janaduu galaa
67) Qofka aqoonsada in saacadu xaq tahay jannaduu galaa
68) Qofka aqoonsada in Nebiyadu xaq yihiin jannaduu galaa.
69) Qofka aqoonsada qaddarka ILaaahay jannaduu galaa,
70) Qofka aqoonsada in qiyaame dhici doono lana xisaabin doono jannaduu gelayaa,
71) Qofka sooma ramadaan Shuwaalkana raaciya jannaduu galaa.
72) Qofka jecel Rasuulka iyo reer aala muhamad Jannaduu galaa.
73) Qofka walaalkii astura Illaahay ayaa astura Jannadana wuu gelayaa.
74) Qofka agoon quudiyaa jannaduu galaa.
75) Qofka uu ka dhinto qof uu jeclaa ee sabra Jannaduu galaa.
76) Qofka labada indhood beela ama midkood oo ku sabra Jannadaa uu galaa.
77) Qofka ka leexiya dariiqa dhibaato taala Jannaduu galaa.
78) Qofka qodax ka jarra wado jannaduu galaa.
79) Qofka xayawaan dhibaataysan wax siiya ama caawiyaa jannaduu galaa.
80) Qofka baahida walaalkii wax uga qabtaa Jannaduu galaa.
81) Qofka runta sheegaa jannaduu galaa,
82) Qof daalibul cilmiga ahi Jannaduu galaa.
83) Qofka caawiya qof cilmi dhiganaya Jannaduu galaa.
84) Qofka masjid dhisaa Janaduu galaa.
85) Qofka masjid dhismihiisa wax ku darsadaa Janaduu galaa.
86) Qofka sahlan ama degan markuu wax la doodayo ama wax iibsanayo jannaduu galaa.
87) Qofka iska dhaafa qofka la dirira jannaduu galaa
88) Qofka bixiya sadaqad qarsoon Jannaduu galaa.
89) Qofka loo qoro xasanaad Jannaduu galaa.
90) Qofka Illahay xasuusta isagoo ooyaya oo khushuucsan Jannaduu galayaa isagoo qoslaya.
91) Qofka ka raali noqda waxyigii Illaahay soo dejiyey janaduu galaa.
92) Qofka ay ugu markhaati furaan 4 muumin inuu wanaagsanyahay jannaduu galaa.
93) Qofka cumreystaa ama xajjaa Janaduu gelayaa,
94) Qofka balanka uu qaaday fuliyaa jannaduu galaa.
95) Qofka amaanadii umadu u dhiibtay ilaaliyaa jannaduu galaa
96) Qofka ilaaliya amaanada ka dhaxaysa isaga iyo ilaahay jannaduu galaa.
97) Qofka ilaaliya indhihiisa oo ka dhowra eegmada xaaraanta Jannaduu galaa.
98) Qofka cawradiisa adkaysta oo ka dhowra xaaraanta jannaduu galaa,
99) Qofka gacantiisa laga nabad galaa Janaduu galaa.
Alle ha inaga dhigo kuwa Jannada uu ugu deeqo,
Qalinka
Hussein Jama guudcade

Check Also

Madoonaysaa dadku in ay ku Qadariyaan kuna Jeclaadaan?

Dabcan qof weliba waxa uu jecel yahay dadku in ay qadariyaan oo ay jeclaadaan .hadaba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *