8-daan Qodob Samee Hadii Noolashu Kugu Adkaato

Bani aadan baad tahay, markastaana waxaad la kulmi doonta xaalado adag ee ku niyad jabin doona. Dadka qaarna si fudud ayey uga talaabsadaan caqabadaha noolashu dadka qaarna way ku rafaadaan. Hadaba sideed yeeli lahayd hadaad xaaladahaaso kale la kulantid. Sii akhri qodobadan daryeelmagazine.com ay kuu hayso si aad fikrad uga heshid:

-Wixii dhacay wu dhacay: wixii dhacay wu dhacay waxbana kama badi kari maysid. Hadaad wixi dhacay wax ka qaban kartid wax ka qabo, hadii aanad waxba ka qaban kareena waa inaad laba kala doorataa ama inaad iska aqbashid wixii dhacay horena uga socotid, ama inaad ka xumaatid maskaxdaadana ka dhex guuxo.

-Dhibaatadu waxay dhibaato tahay intaad adigu dhibaato ka dhigaysid: farxadu waxay ku xidhan tahay kolba sida aad wax u aragtid. Hadaad wax u aragtid dhibaato ama mushkilad isla markiiba fikirkaaga kaa qaloocsamiya, dareenkaaga iyo fikirkaaguba markiiba negative ayey noqonayaan. Laakin dhibaatada hadaad u aragtid cashar aad wax ka baran kartid mustaqbalkaagana ku dabaqi kartid dhibaato noqon mayso.

-Hadaad doonaysid inaad nolashaada wax ka bedeshid waa inaad adigu iska bilaabda oo is bedeshaa: marna ha is odhan hadaan shaqadayda badelo ama hadaan dhoofo nolashaydu way wanaagsanaan doonta hadaanad adiga laftigaaga isbadalin. Ilaahay ayaaba quraankiisa ku sheegay:isbadal

-Ma jirto wax loo yaqaano guul daro—ee waa fursado aad wax ka baran kartid: eraygaa guul darada ka masax maskaxdaada. Qof kasta oo guul nolosha ka gaadhay guul daroyin fara badan ayey la kulmeen. Ninkii Thomas Edison (ninka sameeye guluubka ugu horeeye)ayaa mar 1000kii ku guulaystay samaynta guluubka. Marka guul daryoinkiisa wax laga waydiiye ayuu ku jawaabay marna maan guul daraysane ee laakin waxan bartay 999 qaab ee aan guluubku u shaqayn.

-Hadaanad helin waxaad doonaysid ogow wax wixii hore ka fiican ayaa ku soo socda: mararka qaarkood way adagtahay inaad intaa aamintaa, laakin ogow waa xaqiiq jirta. daryeelmagazine.com ayaa ku leh Ilaahay taladaada saaro, Ilaahay cidna ma dulmiyo.

6. Cidna ha is barbar dhigin: Ilaahay insaan kasta si gaar ah ayu u imtixaanay. Hadaad doonaysid inaad noloshaada cid kale barbar dhigtid bal u fiirso dadka kaa liita. Hadaad maanta websiteka faaido.com aad ku jirtid dadban guryo ay ku seexdaan haysan.

-Xaaladuhu way isbedeli doonaan: hadaad shaqo la’aan ka cabanaysid mar uun baad shaqo heli doonta, hadaad xaas la’aan ka cabanaysid mar uun baad guursan, laakin marna ha is dhigan oo fadhiga ka kac.

-Nolosha adagi waxay dhistaa qof adag: imisa dhibaatoyin ayaad soo martay ee maanta kaa dhigay qofkan aad tahay. Hadanay dhibi jirin noqon maysid qof nolosha ka adag.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *