8 Tallaabo Oo Muhiim Ah Si Aad U Gaarto Guul

 Isticmaal fikradahaan si aad guul u gaarto:

1.    Fuli Fikradahaaga:  adigoo ka bilaabaya meel macquul ah oo aad hadhoow kasoo kabsan karto sidookale markaad wax yar ku bilaawdo waxaad kala ogaaneeysaa ineey fikarada soconeeyso iyo in kale.

2.    Diiwaangasho Ahdaaftaada: Ahdaafta aad tiigsaneeyso waa ineey kuu diiwaan gashanyihiin si aad u ogaato meesha aad mareeyso iyo inta kaaga dhiman inaad gaarto hadafkaada.

3.    Xooga Saar Ahdaaftaada: Hadafka aad leedahay wuxu u baahanyahay daryeel iyo ka warqabid iyo inaad mar walbo ku fikirtu siduu hadafkaada ku xaqiiqoobi lahaa fikiro cusub ku soo kordhi si aad u gaarto gunta.

4.   Joogteey Ahdaaftaada: Marnaba ha dhayalsan hadaf ka mid ah ahdaaftaada haduu xitaa yar yahay wuxuu u baahanyahay in fikir badan la galiyo oo laga miro dhaliyo, Sidookale in hadaf ka mid ah ahdaaftaada aadan ka tagin sababtoo ah waxaa soora gal ah in hadafkaas uu ku gaarsiin karo mid intaa ka balaaran.

5.   Marnaba hajoojin waxbarashada: Wax badan ayaad baran kartaa waxaana ka baran kartaa qaababka nolosha, sidookale waxaad wax ka baran kartaa qof horay usoo gaaray guul waxyaabihi soo wajahay, waxbarashada marwalbo waxeey kaa saacideeysaa in si fudud aad ku gaarto hadafkaada.

6.   Dalbo Saacidaad: Naftaada u ogoloow ineey hesho saacidaada aad ka heleeyso dadka kuu dhaw si aad uga hesho khibrad iyo dhiiri galin kuwaasoo horay kuu sii wadi kara.

7.   Daraaseey Khaladaadka: Waa inaad daraaseeysaa khaladaadka mid fikir ah iyo mid ficil si aad  isaga saxdo oo dib eeysan kugu soo noqon.

8.   Isku kalsoonaaw: Noqo qof isku kalsoon ogna hadii aad dadaasho inaad gaareeyso hadafkaada.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *