10 Faaido Oo Laga Helo Qaraha

Qaraha  oo kamid ah waxyaabaha  faruutiska ah ee lacuno ayaa la ogaaday inuu cunitaankiisa uu waxyaabo  badan uroonyahay ama cuduro badan uu daawo uyahay.qaraha

Aqoonyahano  badan oo baaris ku sameyey qaraha ayaa waxay sheegeen  inuu leeyahay faaidooyin badan  caafimaad ahaan, cuno ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Nafaqooyinka ku jira qaraha:

  • 92.6g waa biyo
  • 0.5g waa proteins,
  • 0.2g waa subag (lipids).
  • 6.4g waa carbohydrates.
  • 0.3g waa fiber.
  • 7mg waa macdanta Calcium
  • 10mg Phosphorus,
  • 0.5mg waa bir(iron)
  • 1mg waa macdanta sodium.
  • 22.7 mg waa vitamin C
  • 30% waa vitamin A
  • 100mg waa macdanta potassium.

Daraasado dhawaan lasameeyay ayaa daboolka ka qaaday in qaruhu muhiim u yahay caafimaadka jirka  gaar ahaan kelyaha ,mindhacirada iyo wadnaha.

Faaidooyinka caafimaad ee qaraha:

1. Qaruhu wuxuu nooleeyaa islamarkana jilciyaa jirka aadanaha.

2. Waxa uu waxtar u leyahay kelyaha, waxaana uu  gabi ahaanba ka nadiifiyaa wasaqda gasha kelyaha.

3. Waxa uu hagaajiyaa ama qayb kaqataa howsha dheefshiidka

4.  Waxa uu ka hortagaa xanuunada ku dhaca maqaarka jirka

5. Waxa uu maqaarka jirka ka ilaaliyaa qalaylka sababtoo ah waxaa ku jira Vitamin A iyo Vitamin C.

6. Waxaa uu ka hortagaa cudurka kansarka.

7. Waxaa uu yareeyaa murqo xanuunka. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in maadada loo yaqaan “amino acid L-citrulline” ee ku jirta qaraha ay yareyso murqo xanuunka jimicsiga kadib.

8. Miraha qaraha oo la cuno wuxu hoos udhigaa cudurka dhiig karka sidoo kale xididkiisa wuxuu ka joojiyaa dhiigbaxa.

9. Waxaa uu yareeya miisaanka jirka waxaana uu ka mid yahay khudaarta la isku caateeyo

10. Qaraha ayaa waxa ku jira maadooyin kala ah Lycopene iyo beta carotene kuwaasi oo hagaajiya caafimaadka jirka gaar ahaan caafimaadka wadnaha iyo  wareega dhiiga.

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *