9-kaan Qodob Ka Fogow Hadii Aad Galayso Aroos Cusub

Wax dhib ah kuma sugna inad guursato Nin ama Naag dhigaada ah, Balse waxaa Su’aal ah Lamaanaha is guursanaayo ma yihiin kuwa kasoo bixi karo Masuuliyada saran ?? Hadii aad tihiin lamaane Is calmaday daacadna isku ah iga gudooma Qodobada Soo socda oo kala ah :-

1- Hadii aad gasho aqalkaada Fadlan ka fogaaw inad sameyso Ficil cabsi galinaaya gacaliyehaaga ama gacalisadaada. Sababtu waxa ay tahay waa kulanka ugu horeeya ee aad qaadaneysaan

2- Waxaa waajib kugu ah inad ilaaliso Sirta gacaliyehaaga ama gacalisadaada hana u gudbinin Sirtaasi asxaabtaada

3- Waxad ka fogaataa wax waliba ee kugu beeri kara Cabsi, sida khilaafkii idin dhex mari jiray labadiina

4- Ha ilaabin inad qanciso gacaliyehaaga ama gacalisadaada, hana moogaanin kulankiina inuu ahaan doono xiligaasi kulankii ugu horeeyay ee aad sameyn doontaan

5- Hadii aad la kulanto Fashil ku imaado Xubintaada ha quusan ama niyada ha iska jabin ee iskuday inad sii xoojiso dadaalkada, hana ilaabin in Bani’aadamka uu yahay mid ku xeel dheer isbedelka ama cabsida ee ha quusan Ciyaar waa galinka dambe.

6- Iska ilaali inad adeegsato awood buuxda habeenka kugu horeysa !!!

7- Inta aadan sameyn Haasawida sariirta ama loolanka iskuday inad niyada ka dhaadhiciso inad tahay Ninka ama Naagta ugu qaalisan Dunida oo idil. si aad ugu guuleysato Imtixaanka ku horyaala

8- Hadii uu dhaco qalad ama Isticmaal xumi idin soo wajahda Jooji Su’aasha ee isku day Wareega soo socda ama kan Labaad inad saxdo Qaladkaasi.

9- Ugu dambeyn Asxaabtaada uga sheekeyn loolanka ama weerarka aad is-dhaafsaten.

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *