8 Xeeladood Oo Marwadu Kusoo Jiidan Karto Ninkeeda

marwada ninkeeda kasbataGuurku waa shay lamaanaha ku qaali ah hadba waxa hagi karana waa hooyada culeyska gurigana qofka qaadaya waa hooyada qoyska, halkan ka akhriso dhowr qodob oo hooyadu hadey kudhaqanto arimaha gudaha qoyska way xalismayaaan, akhristoow qodobadaan maaha kuwo cilmi baadhayaal qoreen,waa qodobo lagu saleeyay waayo aragnimo hadii ay wax kula qaldanaadaan waad katagi kartaa.

1:- Mid Faraxsan ahoow dhoola cadeynta waa hooyga farxada, ninkaada haduu yimaado isagoo daalan haku soo dhaweyn weji macbuus “Farxad La’aan” midaas waxey dhalisaa markuu shaqada kasoo baxo inaanuu guriga iman asxaabtiisa uula soo joogo xaafadahooda kusoo qubeysto xiliga aad seexanayso ee waqti danbe ah inuu guriga yimaado.

2:- Ninkaaga xushmee xushmad waxaad siisaa mida dunida ugu qaalisan ee aad siin laheyd aabahaa.

3:- markuu yimaado guriga iskuday inuu dareemo jano aduun, guriga sii diyaari adigana isa sii diyaari ishiisu yey qaban tuujiga ilmaha oo qolka jiifka dhex yaallo.

4:- Haduu kugooyo xariiri oo wac adigoon xiliga aad ogtahay inuu mashquulyahay aadan waceyn, xasuusnoow xiliga uu shaqada kumaqanyahay wicitaanka waxaa kamuhiimsan inaad fariin gaaban udirto, erayo isu dheeli tiran ah.

5:- Ahoow mid ninkeeda taageerta ragu waxey aad ujeceylyihiin dumarka garab taagan ee horumarka kutaageero, majeclo dumarka laxisaabtamo oo weeydiiyo meeqaa kushaqeysaa meeqaa maantay kusoo gashay, oo markii uusoo galaba jeebkiisa toos ubaaranayo.

6:- hadii aad wax ubaahato ayadoo lajoogo guriga ha weeydiin, tartiib habeenkii markii laseexanayo uujiifo sariirtiisa jiifo hurdo raadinayo si tartiib ah ugu sheeg waxaad ubaahantahay, dumarka ragga qeylada wax kuweydiiyaa majeclo oo waxey sababtaa inuu ninkii sii dido.

7:- Sii waqtigiisa oo hakula xisaaabtamin intee kusoo daahday, waayo wuxuu leeyahay famil hooyo aabo walaalo iyo weliba asxaabtiisa marka waqti sii uu kuxariiryo qaraabada.

8:- Usoo bandhig jaceylkaaga, adigoo sameynayo wax walbo oo ubaahanyahay haddana usii raaci mararka qaar inaad sikadis ah ugu soo bandhigto jaceylkaaha.

Hooyada Qoyskaay hadhihin ninkeeyga intaasba kama helo sidee aniga ugu sameynayaa hadii aan usameyana waaba isii nacayaa inaa ujajabanahay ayuu moodaa waa igu tumanaa, midaas waa mida sababtay qoysas faro badan iney burburaaan oo halkaaa iskaabulnimadii lagu noqdo oo aay bataan waxa loo yaqaano Single Mother. Dhibaatada ugu ba’an ee nahaaysato ayaa ah midaas ee fadlan halaga waantoobo, haduu ALLE idmo waxaan kusoo xijin doonaa dhowr qodob oo laga rabo ninka.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *