Caafimaadka Shaaha Cagaaran

Iyada oo Shaahu guud ahaan uu leeyahay faa’iidooyinka aan soo xusnay ayaa hadana waxa lagu tilmaamay noocan cagaaran Khasnad Caafimaad faa’iidooyinka balaadhan ee uu leeyahay awgeed.

Waxa lagu ogaaday Diraasado Cilmi baadhis cusub ah dhowaan in Shaaha cagaarani leeyahay faa’iidooyin wayn oo ilaalinaya Caafimaadka waxaana ka mid ah kuwan:

1-Shaaha cagaaran wuxuu saacidaa in ay yaraato heerka Protien ka Xaydha ah ee loo yaqaano Cholestrol ka ee xun markaas wuxuu kaa ilaaliyaa inaad qaado Xanuunada Wadnaha iyo Sanbabada

2-wuxuu aad hodon ugu yahay Maadadaha ka ilaaliya Jidhka Xanuunada guud ahaan

3-mida ugu xooga badan Maadadahaa oo loo yaqaano EGCG taas oo ka caawisa Jidhka inuu iska ilaaliyo wax yeelada kaga imanaysa Shucaaca Qoraxda iyo noocya kala gedisan oo ka mid ah Kudka (Cancer)

4-wuxuu kale oo ka ilaaliyaa Jidhka hadii la mariyo Dubka Dildilaaca iyo inay kala qaybsanto Cells ka aan caadiga ahayn kaas oo soo baxa sababta Kulka Qoraxda ee dhibta leh

5-wuxuu midab u yeelaa Ilkaha hase yeeshee wuxuu ka ilaaliyaa Suuska waayo waxa ku jira Maadada la yidhaahdo Floride wuxuuna ilaaliyaa Ciridka wuxuuna la dagaalama Becteria da dhibta leh iyo weliba wuxuu la dagaalamaa urta neefsiga ee la karahsado

6-wuxuu wanaajiyaa shaqada Kelyaha wuxuu ka ilaaliyaa Fashilka Kelyaha wuxuuna nadaamiyaa Dhaqdhaqaaqa Caloosha

7-wuxuu ka ilaaliyaa Maskaxda shooga wuxuuna hagaajiyaa Xusuusta iyo u Fiirsiga iyo Garashada

8-wuxuu la dagaalamaa inay Sonkortu kor u kacdo wuxuuna kaa caawiyaa dhimista Miisaanka hadaad cabtid Cuntada dabadeeda

Wabillaahi atowfiiq

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *