8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

farxaddaWaxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba.

Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.

1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab.
2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho.
3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayntana ha ilaabin

4. Waxa aad samaysataa buug aad ku qorto dadka wax ku tara ama
kuu roon, amaanta lagu amaano iyo ficilada fiican ee aad adiguna samaysid.

5. Dhibaatooyinkii hore iyo kuwa cusub ee hada ku haystaa kuma daynayaan hadii aad markasta ka fikirtid. Markaa ka gudub oo hore uga soco. Waxa aad ogaataa in ugu dambayn dhib kastaa iska dhamaato.

6. Ha is barbar dhigin dadka kale. Sababtoo ah markasta waxa jira dad kaa qurux badan, kaa fiican oo kaa caqli badan. Markaa adigu ku fikir oo jeclow astaamahaaga wanaagsan.

7. Marka la caawiyo qof waxa laga helaa farxad. Markaa maalintiiba caawi qof ama dad badan ha haadaan saaxiibadaa ama ehelkaa.

8. Waqti iyo dhaqaaleba geli saaxiibadaa. Sabatoo ah saaxiibadaa waa kuwa inta badan kaa tagin xataa marka aad kala tagtaan adiga iyo jacaylkaagu. Tanina waa arin u baahan in aad looga fikiro.

Check Also

Xidhiidhka iyo Is-moogaysiinta W/Q: Mubarak Hadi

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee xidhiidhka labada qof cimriya waxa ka mida is-moogaysiinta. Dad fara badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *