8 Cunto Oo Nabi Maxamed (CSW) Aad U Jeclaa Iyo Faaidooyinka Ku Qarsoon

cuntooyinkii nabi maxamed jeclaaMuslimka dhabta ah waa midka jecel Waxyaabaha Allah (SW) jecelyahay necebna waxa Alle necebyahay, Sidoo kale Muslimka dhabta waa kan jecel Nabi Maxamed (Naxariis Iyo Nabadgalyo Korkiisa) iyo waxyaabaha u jeclaa isla markaana neceb waxyaabahii uu necbaa Rasuulku CSW.

Marka laga hadlayo cuntooyinka sunnada waxaa muhiim ah qofka kasta inuu ogaado cuntooyinkii uu jeclaa Nabigu CSW iyo faaidooyinkooda caafimaad.

Cunto kasta waxay leedahay faaidooyin balse cuntooyinkii uu jeclaa Nabigu CSW  way kaa faaidooyin badan yihiin kuwa kale. Cuntooyinkaan qaar ka mid ah waxaa lagu xusay Qur’aanka kariimka ah.

Miraha berdaha (figs):berdaha

Quraanka Kariimka ah ayuu Allah (SW) ku dhaartay Tiinka iyo Saytuunka taasi oo muujinaysa faa’ida ay leeeyihiin

Berdaha/tiinka inta badan waa la qallajiyaa, waxay leeyihiin dhadhan aad u macaan. Daraasado lagu sameeyay mirahaan ayaa lagu ogaaday inay leeyihiin faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka ah, waxaana ka mid ah waxay hoos u dhigaan dhig karka sababto waxaa ku jira macdanta potassium, waxay caawiyaan luminta miisaanka, waxay ka hortagaan kansarka naasaha, intaa waxaa dheer mirahaan waxay daaweeyaan qaarka ka mid ah xanuunada caloosha.

Malabka: malabka 1

Nabigeenni suubaanaa ee Maxamed (C.S.W) wuxuu yiri: “waxaan idinku ogahay laba dawo – Quraanka iyo malabka”.

Xanuunada uu malabku daaweeyo waxaa ka mid ah: xanuunada caloosha, gaaska, finanka, xanuunada beerka, kansarka iyo hargabka.

Akhriso: 7 faaido oo laga helo malabka

 

Saytuunka:  saliid saytuun

Saliida Saytuunka waxay u wanaagsantahay maqaarka iyo timaha, waxayna dib u dhigtaa calaamadaha gabowga. Caleenta saytuun waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo caabuqa caloosha iyo kansarka maqaarka.

Cinabka: cinab

Cinabku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinkii Nabigu CSW jeclaa, waxaa uu nadiifiyaa dhiiga sidoo kale cinabku waxa uu sifeeyaa kelyaha waana uu xoojiyaa shaqadooda.

Qaraha:qaraha

Sida uu dhigayo Xadiis ay kutubtooda ku soo tebiyeen labada Sheekh ee Abu daa’uud iyo Tharmadi, “Rasuulku waxa uu isku cuni jiray Qaraha iyo timirta Rodobka loo yaqaanno”

Qaraha waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% inuubiyo yahay, saas ay tahayne waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jirka uusan ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Waxaa kaloo qaraha ku jiro macdanta bootaasiyamta oo unug walba oo jirka ka mid ah uu u baahan yahay.

Qaraha wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo unugyada murqaha wadnaha in ay duqoobaan, Waxaa uu wanaajiyaa dheefshiidka,waxaa uu ka hortagaa kansarka, Waxaa uu qooyaa maqaarka iyo timaha.

Caanaha: caanaha

Caanuhu waxay ka mid yihiin cuntooyinka Quraanka Kariimka ah lagu xusay, Nabigu CSW waxaa uu inoo sheegay in caanuhu u wanaagsanyihiin qalbiga, sidoo kalena xoojiyaan dhabarka, sidoo kalena inay kobciyaan maskaxda, araga iyo xusuustana ay wanaajiyaan.

Bocorka: bocorka

Bocorka waa cuno waana dawo Quraanka Kariimka ah wax uu kaga hadlay suurad, yirina magaca Yaqdhiin sidoo kale nabigeena C.S.W ayaa aad u jeclaa wuuna Daimi jiray waxaana uu kula talin jiray in ay cunaan asxaabtiisa isagoo dhihi jiray bocorka wuxuu jabiyaa tiiraanyada qalibiga.

Bocorka sidoo kale waa maado keena hurdo, dajiyana neerfaha una roon dadka dabeecad ahaan kulul, bocorka biyahiisa hadii lagu dhaqo madaxa ama la cabo madaxa xanuunka ayuu wax kataraa .

 

Tmiirta:timirta

Faa’iidooyinka lagu sheegay timirta waxaa kamid ah caloosha oo ay socodsiiso. waxey sidookale ufiicantahay xanuunada kudhaca sida wadnaha, dhiig la’aanta, shubanka, kansarka kudhaca mandhicirada caloosha, sidoo kale haweenka uurka leh iyo dhibaatooyinka la xariira taranka iyo kuwa kaleba. Timirta waxaa kujira dhawr walxaad sida fitamiino iyo macdanba (minerals)

Diinteenu waxa ay dhiirigelisay isticmaalka miraha timirta isaga oo Nabigeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yiri {ma gaajoodo cida ay gurigooda taalo timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu, Waana cuntadii Rasuulku (scw) ugu jeclaa.

Check Also

shaaha liinta leh, shaaha liinta lagu daro, lemon tea

Sirta Caafimaad Iyo Shaaha Liinta Leh

Shaahu wuu noocyo badan yahay faaidadiisana waxay ku xiran tahay hadba nooca caleenta la isticmaalay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *