8 Xaqiiqo Oo Dhab Ah Oo Ay Noloshu Ku Bartay

1)     Wadada Noloshu  waligeed  ma toosna.

Wadooyinka noloshu waa qaar badan, oo marwalba inoo sahla inanynu luno. Balse macno male sababtoo ah waxaa muhiim ah inaad meel aad ku faraxsantahay uun aad lugta la hesho. Siday doon taba ha ahhaato balse waxaa dhab ah in ay  ku soo mari doonaan wakhtiyo adag  oo waxwalba mugdi iyo hubaal la’aani kaa gali doonto. Taa lafteedu waa caadi sababtoo ah, marmar waxaa qasab ah in aad tamar darnidaada  aad aragto si aad u ogaato inta quwada ilahay ku siiyay ay leegtahay.

(2)    Waxaad tahay buu kugu jecelyahay saxiibka DHABTA ahi.

Dadka kuu u qalma saxiib tinimadaadu waa kuwaa  kugu  jecel waxaad tahay, halka kuwa kale ay marwalba rabaan inay ku badalaan adiga iyo waxkasta oo aad tahay. CIDNA HA U BADALIN WAXAAD TAHAY adigoo raba in ay dadku kugu jecladaan, u Samir qofnimadaada hana iska badalin, wanagaa iyo naxariista, mar mar waxaa jiran in aad moodu in wax walba oo xuni inagu dhacaan marka  aad daacada aad tahay, balse waxaa wee yaan qof aan u qalmin saxibtinimadaada ayuun baad is barateen.

(3)    Wakhti ku dhaafay kuma dhibo ilaa aad U ogalatid mooyaane.

Waxwalba oo kugu dhacay intaad nooshay  talada ugu fiican eed lagu siyaa waad, BOODHKA iska tun HORENA u soco.  Hadii ay tarikhdaadu madoowdahay, waxaad kaga noqotaaba iska yar. IMINKA mid cusub bilow oo ogow waxii kugu dhacay sidii ugu fiicnayd ee uu kugu dhafay ayay ahay.. Wax alaala iyo waxaad ka qaban karaysay amase ka badali karaysay may jirin sababtoo ah. Levelka  fikirkaaga ayaa sidaa ahaa, balse newska fiicani waa. Manta ayaad isku hagajinkartaa jahada aad aminsantahay inay fiicantahay, kana fogaan kartaa taad isleedahay  kuguma haboona.

“Wakhtigaaga qaaliga ah ha is kaga lumin wax tagay, oon marnaba aanad waxba ka qaban karaay. Waxaad samayn kartaa inaad xashi cusub aad qoraalka noloshaad ka biloowdo”

(4)  Marmar  Wax walbaaba  faraha ayay ka baxaan, si ay ugu fiicnaato waxay ahay.

Waligaa iyadoo wax walbaaba ay si macaan kuugu socdaan uun markaliyaata xajadu faraha ma ka baxdan?  adoo nolol yaroo qaboo iskaga jira, shaqadii malgaa eryay?  Xushmadii aad rabti dadku ma ku siin wayeen? Amse.  qofaad jeceshay  iska soco ma ku yidhi??  Ta u dan baysa cidi ma qiranayso malahee!!!!!  Nolol  baa la yidhaa lamina saadaalin karo. Balse wax walba oo kugu dhaca waxay kuu sii diyaarinayaa inaad noqoto qof ka adag, maskac ahan, iyo jidh ahaanba kaad tahay imiga  sababtoo ah ilahay waxuu kuu sii diyaarinayaa inaad noqoto qof qaadi kara xil ka wayn kaad naftaada u hayso. Wakhtigan xaadirka ah.. markaa si walba oo ay Noloshu kuu gu adagtahay adigoo dhola cadaynaaya dhex mar.

(5)  Qasab maaha ina qofkale khaldanado si aad u saxsanato:

Meesha ugu danbaysa ee ay aqoondaradu ina gayn kartaa waa markaad qaadacdo waxaanad waxba ka aqoon. Niyad sami kula soco dadka, Markaad qof waxba aanad ka aqoon aad wax ka sheegto, taas macnaheegu waxaa weeyi adigaan ahayn qof fiican,

Si walba ood wax u barato 100% ma garan kartid, ilahay uuun ba yaqaan.

(6)  Waxaa u dhaxeeya meesha aad joogto manta iyo meesha aad ku socotaa waa waxaad qabato:

Waxaad manta samaynaysaa waa muhiim sababtoo ah waxaad ku badalanaysaa malin ka mida noloshaada, markaa wax muhiim kuu le samee, Hasugin malinta wax walbaaba ay isku hagaagi doonaa sababtoo ah malintaasi waligeed ma imanayso ee waxaad ka bilowdaa waxaad qaban karto manta alahayoow miyay ahaato waxa ugu yar. Markaa waxa uu daryeelmagazine.com kugu dhiiri galinayaa inaad qabato waxay tahay inaan qabato manta… waa hubaal inaad kufi markaad  go’aan sato inaad qabatid wax muhim ah. Balse  xaasuusnow,  Nolol billa karti ahi waa nolol la’aan.

(7)  Waxaa dibkuu jiidaa maaha waxaanad ahayn, balse waxaad u malaynaysid inaanad ahayn.

Naftaada Runta u sheeg balse ha canaanan oo cidna ha agdhiging. Markaa naftaada dadka ag dhigtid waxaad dareentaa kalsooni daro iyo Hinaase badan, tan macnaheegu waxaa weeyaan. Sidii aad leedahay oo kale… Qofkaan ka hinasanahay waa qof iga sareeya oo wax I dheer… Ogoow markaad hinaasto in aad iska soo qaaday qof aan awood lahay uu ku qabsado waxa uu rabo.. Marwalba ogsoonow in uu awood ilahay ku siiyay aad waxaad doonto ku qabsan karto.   Adigana ay kugu xidhan tahay  isticmaalkeedu.

Hadii aad la saaxiib tahay qof kaa hinaasa amase isku daya in uu had iyo jeer niyada kaa jabiyo oo ku yidhaa MA QABAN KARAYSID u arag in aanu adiga ku sheegayn balse, uu sheegaayo uun waxa uu isagu ka aamin san yahay naftiisa oo ah. Inaany waxba qaban karayn. Kana fogoow qofkaas oo kale.

(8 IMIGA waa wakhtiga kaliyaata ee aad Haysato:

Wakhtigii ku dhaafay wuu ku dhaafay, ka soo socdana lama gaadhin. Balse IMIGA waa ta kaliyaata ee aad haysato. Ha is kaga luminin waxaan u qalmin,,  qosol intaad awoodid dadkana waji furan iyo farxad tus….

“Shaly wax helay alaa og, Barina hadal uun baanu ku maqalnaa”

W/Q Jamal Hassan

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *