9 Khalad Oo Aynu Samayno Markaan Salaada Tukunayno

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakatu. InshaAllah, Maqaalkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa khaladaadka aynu Samayno Marka aan Salaada Gudanayno:

1. Iyada oo la hor maro Qofka Tukanaya: Waa Denbi weyn in la hor maro qofka salaada ku jira, nebgiguna SCW isaga oo arinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “hadii aad ogaan lahaydeen dunuubta ku jirta salaada oo la hor maro waxa aad sugi lahaydeen afartan, muu cadayn afartankaa, markaa way noqon kartaa afartan sanno, afartan bilood iyo wax ka yarba.”

2. in indhaha la isku qabto sabab la’aan: inkasta oo ay culimadu isku khilaafsan yihiin hadana in indhaha la isku qabto ma banaana.

3. in Codka kor loo qaado oo uu khaladaad geliyo dadka kugu ag tukanaya: Karaahiyo ayaa ku jirta in codkaagu dhibo dadka kugu ag dhaw ee ku tukanaya meel kuu dhaw, sidaa darteed waxa haboon in codka la xadido mar kasta.

4. Safafka Salaada oon la toosin: Safafka ama limamka salaada oo la toosiyaa salaada ayey ka mid tahay, sidaa darteed waa in safafka la toosiyaa si uu Ilaahay qalbiyada dadka u toosiyo.

5. in cagaha kor looga qaado dhulka iyada oo sujuuda lagu jiro: Nebi Muhamed CSW waxa uu sheegay in sujuuda laga sujuudo 7 xubnood Wejiga oo sanku ku jiro, labada baabaco ee gacmaha, Labad jilib iyo labada lugood farahooda iyo suulashooda, sidaa darteed lama ogola in suulasha iyo faraha kor dhulka looga qaado inta sujuuda lagu jiro.daryeelmagazine.com

6. iyada oon la danayn barashada dhamaan rukniyada salaada: waxa khalad weyn ah in qofku danayn waayo ama xil weyn iska saari waayo inuu sideeda u barto dhamaan sharciyada iyo tartiibta salaada, waa waajib barashadeedu iyo ku dhaqankeeduba.

7. iyada oo la baran waayo faatixada iyo ku dhawaaqisteeda saxda: Sida uu xadiis saxeexa ku sheegay nebigu “Salaadi uma sugna qofka aan faatixada akhrin”. Sidaa darteed waa waajib, waana muhim in qofkasta oo muslim ah la baro sida saxda ah ee loo akhirin karo faatixada.

8. in imaam laga dhigo qof aan ku haboonayn: waxa khalad ah in imaam laga dhigo qof aan aqoon badan u lahayn salaada ama quraanka khaldaya iyada oo ay joogaan dad kaga haboon.

9. Dharka raga oo dhaafa kuraanta: Waa xadiis saxeexa oo nebgia laga soo wariyey ninka uu dharkiisu dhaafo kuraanta in uu Ilaahay il naxariis darro ah ku eego maalinta qiyaamaha sidoo kale cagaha loo geliyo kobo naar ah, sidaa darteed waa khalad in salaada ay raggu galaan iyaga oo surwaalkoodu, khamiiskoodu ama macawista ay xidhan yihiin ay dhaaftay kuraanta cagta.

10. Dumarka oo masjidka ku yimaada Dhar bilicsan ama cadar iyo udug soo marsada: Waxa iyana dami ah in dumarku marka ay masjaadka imanayaan ay soo marsadaan cadar ama ay soo xidhaan dhar ifaaya oo indhaha dadka soo jiidan kara, sidaa darteed in laga waantooba waa arin loo baahan yahay.

Khadar Dahir Abdi, Hargeisa, Somaliland
khadiir@hotmail.com

 

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *