8 Tallaabo Oo Kuu Sahlaya Suuq Galinta Ganacsigaaga Cusub

Qormadan kooban waxa aan kaga hadli doonaa suuq galinta hore ee shirkada leh adeeg ama badeeco. Waxa aan ku eegi doonaa waxa ugu horeeya ee aad suuqa keenayso sida ay isbadal iyo baahi u dabooli karaan, sida aad suuqa ugu tijaabin karto iyo marka aad suuqa keenta qaabka aad raad-raac suuq galin u samay karto. Ilaa 8 talaabo oo is kaabaya muhiimna ah.

KA TAXADAR WAXA AAD DOONAYSO IN AAD XALISO.

Marka aad doonayso in aad keento figrad ganacsi suuqa, waxa aad si buuxda uga taxadartaa xalka aad hayso. Sababta oo ah figrad ganacsi ee kasto oo qiima lihi waxa ay dabooshaa baahi ka taagan suuqa. Waxa aad keenaysaa wax dad ku u baahan yihiin. Ganacsi ma jirri karo, hadii aysan jirin baahi dad weyne u baahan ganacsiga aad soo wado, kadibna lacag ku bixiya laakiin u qalma in lacag lagu bixiyo. Marka si aad ah uga baaraandeg badeecada ama adeega aad soo wado in uu yahay mid dadku ay u baahan yihiin lacagna ay ka bixiyaan,fiiri xiriir ka ka dhexeeya ganacsi gaaga iyo waxa dad ku ay doonayaan, hadii uu mid cusub yahay iyo hadii uu yahay ganacsi horay suuqa uga jiray laakiin aad horumarin,casriyeyn iyo isbadal aad keenayso.
Intaa waxaa dheer, suuqu waa uu dihan yahay marka ay ka jirto xanuun iyo baahi loo qabo adeegaaga iyo badeecada aad soo wado. Marka isku day in aad keento daawo si wanaagsan u baabi’isa xanuun ka ka jira suuqa.

ISKA HUBI BAAXADA SUUQA.

Tan macnaheedu waxa uu yahay cadadka macaamiisha uu yeelan doono ganacsi gaagu, cidda gadan karta, awooda wax iibsiga macaamiisha, baaxada intaba. Tusaale suuqa mobilada waxa uu leeyahay ilaa 4-7…. nuuc oo hal shirkadi soo saarto iyada oo eegaysa awooda macaamiisha, una tayeysa si waafaqsan baaxada iyo heer ka bulsho. dhan ka kale, baaxadu waxa ay si toos ah kuugu tilmaamaysaa tirada macaamiisha suuqa. suuqu waxa uu noqon karaa mid cusub ama mid shirkado iyo ganacsiyo kaa horeeyey ay ku jiraan. Hadii uu yahay mid cusub baaritaan ku samee tirada dad ka macaamiisha kuu noqon kara.Hadii uu yahay mid shirkado iyo ganacsiyo kale horay ugu jireen,iyana baaritaan ku samee qaybta aad ka heli karto macaamiishaa lakala haysto iyo kuwa dihan ee banaan ka taagan.

SHAY KASTA EE SUUQA YAALA WAA BAAHI DARAN AMA RABITAAN QOTO DHEER.

Badeecada iyo adeega suuqa waxaa loo kala qaadaa labo:

1- BAHI DARAN: oo ah qutul daruuri lama huraan u ah nolosha dadka sida raashin ka, daawo, iwm. Dadka ugu badan waxa ay dhacaan qaybtan ah baahida guud ee dadweynaha. in aad keento xal iyo farsamo ganacsi oo aad ku daboosho bahidaa daran waa ay ka saamayn badan tahay in keento wax rabitaan iyo raaxo un ku salaysan.
2-RABITAAN QOTO DHEER ( RAAXO ): wax loo baahan yahay lagase maarmo oo raaxaysi ah sida gaari qurux badan oo qaali ah, waxa la isku qurxiyo, lagu xaragoodo oo inta badan ka dhasha raadinta xushamad iyo sumcad, macag iyo darajo gundhigoodu yahay in qofkaa la jeclaado.

Waa in si cad aad u kala saartaa labadan mid uu dhaco ganacsi gaaga, aad ogaataa xad baahida dadka iyo baaxada macaamisha aad saamayn karto.

KU FAKAR SAAMAYNTA XALKAAGA.

Inta badan waa ay yar tahay suuq aan horay lagaaga horayn, laakiin waxa aad ku fakartaa in xal kaagu yahay MID KA DUWAN OO KA HEER SAREEYA / WANAAGSAN wixii horay suuqa u yiilay. KA DUWAN OO KA HEER SARAYA waxa aan ka wadaa dhanka tayada,qiimaha,adeegsiga,magaca,iyo faa’idada guud ee adeega ama badeecadaada. wax ka fiican adeegii iyo badeecadii hore ee suuqa ka jirtay. Taas ayaadna ku keeni kartaa isbadal kuna kasban kartaa macaamiil kusoo leexata adiga. Mar kasta dad ku waxa ay jecel yihiin in ay bixiyaan wax yar, oo ay helaan wax fiican ama badan. ISBADAL AYAA MUHIIM AH LOONA BAAHAN YAHAY.

BANDHIG U SAMEE GANACSIGAAGA INTA AADAN SUUQA KEENIN.

Marka aad soo wado badeeco ka duwan kuwii hore oo heer sare ah , hadana waa in aad suuqa tijaabo ahaan u keentaa marka hore hadii ay suurto gal tahay si aad u ogaato jawaab celinta macaamiisha. Waxa aad helaysaa sawir kooban laakiin wax ku ool ah. Waxa aad ogaan kartaa sida loogu baahan yahay, aragtida macaamiisha, qanaca guud,iwm. Sidoo kale waxa aad tusi kartaa dad kooban sida saaxiibo iwm ama dad si gaar ah loo soo xulay sida arday ama koox tijaabo ahaan ah oo aad ku baarayso suuqa adiga oo siinaya naqshada ama adeega si hordhac ah kadibna su’aalo iyo baaritaan ka samaynaya arritaa.

QARASHKA YAREE.

Si kasta oo ganacsi gaaru casri ama qaali u yahay isku day aas-aas kaaga hore in aad yarayso qarashka ku baxaya. Tani waxa ay fursad u tahay labo arrimood oo kala ah in ay badan dahay shirkado ama mashaariic badan oo marka hore qarash xoog lihi ku baxay kadibna qabyo noqday oo hakad galay ama baaba’ay qarash la’aan awgeed. Marka hadii marka hore aad yarayso qarashka baxaya , waxaa suurto gal ah in mar dambe aad u baahato. Sidoo kale waa ay dhici kartaa in shirkadaa aad abuurtay ay qasaarto ama socon wayso, taana waxa ay kaa caawinaysaa in qarash badan uu sam marka hore kaa bixin.

SUUQA HAKA DIB DHICIN.

Cabsida ugu badan ee soo wajahda ganacsatada yar-yari waxa tahay in inta aysan suuqa u soo bandhigin ganacsi gooda , cid kale ay kaga soo hor marto suuqa. Waa ay dhacdaa in dad ka qaarkii ama shirdo badan ay xadaan ama qashaan adeega ama badeeco cid kale samaysay. Waxaa suurto gal ah, in shirkad kale oo weyn ay suuqa kaaga hormarto, ama cid kale xado sirtaada ganacsi. Marka, Ha la daahin oo ilaali sirta ganacsi gaaga. Ganacsigu waa sir fursado qarsoon oo hadii cid kasta ogaan lahayd aysan faa’ido dhasheen.Laakiin cid kasta waa ay xafidaa naqshada iyo siyaasada ganacsigeeda taa ayaan qiime gaar ah iyo in loo baahdo usii yeesha. Tusaale, shirkadda COCA COLA, ilaa iyo markii la aas-aasay 1892, lama helin sirta qarsoon ee ay iskugu daraan isku jiraka uu ka samaysan yahay Coca , iwm.

KA FAL-CELI NATIIJADA HORE.

Marka ugu horaysa ee aad suuqa u soo bandhigto adeeg ama badeeco, waa in aad abuurtaa xafiis u gaar ah qancinta iyo xalinta cabashada macaamiisha. Waa in aad ogaataa asalka hadii ay jirto cabasho ay keenaan macaamiishu iyo sida aad uga gudbi karto. Sidoo kale waa in aad si gaar ah isha ugu hayso cadadka dadka imaanaya ama soo booqanaya shirkad daada iyo inta macaamil aad ka samaysay. Tusaale dadka kusoo booqda marka loo qaybiyo inta wax kaa gadatay waxaa kuu soo baxaya heerka wax gadashada dadka ama boqolkii qof ee ku soo booqataba inta qof ee wax kaa gadata marka dhan kale loo dhigo. Hadii dadka wax kaa gadanaya uu yahay inta u dhaxaysa 5% ilaa 10 %, waa Ok, sababto oo ah waxa aad dhisaysaa marka hore aas-aaska macaamiisha, kadibna waxaa imaanaya waxa loo yaqaan Multiplier oo ah in qof kasta ee ku qanca adeegaaga ama badeecadaada uu dad ka u sii gudbiyo am xigto.

Hadiise heerka gadashadu uu ka yar-yahay 5%, dhib ayaa jira waa in aad baarto sababta isbadal dhaqso ahna aad samayso. Sidoo kale waa in aad samayso Koox si wanaagsan loo dhisay oo la macaamila macaamiisha hore ee soo booqata ganacsi gaaga ama cida aad u gaynayso intaba, isla markaana awood u leh inay ogaadaan tabashada macaamiisha.

Mahadsanidiin.

ABDILKADIR INDHO.

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *