8 Tallaabo Oo Aad Miisaanka Iskaga Dhimi Kartid

In miisaanka la dhimo wuxuu u muuqdaa wax iska fudud ,laakiin sidaasi wey ka adagtahay waxaana loo baahan yahay in aad maskaxda ku heyso hadaad dooneyso in aad miisaanka iska dhinto in markiiba uusan kaa dhaceyn oo inyar inyar ay u baaba’yaan. waa geed aad u weyn caleen badana leh oo maalinba ay xabad caleen ah ka so dhacdo ilaa ugu danbeyn la dareemo in geedkan caleentiisa ay sii baabaeyso kuwa cusubna eysan soo baxeyn.

Hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa 8 waxyaabood oo fudud oo miisaanka isaga dhimi kartid.

1- Iska ilaali cabitaanka sonkorta leh oo waxaad cabtaa biyaha caadiga ah ee cad .

2- Cun cuntooyinka aan dufanka laheyn qaasatan kuwa loo yaqaan xabuubleyda sida galleyda,Masegada ( hadhuudhka ) digirta Iwm. Ama hadaad awoodo cuntootinka loogu talagalay in baruurta leysaga rido.

3-Socod 45 daqiiqo maalintii ogow 30kii daqiiqaba waxey gubtaa 300 calories ogowna hadaad joogteyso socodkaa oo waxaad doonto cunto waxba u dhimi meyso miisaankaaada , marka soco intaadan wax cunin oo ha socon marka aad dharegsan tahay

4- Xiliga qadada cun qudaar  badan inta aad hilib iyo caano dufan leh iska buuxin laheyd waa u fiicantahay miisaanka.

5-Ha isticmaalin cuno kale marka aad dibada ka tahay gurigaada waayo cuntada guriga waad koontarooli kartaa laakiin hadii aad dibada xabad roodhi wax la marmariyay ama hilib uu ku jiro aad qac ka siiso miisaanka aad dhimeysay ayey dhibaato ku tahay, marka ilaali waqtiga cuntada.

6-Hadii aad dhibaato ku qabto ilaalinta meeqa jeer ayaad wax cuntay fadlan raac tilmaamahan waxaad soo qaadataa qaado iyo saxan madhan ku dul feker ugu badnaan 20 daqiiqo hadii maskaxda kuu soo gudbiso in aadan qabin gaajo cab biyo cad waxaad dareemi doontaa in aaney gaajo ku heyn ama inyar aad u baahan tahay.

7-Waxa kabadan saacad meel ha fidhin istaag qaado shan daqiiqo oo meelaha socosoco gacmahana kor iyo hoos u dhaqdhaqaaji waxey muhiim u tahay jidhaka.

8-Hadii aad xaas tahay ama leedahay waxaa haboon in farxada qoyska uu ahaado mid joogto ah dhunkashana ay jirtaa waayo halkii dhunkasho waxey gubtaa 23,000 oo kaloori qiyaas sideed rodol waana u muhiim ruuxa miisaanka dhimaya. ( qofka aan xaaska laheyn ma quseyso )

SICIID XAGAA AFRAX
JOURNALIST
SOURCE: HEALTH.COM
EMEIL: SXAGAA@HOTMAIL.COM

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *