8 Arrimood Oo Ilmahaaga Ka Dhigi Kara Mid Mustaqbalka Masuuliyadiisa Kasoo Baxa

Waxa muhiim ah in aynu mar walba ogaanno in korinta ilmuhu aanay ahayn keliya mid jidheed ee ay ugu muhiimsan tahay ilmaha oo loo diyaariyo in uu mustaqbalka qaadi karo masuuliyad xitaa isaga oo da’ yar.

Haddaba haddii aad jeclaan lahayd in ilmahaagu noqdo mid masuuliyaddiisa qaadan kara isla markaana noqda mid naftiisa ku tiirsanaan kara waxa aad raacdaa talooyinka Dr. Axmed Cabdalla oo ah Professor cilmiga caafimaadka nafsiga ah ka dhiga Jaamacadda Az-Zaqaaqiiq oo daraasad uu sameeyey kadib soo jeediyey talooyinkan.

1. Ilmaha waa in aad ammaanto marka uu ilmuhu ku caawiyo ama isku dayaba in uu ku caawiyo xitaa haddii jidka uu u maray uu yahay mid qaldan.

2. Waa in ilmaha lagu dhiirigeliyo in uu cuntada gacantiisa kaga bogto, lagana ilaaliyo in gacanta hooyada ama qofka kale uu ka cuno cuntada.

3. Ilmahaaga waxa aad bartaa kuna dhiiri gelisaa in uu  isagu goglado furaashkiisa isla markaana uu nidaamsado dharkiisa, buugaagtiisa iyo qalabka uu ku ciyaaro.

4. Waxa muhiim ah in aad ilmaha siiso fursad uu si xor ah u qaadan karo go’aanka dharka uu xidhanayo iyo weliba sida uu u maararoobayo/ ciyaarayo xilliga firaaqadiisa, adiga oo jid xikmadaysan u maraya toosintiisa, haddii uu qaldan yahay.

5. Ilmahaaga bar sida uu u diyaarsan karo go’aanna uga gaadhi karo ujeeddooyinkiisa oo saxan.

6. Bar sida ugu habboon ee uu u noqon karo qof masuuliyad sida, tusaale ahaan ku dhiiri geli in uu daryeelo walaalihiisa ka yaryar.

7. Mar kasta oo uu ilmahaagu guul gaadho ama uu guul ka gaadho qorshe uu dejistay, waxa aad siisaa hadyad, xitaa haddii ay tahay hadyad yar, si aad ugu muujiso farxaddaada guusha uu gaadhay.

8. Mar kasta oo uu horumar ku tallaabsado tus sida aad ugu sacabbo tumayso. Kuna dhiiri geli inuu kuwo kalana isku dayo.

Kamaal Marjaan

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *