8 Hab Oo Aad Si Fiican Oo Cilmi Ah Ugu Kobcin Karto Fariidnimada Ilmahaaga

Fariidnimada ilmahaaga, ilmaha, caruurta, maskaxda carruurta,Si aad maskaxda iyo shakhsiyadda ilmahaaga u dhisto ugana dhigto mid xoogganm garaadkiisana aad u kobciso si sax ah waxaan kuu soo gudbinaynaa Siddeed qodob oo kaalin libaax ka qaadanaya in ilmahaagu uu noqdo fariid, shakhsiyad xooggan leh:

1. Ilmahaaga ku tababar in uu si habsami ah u raaco nidaam nololeed badqaba oo joogto ah, sida cunto cunistiisa, oo weliba ay tahay in uu aad uga fogaado cuntooyinka sii diyaarsan (Beegarada, Saanwiijyada iwm) iyo kuwa qasacadaysan.

2. Ilmahaaga ka ilaali in uu barto xarakaad la’aanta iyo in uu saacado badan dhaq-dhaqaaq la’aan iska fadhiyo meel. Ku dhiirri geli in uu guriga ka baxo, in uu ciyaaro, gaar ahaan ciyaaraha xarakaadka jidhka uga baahan, waayo jidhka caafimaad qaba ayaa uu caqliga caafimaad qabaa ku jiraa.

3. Ixtiraam faduulinimada ilmahaaga, ee uu ku doonayo in uu arrin kasta oo uu arkaba ogaado, waxna ka barto, uga jawaab dhammaan su’aalaha uu ku weydiinayo, iyo wax yaabaha uu isagu is weydiiyo ee aad ogaataba, adiga oo mar kasta u eegaya caqligiisa iyo qaabka uu u fahmi karo ama jawaabta u qaadi karo, kana caawi wax kasta oo uu doonayo in uu ka gun gaadho ama wax ka ogaado.

4. Ilmahaaga u ogolow in uu carruurta kale ee da’diisa ah dhex galo, ogowna in dhex-galkaasi uu yahay jidka aad u mari karto in aad kobciso fariidnimada iy garaadka bulsho ee ilmahaaga.

5. Ka feejignow haba aad ilmahaaga u ciqaabayso marka uu qalad galo, iskana ilaali ciqaabta jidhka ah iyo garaacista.

6. Ilmahaaga ku tababar wax-akhriska, gaar ahaan akhriska qisaska iyo masraxiyadaha, waqtiyada ugu fiicanna waxaa ka mid ah hurdada horteed, oo ay fiican tahay in aad hal qiso u sii akhrido. Waxba ha isku mashquulin in uu ilmuhu fahmi karo qisada ama dhacdooyinkeeda, waayo maskaxdu waa ay duubaysaa, maalin ayuun baanad arki isaga oo si fiican ula jaanqaaday.

7. Ilmahaaga bar oo ku dhiirri geli ciyaaraha u baahan u fiirsiga badan iyo xirfadda, waayo waxaa cilmi ahaan la xaqiijiyey in ciyaaruhu ay ka mid yihiin hababka ugu muhiimsan ee lagu kobcin karo fariidnimada iyo garaadka ilmaha, waxase muhiim ah in ciyaartu ay noqoto mid da’diisa ku habboon, isla markaana ha ku cadaadin wax awooddiisa ka badan.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *