9 Cashar Oo Aan Ka Bartay 9 Maalqabeen Oo Aan La Sheekaystay

MaalqabeenMarkii aan bilaabay waraysiyada aan la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga si aan ugu baahiyo shabakaddayda internet ka ee The Inbox Inspiration, ma’aan rumaysnayn raadka ay aniga qudhayda igu yeelan doonaan. Waa arrin aad u xiise badan in aad fursad u hesho la sheekaysiga daraasiin ah dad firfircoon oo guulo ka gaadhay nolosha. Intii aanu dadka sheekaysanaynay, waxa aan fursad u helay in aan ogaado qaar ka mid ah sirahooda iyo talooyinkooda, waxa dhiirrigeliya, iyo sababaha ay ku gaadheen halka ay maanta joogaan.

Waxa aan halkan idin kula wadaagaayaa sagaal ka mid ah duruusta ugu fiican ee illaa hadda aan ka faa’iday guulaha maalqabeennada aan la saaxiibay ay gaadheen.

1. Shakhiyaddaadu waa isugeynta shanta qof ee aad waqtigaaga ugu badan la qaadato: Hooyaday waxaa caadoo u ahaan jirtay in ay tidhaahdo, “Ii sheeg saaxiibbadaa, aniguna waxa aan kuu sheegi qofka aad adigu tahay” Waana runteeda, waayo dadka maalqabeenka ahi waxa uun ay isku xeeraan maalqabeen kale.

Haddaba mar haddii ay shakhsiyaddeenu ka samaysmayso dadka aynu hadba isku xeerno, waxa aad muhiim u ah, in aad isku xeerto dadka saxda ah. Ogowna oo dadka guulaystaa inta badan iyaga ayuun baa isku xidhan, oo wadaaga munaasabadaha kala duwan iyo shirarka isla markaana kooxo u gaar ah samaysta.

2. Lacagtu qof farxad badan kaama dhigi karto: Laakiin, lacagtu waxa ay kuu goyn kartaa in aad xorriyad u haysato iibsiga iyo helitaanka wax yaabaha kaa farxinaya. Farxadda dhabta ahi waxa ay ka timaaddaa, in waqtigaaga iyo maalmahaaga aad ku qaadato hawl macno kuu samaynaysa, oo aad xiise iyo xamaasad u hayso.

Waxa aanu is barannay dad maalqabeen ah, oo si aan caqliga geli karin farxaddu uga maqan tahay, iyo dad faqiir ah oo ku nool dalalka dunida saddexaad, oo haddana ka mid ah dadka ugu farxadda badan ee aan abidkay arkay.

Nuxurka ku jira qodobkani waa; in aad noqon karto qof faraxsan, iyada oo aanay ku xidhnayn in aad haysato 20 Doolar iyo 20 Milyan oo doolar midna. Keliya waxaa lagaa rabaa in aad ku qanacsanaanto oo aad ku faraxsanaanto inta aad hadba haysato ee ugu muhiimsan; sida, in aad nooshahay iyo in maanta aanay wax dhibaato ahi ku haysan, haddii aad sidaa yeesho waxa aad noqon ruux nolosha aan ka dhicin aragti fiicanna ka haysta.

3. Muhiimadda weyni ma’aha in aad gaadho yoolka (Bar-tilmaameedkaaga), balse waa in aad noqoto qof leh shakhsiyadda ay tahay in uu yoolkaas gaadho: Dadka maalqabeenka ah badankoodu waxa ay kuu sheegayaan in in waxa dhibta ahi aanu ahayn in lacag la helo; balse ay tahahay koritaanka shakhsiyadda qofka, iyo awoodda uu qofku u leeyahay in uu ganacsigiisa kobciyo. Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in safarka loo gelayo gaadhitaanka bar-tilmaameedku uu aad uga qiimo badan yahay bartilmaameedka la hiigsanayo.

Marka aad gaadho yoolkaagana waxaa imanaysa su’aasha ah, “Haddaba imika maxaa xiga ee aad qabataa? Waana taas sababta ay muhiim u tahay in uu qofku uu ku niyadsamaado inta uu hadba hayo, kuna xamdi-naqo illaa heerka uu soo gaadhay iyo waxa uu helay. Qofku waa in uu lahaado shakhsiyadda hadba heerka uu joogo.

4. Hage haddaanad haysan, ma kori kartid: Inta badan dadka guulaysta haddii aad weydiiso, waxa ay kuu sheegayaan in ay lahaayeen ruux hage ah oo intii ay jidka guusha ku soo jireen dhiirrigelin iyo hanuunin u waday.

Haddaba adiguna raadso qof aad ka heshay, raadso qof jooga halka aad jeceshay in aad gaadho, kadib weydiiso in uu adigana ku hago, oo kaa caawiyo in aad horumar ku samayso qofnimadaada, iyo waxa aad doonayso in aad noqoto. Marka aad talada hagahaaga kaashato waxa aad baran doontaa habka ugu fiican ee aad hawlahaaga u guda karto, marka uu hagahaagu / hanuuniyahaagu kula doodo, ee fikir kaaga ka soo horjeeda uu keeno, ayaa aad guusha aad u bislaanaysaa.

5. Jeclow in aad aqoon korodhsiga waddo weligaa: Ganacsade kasta iyo ruux kasta oo nolosha guul ka gaadhay oo aan la kulmay, waxa aan arkay in uu yahay arday noloshiisa oo dhan soo waday diyaarna u ah in uu sii wado aqoon-korodhsi. Waxa ay fahamsan yihiin muhiimadda ay leedahay in qofku si joogto ah horumar u sameeyo, kolba halka uu gaadho meel ka sarraysa sii hiigsado, oo uu doonayo in uu si joogto ah u koro.

Waa dad u diran in ay naftooda wax-baraan, in ay aqoon ka korodhsadaan buugaag akhriska, dhegeysiga cajaladaha iyo filimada aqoonta u kordhinaya, qaadashada duruus iyo Koorsooyin internet ka ah, aqoon-is-weydaarsiyo iwm. Waa dad ay ka go’an tahay in mar kasta aqoon iyo xirfad cusub ay korodhsadaan si ay horumarka u joogteeyaan.  Waxa ay iska ilaaliyaan in ay noqdaan dad meel uun ku dheggen, waa dad aan mar keliya istaagin.

6. In aad il-dhaqaale oo keliya yeelato waxaa ka habboon in aad samaysato, laba, saddex ama afar ilood oo dakhli kaa soo galo: Maalqabeenka aan bartay waxa ay ahaayeen dad yaqaanno sida ugu habboon ee lacagtooda iyo ilahooda dhaqaale ay ugu shaqayn karaan. Dadkaas aan arkay intooda badani waxa ay leeyihiin ilo dakhli ka soo galo oo mid keliya aan ahayn, tusaale ahaan maalgashiyo dhaqaale, guryo ay kireeyaan, shirkado iwm. Ilo-dhaqaale oo kala duwani waxa ay kaa caawinayaan in aad hantidaada koriso.

7. Weligaaba necboow jidh dhiska, waad ku qasban tahay in aad yarayso nacaybkaas: Inta badan maalqabeenkii aan waraystay, waa dad sameeya jimicsiyo ay miisaanka ku dhimanayaan, socod, dabbaal, baaskiil, orod iwm. Waa dad sida ay ganacsiga ugu maskaxda badan yihiin jimicsiga iyo jidh-dhiskana ugu maskax badan. Xidhiidh baa ka dhexeeya in aad la dagaallanto waxyaabaha caqabadda ku noqon kara caafimaadkaaga iyo sidoo kale waxa hagar daamaynaya ganacsigaaga.

Dadka aan arkay waa dad jidh dhisan, oo isku kalsoon, dad anshax leh oo wacadka oofiya. Ogow oo qof daciif ahi, waxba ma tari karo, sidaa awgeed qofku waa in uu ka shaqeeyo caafimaadka jidhkiisa, haddii taas uu ku guulaysto waxa soo hadhay oo dhami waa ay ka fudud yihiin.

8. Akhriska badi: Weli lama aan kulmin maalqabeen aan wax-akhriskoodu badnayn.  Hadda ka hadli maayo in ay akhriyaan qisaska malo-awaalka ah, sida Harry Potter. Waxa aan ka hadlayaa akhriska buugaagta xaqiiqada ka waramaya, ee korinaya shakhsiyadda iyo xirfada qofka, dadka doonaya in ay dhisaan oo horumariyaan naftooda iyo shaqadoodu waa in ay akhriska badiyaan. Buug akhrisku waa hab muhiim ah oo aad duruus kaga baran karto guulaha ay gaadheen dad joogay halka aad adigu hadda joogto. Wax badan akhir, waqti badanna wax-akhriska ku qaado.

9. Waayo-aragnimadaada qor: In aad qoraal ka reebto jidka aad u soo martay guusha iyo waxa ku dhiirri gelinayey, waxa ay qayb ka yihiin koritaanka sumcaddaada iyo ganacsigaaga. Haddii aanad diyaar u ahayn in guusha aad gaadhay dadka la wadaagto, ugu yaraan qoraal adiga kuu gaar ah ku hayso.

In aad qoraal ka samayso waayo-aragnimadaadu waxa ay kuu tahay xusuus joogto ah oo aad dib uga raacdo hawsha aad soo qabatay, iyo halka aad u socoto. In aad yoolkaaga qortaa waa hab aad ku xaqiijin karto in aad gaadho. Weligaa xusuustaada ha aaminin; marka aad maqasho wax qiimo badan qor, marka aad aragto ama la kulanto arrin qiimo badan qor.

-Kamaal marjaan

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *