8 Siyaabood Oo Jinka Iyo Sixirka La Isaga Ilaaliyo

Cunista timirta: cun 7 xabo oo timir ah markaad soo toosto cuntada ka hor, Nabigeena NNKH waxaa la wariyay inuu yiri: “Qofkii subax kasta cuna 7 timir ah cuntada ka hor waxaa uu ka nabad galayaa sunta iyo sixirka”

Weysada: Sixirku ma saameeyo qof wayso qaba waayo waxaa ilaalinaya Malag Allaha SW uu soo diray, Ibnu Cabaas RA, waxaa uu Rasuulka NNKH ka warinayaa inuu yiri: “Ma jiro adoon kaligiis seexda isagoo weyso qabaa illaa in malag weheliyo mooyee, dhaq-dhaqaaq kasta uu sameeyana malaga ayaa Allah u baryaya oo oranaya Yaa Allah u dambi dhaaf adoonkaaga”

Qiyaamu Al-Laylka: Qof kastaa oo doonaya inuu ka badbaado sixirka waa inuu tukataa saalaada habeenkii.

Isticaa’dah: Waxaa muhiim ah qofka muslimka inuu Allah magangalyo weydiisto markuu suuliga ama musqusha galayo sababtoo musquluhu waxay guri u yihiin jinka shaydaanka ah.

In Allah Magangalyo la weydiisto xiliga guurka cusub: Marka aad guursato xaaskaaga inta aadan sariirta ugu tagin, gacantaada midig saar foolkeeda (forehead) kadibna ducadaan akhri: duco jinka

In Allah Laga Magangalo Sheydaanka Iyo Shartiisa Xiliga Kulanka Sariirta Ee Lamaanaha: Nabigeena CSW waxaa laga wariyay inuu yiri hadii aad akhrisataan ducadaan soo socota xiliga ijmaaca, jinka iyo sheydaanku ilmaha idin dhasha  waligood waxyeelo uma gaysanayaanducada galmada

Inaad weyso qaadato intaadan seexan Aayaatul Kursina akhrisato: waxaa arinkaan xaqiijiyay Abuu Hurayra R.A, jinni ayaa ku yiri: “Qofkii akhriya Aaytul Kursi inta uusan seexan Allah ayaa ilaalinaya jinkana uma tagaya habeenkii oo dhan”

Ducada marka guriga laga baxayo: akhriso ducadaan markaad guriga ka tagayso ama ka baxaysoguriga

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *