8 Tilmaan oo ay Wadaagaan Dadka Caqliga Badan

Horay ma u ogeyd in habdhaqankaagu yahay natiijo ka dhalatay laba qodob? Wax dhiigga kuu soo maray oo aad labadaada waalid ka dhaxashay (hiddosideyaal) iyo wax kaaga yimid degaanka (environment) aad ku nooshahay. Sidaa waxaa qabta culumada cilmiga aadanaha (anthropology). Sidaas oo kale, garaadkaaguna wuxuu ka samaysmaa labadaas qodob. Daraasad ayaa waxay tilmaantay in qofku 55% caqligiisa uu ka dhaxlay waaridkiis. Waxaa jira doodo kale oo sheegaya in caqliga lagu kasban karo waxbarasho iyo waaya’aragnimo. Yeelkeede, waxaa jira tilmaamo ay wadaagaan dadka aadka u caqliga badan. Haddaba, aan sahminno tilmaamahaasi kuwooda ugu cadcad.

 

Waa dad og heerka aqoontooda

Dadka caqliga badan si fudud ayay u qiran karaan waxayaabaha ay aqoonta u lahayn. Kuma adka mana ka baqaan in ay dhahaan ‘ma aqaanno’. Sida ay daraasad la sameeyay 1999 tilmaamayso, dadka caqliga yar waxay u badan yihiin in ay buunbuuniyaan garashadooda iyo xirfadahooda.

Way maskax furan yihiin

Dadka garaadka badan fikradaha iyo fursadaha cusub illinka kama soo xirtaan. Culumada cilmi nafsigu waxay qabtaa in dadka maskaxda furan – waa dadka aragtiyaha kala duwan raadiya oo caddeymahana si eex la’aan ah u miisaamo e – ay darajooyin sarsare ka keenaan imtixaannada lagu cabbiro caqliga. Sidaas ay tahay, haddana dadka caqliga badan waxay ka feejigan yihiin nooca aragtiyooyinka ay aqbalayaan. Maskax garaad badan iskama yeesho wax walba ilaa loo helo daliil xoog leh oo kaafi ah.

Waxay jecel yihiin cidlada

Dadka dhugta badan waxaa kale oo ay wadaagaan in ay yihiin dad uruursan, duwan oo buuqa iyo isdhexgalka faraha badan ka fogaada. Si ka duwan badi dadka oo qanacsanaan iyo baashaal ka hela waqti la qaadashada saaxiibbada, dadka caqliga badan waxay door bidaan in ay naftooda la keliyoobaan.

Si weyn ayay isu xakameyn karaan

Culumadu waxay ogaadeen in uu xiriir ka dhaxeeyo caqliga iyo isxakamaynta. Daraasad 2009 la sameeyay ayaa dadka ka qeybgalayay waxaa la kala doorransiiyay lacag yar oo hadda la siiyo iyo lacag fara badan oo mar dambe la siiyo. Natiijadu waxay noqotay in dadkii doortay lacag badan oo mar dambe la siiyo – kuwii naftooda xakameeyay oo samray – ay darajooyin sarsare ka keeneen imtixaannada caqliga lagu qiyaaso (intelligence tests).

Cilmibaarayaasha sameeyay daraasaddaan waxay sheegayaan, in kob maskaxda ku taalla – anterior prefrontal cortex – laga yaabo in ay dadka ku taageerto xallinta dhibaatooyinka ad’adag iyo kor u qaadidda awoodda isxakamaynta inta uu qofku ku gudojiro higsashada yoolkiisa.

Waa kaftanlowyaal

Dadka caqliga badan waa kaftanlowyaal dadka kale ka qoslin kara. Daraasad ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka sameeya sawir-gacmeedyada maadda (shactarada) badan ay darajo fiican ka keeneen imtixaanka caqliga ee hadalka. Cilmibaaris kale ayaa tilmaantay in majaajiliistayaasha xirfadleyda ah (professional comedians) ay darajooyin sare ka keeneen imtixaanka caqliga ee hadalka la xiriira.

Way damqasho badan yihiin

Qaar ka mid ah culumada cilminafsiga ayaa ku doodda in la duubashada, u danqashada iyo naxariis u dareemidda dadka kale ay qeyb muhiim ah ka tahay nooca caqliga ee loo yaqaan caqgliga caaddifadda (emotional intelligence). Dadka uu sarreeyo caqligooda noocaan ah waxay xiiseeyaan in ay la hadlaan oo ay wax ka dhageystaan waxna ka bartaan dad iyaga (noloshooda) ku cusub.

Waxay leeyihiin awood laqabsi oo aad u sarreysa

Dadka dhugta badan waa dad dabacsan oo duruufaha markaas haysta la falgali kara. Way la qabsadaan waayaha markaas ku xeeran, iyagoon dan ka galin caqabadaha iyo cadaadiska saaran. Caqligu waa sida aad karti ugu leedahay sidii aad habdhaqankaaga u beddeli lahayd si aad si hagaagsan ula qabsato duruufta degaanka ee aad ku dhex jirto, ama sidii aad u beddeli lahayd degaanka aad ku nooshahay markaas, sidaa waxaa qabta cilmibaaris.

Waxay u oomman yihiin ogaal

Waxyaalaha ay dadka kale iska sahashadaan oo ay sii qodqodin, dadka caqliga badan indho xiiso leh ayay ku eegaan. Way faduul (curiosity) badan yihiin oo ay jecel yihiin in ay wax badan ogaadaan. Daraasad la faafiyay 2016 ayaa waxay qabtaa in uu xiriir ka dhaxeeyo caqliga qofka intuu yar yahay iyo hadhow dambe markuu weynaado sida uu ugu furfuran yahay waaya’aragnimooyinka cusub ee nolosha.

Saynisyahanno ayaa waxay dabaggal ku samaynayeen muddo 50 sano ah dad ku nool Ingiriiska. Waxay ogaadeen in dadka 11 jirrada oo yaraantoodii darajo fiican ka keenay  imtixaanka caqliga (IQ)  ay noqdeen kuwo u furfuran oo aan ka baqin tijaabooyinka nolosha markii ay 50 gaareen.

Marka laga reebo naashnaash iyo farafarayn kooban, maqaalkaan oo af Ingiriis ku qoran halkan ayaad ka akhrin kartaa

-Shaakir M. Cabdullaahi

shakirma.blogspot.com

Check Also

Tallaabada Koobaad ee Guusha – Hadaf!

Ma guul ayaad raadinaysaa? Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *