Hababka Looga Takhaluso Khajilaadda Badan

Ma tahay qof khajilaad badan? Ma raadinaysaa jidka ugu habboon ee aad kaga takhalusi karto khajilaadda?

Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa tallaabooyin kaa caawinaya in aad ka takhalusto khajilaadda oo la isla qirsan yahay in ay nolosha bulsho ee qofka dhibaato ku tahay.

Noqo Faduuli:

Haddii aad og tahay in aad tahay qof khajilaad badan waxa aad ku dadaashaa in aad faduuli noqoto, oo aad isku daydo in aad ogaato ama faahfaahin aad u raadiso wax kasta oo aad isleedahay waxa uu fure u noqon karaa in aad wax ka ogaato dunida kugu xeeeran. In aad mar kasta xog iyo sharraxaad raadisaa waxa ay xoojinaysaa aqoontaada guud, waxa aanay kor u qaadaysaa awoodda aad u leedahay in aad bulshada dhex gasho.

Ha ka waaban in aad dadka kugu cusub la sheekaysato:

Marka aad joogto goobaha ay bulshadu isugu timaaddo. Ha ka baqanin in aad la sheekaysato dadka goobta jooga, xitaa haddii ay yihiin dad markaasi isugu kiin horreyso, ku dadaal in aad is barataan, waxoogaa sheeko guud ahna is dhaafsataan.

Sidoo kale naftaada ku tababar in ay ka hadli karto kulamada iyo goobaha la isugu yimaaddo, xitaa mararka qaarkood adiga oo aan hore ugu soo diyaar garoobin.

Raadi xogta mawduucyada xiisaha leh si aad u hesho wax xiiso leh oo aad dadka la wadaagto:

In qof aad imika uun is barateen aad la sheekaysataa ceeb iyo culays midna ma’aha, laakiin waxaa fool xun in mawduuca aad la wadaagaysaa noqdo mid aan xiiso lahayn, taas oo kaa bixinaysa in aad tahay ruux ka hooseeya mustawaha aad doonayso in bulshadu kuu aragto. Haddii aad khajilaad badan isku ogtahay, ku dadaal in aad akhrido, daawado, dhegeysato wararka iyo macluumaadka ka hadlaya arrimaha markaas taagan iyo mawduucyada muhiimka ah ee bulshada ku dhex wareegaya, taasi waxa ay kuu suurtogelinaysaa in aad hesho arrin xiiso leh iyo xog muhiim ah oo aad qofka la wadaagto, waxa aanay yaraynaysaa khajilaadda aad ka qabto la xidhiidhka bulshada.

Is-xakamee:

Naftaada ku tababar in ay is-xakamayn karto mar kasta oo aad cid la hadlayso, marka aad la hadlayso ama la doodayso cid aad isku cusub tihiin iska jir sakatiga, didmada, isku-dhex-daadashada. Nafta u sheeg xaqiiqada ah in aanu jirin farqi dhinaca bani’aadamnimada ah oo idiin dhexeeya adiga iyo ruuxan ama dadkan ku hortaagan. Sidaada oo kalana ay ceeb iyo cisiba leeyihiin, sidaa awgeed naftaada ku kalsoonoow, inta aad ku socoto jidka saxanna cid ha ka baqan.

Dhis xirfaddaada iyo aqoontaada:

Aqoontaada, xirfaddaada, hiwaayaddada iyo hawlaha aad ka shaqayso oo aad dhistaa waxa ay nafta ku beeraan kalsooni dheeraad ah, sidoo kale hawlahaaga bulsho waxa ay kaa caawinayaan, in aad ka gudubto teedka ama xuduudka adiga iyo dadka kale idiin dhexeeya.

Ceebaha aad isku ogtahay dabool:

Haddii ay jirto arrin la xidhiidha dabeecaddaada, muuqaalkaaga guud ama arrin uun kale oo ay dadku kugu dhibsan karaan ama aad adigu aaminsan tahay in khajilaad ay kugu tahay, xitaa haddii aanay kugu ahayn, waxa aad ku dadaashaa in aad ka takhalusto.

Kalgacal muuji:

Ku dadaal in bulshada aad kula macaamisho kalgacal iyo so odhoweyn, mar kastana tusto in aad xasiloon tahay oo aanu culays kale oo nafsi ahi kugu furnayn, taasi waxa ay fududaynaysaa in aanay dadka kugu cusubi faham qaldan kaa qaadan, sida in aad kibir badan tahay, waxa aanay kugu soo dhoweynaysaa bulshada kugu xeeran, taasina waa dawo khajilaadda kaa tirtiri karta.

Naftaada kalsooni ku qab:

Niyadsamaanta iyo rajada oo la wanaajistaa waxa ay ka mid yihiin arrimaha qofka ku beera kalsoonida nafta, mar kasta xasuusno in aad tahay qof dadka kale wax yaabo badan la wadaaga, wax yaabo badan kaga xun, wax yaabo badanna kaga wanaagsan, qof leh waxyaabo wanaagsan oo cid kale aanay la wadaagin, waayo qof kastaa waa sidaas, haddii aad nafta runtaas u sheegtana waxaa xoogaysanaya kalsoonida ay isku qabto.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *