9 Siyaabood Oo Aad U Ilaashan Karto Caafimaadka Wadnahaaga

caafimaadka wadnahaagaQormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Yahoo Maktuub waxa ay soo bandhigaysaa nidaam nololeed uu qofku ku dhowri karo caafimaadka wadnihiisa.

1.  Iska yaree Milixda: Mar kasta oo ay korodho xaddiga milixda ee qofku cunayo waxa uu khatar u yahay dhiig kar, haddii uu marka hore dhiigkar lahaana khatartu waa ay ka sii badanaysaa. Taasina waxa ay sii badinaysaa in qofka ay ku dhacaa cudurrada wadnaha iyo Faalig ama dhiigfuran maskaxda ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qofka weyni aanu maalintii cabbin wax ka badan 6 giraam oo milix ah, carruurtana 3 giraam.

Sidoo kale waxaa waajib ah in qofku uu aad uga taxaddaro cuntooyinka qasacadaysan gaar ahaan marka ay ku jirto maadadda sodium. 1 giraam oo sodium ahi waxa ay u dhigantaa 2.5 giraam oo milix ah, caadi ahaanna waxaa muhiim ah in qofku uu iska ilaaliyo cuntooyinka ay ku jirto sodium ka badan 1.5 giraam oo milix ah.

2. Badso cunista Khudradda: Talooyin la xidhiidha caafimaadka iyo cuntada oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa dadka ku dhiirri gelisay in qofku uu maalin kasta illaa shan jeer cunaan khudrad nooc kasta oo ay tahay, in qofku uu ku dadaalo cunista cuntooyinka ay ku badan tahay maadadda Potassium. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku uu helo faytamiinno dheeraad ah, macdano iyo cuntooyinka ganka leh, kuwaas oo dhammaantood hoos u dhiga khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnuhu. Dhinaca kalana khudradda iyo cuntooyinka galka lihi waxa ay caawiyaan hoos u dhigista kalastaroolka. Khudradaha macaanka yareeya ee dalkeenna laga helana waxaa ka mid ah, Badingaanka, Baamiyaha, Baradhada, Maangaha, Faasuuliyaha iyo inta badan ee cuntooyinka midhaha ah.

3. Iska yaree sonkorta: Waxaa jira caddaymo badan oo muujinaya in sonkortu ay kiciso heerka sonkorta dhiigga, muddo dheer marka la isticmaalana waxa ay keentaa cudurrada macaanka iyo wadne xanuunka, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan  in qofku uu iska yareeyo mac-macaanka iyo cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay.

4. Iska yaree dufanka: Dufanka, gaar ahaan noociisa afka qalaad ay khubaradu ku magacaabaan Saturated fat. Cuntooyinka ay duxdani ku badan tahayna waxaa ka mid ah subagga caanaha laga saaro, baruurta iyo hilibkadufanku ku badan yahay iyo cuntooyinka shiilan. Kuwaas oo dhammaantood kor u qaada xaddiga Kalastaroolka ee dhiigga.

Laakiin waxaa jira dux iyadu waxtar u leh caafimaadka oo ka qayb qaadata isu dheelli tirka iyo wanaajinta Kalastaroolka, waxaana ka mid ah saliidda dhirta laga sameeyo, caanaha duxdalaga saaro ama ay ku yar tahay iyo cuntooyinka karsan oo ka fiican cuntada shiilan.

5. Cun Kalluunka dufanka leh: Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay sheegayaan in kalluunka noocyadiisa Solomon, Herring ka iyo Tuna oo aan ahayn ka qasacadaysan ay dhammaantood leeyihiin duxda asiidhka ah ee Omega3 lana aaminsan yahay in duxdaasi ay si weyn ugu fiican tahay caafimaadka wadnaha iyo wanaajinta heerka kalastaroolka.

Khubaradu waxa ay sheegeen in sida ugu fiicani ay tahay in qofku uu toddobaadkii afar maalmood cuno.

Digniin: Laakiin waxa ay xeeldheerayaasha caafimaadku ay sheegeen in gabadha uurka leh iyo gabadha doonaysa in ay uur qaaddo labadaba ay u fiican tahay in aanay kalluun cunin hal mar wax ka badan toddobaadkii.

Waxaa xusid mudan in duxda Omega3 ee kalluunku qaniga ku yahay, sidoo kale laga heli karo, khudradaha qaarkood, Qamandiga, Fuulkanoocyo ka mid ah, iyo cuntooyin kale.

6. Jooji sigaar cabbista: Sigaar cabbistu waxa ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee keena cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, oo gaadhsiisaan illaa heer cudurka qallajiya halbawlaha dhiigga ee Coronary Artery Disease (CAD) ama dhiig furanka maskaxda, waxaana ay u badan tahay in dadka sigaarka cabbaa ay wadne istaagga aad ugaga badan yihiin kuwa aan abid qiijin sigaar. Sababtuna waa maadadda Carbon Dioxide eek u jirta qiiqa sigaarka oo yaraysa xaddiga neefta Ogsajiinta ee dhiigga ku jirta, taas oo marka ay dhado keenaysa in wadnuhu si sahal ah hawshiisii u qabsan kari waayo, waxaa iyaduna sigaarka / Buuriga ku jirta maadadda Nicotine oo sababta in garaaca wadnuhu kor u kaco iyo in dhiigkar.

7. Firfircoonida ogow: Haddii aanad firfircoonayn, wadne xanuunka waa aad uga dhowdahay qofka kula mid ah ee firfircoon. Sidaa awgeed si aad u ilaaliso caafimaadka wadnahaaga waxaa kugu waajib ah in aad jimicsi samayso ugu yaraan toddobaadkii 150 daqiiqo, waxa aanad jimicsiga ka dhigi kartaa mid isugu jira jimicsi fudud iyo mid culus. In qofku uu si nidaamsan oo joogto ah jimicsi iyo xarakaad u sameeyaa waxa ay caawisaa in ay hoos u dhacdo khatarta ah in ay ku dhacaan guud ahaanba cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga haleela.

8. Miisaankaaga la soco: Miisaanka oo kordhaa waxa ay qofka ku keentaa khatarta ah in uu ku dhaco wadne xanuun, dhiig kar iyo duxda (Kalastaroolka) oo dhiigga ku bata, in miisaankaagu noqdo kii saxda kugu ahaa, waxa ay kugu abuuraysaa shucuur caafimaad qab iyo in aad yeelato tamar badan. Sidoo kale waxa ay kaa ilaalinaysaa in culays dheeraad ahi fuulo wadnaha, maadaama oo ay ka hortagayso in uu xaydhaysto.

9. Iska jir sakatiga iyo qulubka: Qulubka iyo diiqaddu waxa ay si toos ah u sababaan xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo dhiigga, waxaa muhiim ah in qofku uu ku dadaalo in uu mar kasta is acsaabtiisa dejiyo, si uu uga fogaado qulubka, sakatiga, walaaca iyo diiqadda nafsiga ah oo dhan, waxa kale oo ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofku uu ka dheeraado sigaar nuugista, isticmaalka maandooriyeyaasha kala duwan, caajiska iyo fadhiidnimada iyo habacsanaanta, waayo waxan oo dhami waxa ay sabab u noqon karaan in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *