30 Daqiiqo Oo Socodka Lugta Ah Maalin Kasta Waxay Kaa Badbaadin Kartaa Cudurro Badan

Caafimaadku waa shay qaaliya waana nicmooyinka waawayn ee ilaahay marwalba la waydiisto, caafimaad qof waaya uun baa ogaan kara qiimaha uu leeyahay.

Ducooyinkii rasuulkeena moxamed (csw) uu ina faray inaynu had iyo jeer ku ducaysano ayaa ah (allaahuma inii asaluka alcafwa wal caafiya),,, dhinaca kale waxaad ka dheehankartaa xadiiska rasuulka (csw) ee mashhuurka ah.. macnihiisuna yahay ( xubin kamida jidhkaagu hadii dhib ama xanuun noocuu doonaba iyo intuu doonaba ha ahaadee in jidhkaaga inta kalena lawadaagayso xanuunkaa lana sahrayso.)

waxaa laysku raacay in maahmaahda tiraahda (prevention better than cure) iyo tan tiraahdaa (alcaqli saliim fii jismil saliim) oo labaduba isugu biyo shubanayaa in ka hortaga cuduradu ama dhibta soo gaadha jidhka ama gebi qofka in ka hortageedu wanaagsanyahay si aad u hesho xaqli saliima iyo maskax fayow siyaabaha aad uga hortagtaana xanuunada ay farabadantahay ,lakiinse maanta waxaan wax yar ka tilmaamayaa qayb ka mida ka hortag aad u qiima badan oo fudud si aad u hesho caqli saliima iyo jidh saliima.

waa maxay hadaba? waa exercise ka ama phisical exercise ( jimicsiga) waxaa aad wada garanaysaa qaybaha jimicsiga ee faraha badan uu ka koobanyahay kuwa fudud iyo kuwa adag inigu lakiin maanta waxaan uun ka hadlayaa nooc aad u fudud oo lawada qabankaro.

Hadaan ku horeeyo wuxuu yahay jimicsigu: waa juhdi badaniya xarakaad, dhaqdhaqaaq jidhka iyo xubnihiisa koobaysa kana wada shaqaysiinaysa , juhdigaas oo kala duwan iyo xarakaadkaa aad samaynayso loona baahanyahay si saxa inaad ula timaado si aad faaiidadiisa u gaadho.

Hadaan hadaba ku soo dhawaado qaybta aan maanta soo qaatay oo dadka ama bulshdeenu yar iyo wayn u baahantahay waa:

SOCODKA: waxaa lagu tilmaamaa socodka loola jeedo jimicsiga ka ugu fudud activitiga oo dhan faaiido wayna laga helo waa marka si toosa oo aan la googoyn loo socdo ,waxaa xusid mudan in maalintii ay kugu filantahay 30 daiqqo.

sida saxa ah ee hadaba loo socdo waa sidee, si fudud waa adigoo si toos ah oo aan foorar lahayn hortaadana eegaya dhabargaaguna tiirsanyahay.

Waxaad ilaalisaan inaydaan istaagin markiiba marka aa socodka dhamaysataan ee aa ku dartaan jimicsi yar oo ama gacmaha kaga shaqaysiisaan iyo lugaha iyo inaad halka aad markaa istaagtay ku socoto, ilaa inta aad qaboobayso,waxaa iska ilaalisaan intaa soconaysaan inaa biyo cabtaan ama wax kale. sida casiirada, dharka aad xidhnakartaa waxaa wacan horta ka loogu tala galay jimicsiga, lakiin maaha daruuri se waa inaanu noqon wax ku xayira oo kugu cidhiidhiya sida jiinska iyo kabaha dhaadheer ama cidhibtoodu dheertahay, caga cadaana waad ku socon kartaa haday meesha aad ku soconaysaa tahay meel aan dhibaato u keenayn cagtaada hoose.,waxaad dareemaysaa marka aad soconayso kabuubyo lugaha ah,garaac,lugaha oo ku yara xanuuna iyo xaglahooda,muruqyada jidhka oo dhan ,dhabar xanuun istaasi lakiin waxay kaa yaraanaysaa markaad si is daba jooga u socoto.

Maxaa laga faaiidaa socodka lugta ah ama laga faaiidi karaa: waxaa la ogaaday oo cilmiyan loo xaqiijiyey in uu SOCODKA faaiido badani ku jirto oo aan la sahashan karin:

-waxa uu gubaa sonkorta cuntadan badan ee aynu cuno ka dhalata.

-wuxuu dhimaa miisaanka ama cayilka sababa cudurada sida kaadi macaanka.

-wuxuu ka dawayahay cuduradan Dhiikarka, cudurada wadnaha ama wadna xanuunka, cudurada ku dhaca uur kujirta, cudurada ku dhaca sanbabka.

-wuxuu adkeeyaa muruqyada oo dhan kuwa lugaha, caloosha, gacmaha iyo xaglaha lugaha.

-wuxuu ka dawayahay cudurka lafaha ku dhaca gaar ahaan dumarka.

-wuxuu ka dawayahay depresionka ama streska oo waxaad ka helaysaa nefis iyo maskax saafiya.

-wuxuu kaa caawinkaraa HURDADA oo si fiican kuugu timaada.

-waxaad ka helay saa caqli saliima nashaad firfircooni wakhti walba.

-waxaa kaa ba,aya caajiska faraha badan ee ka dhasha fadhiga xaraka la,aanta.

xanuuno badan oo dalkeena iyo bulshadeena aadka ugu soo badanaya sida kaadi macaanka, dhiig karka, wadna xanuunka, kolistaroolka ,iyo cayilka xad dhaafka ah, waxaa in badan keena fadhigan farahabadan iyo xaraka la,aanta

Hadaba bulshada somaliyeed waxaan u sheegayaa in aad isku taxalujisaan sidii aa faaiidooyinka socodka u gaadhi lahaydeen si yaroo fudud oo aan dhib badani ku jirin , Waana 30 daqiiqo oo socod ah maalintii.

allaa mahadle

abdirashid osman

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *