8 Calaamadood Oo Lagu Garto Cudurrada Kelyaha

Symptoms of Kidney Disease

Aqriste waxaan kuu soo gudbinayaa qaar ka mid ah xanuunaa ku dhaca kelyaha iyo calaamadaha lagu garto.

Xanuunka ku dhaca kelyaha ayaa noqday tobankii sano ee u danbeeyay mid ay ka cawdaan dadka soomaaliyeed mana jirin laba sano ka hor mashiinka kelyaha sifeeya deegaanaadada afka soomaaliga looga hadlo, immika se magaalooyinka sida hargeysa waad ka heleysaa.

Taasi micnaheedu maaha in laga gudbay caqabadihii la xidhiidhay xanuunnada kalyaha waxaana jira hab sahlan oo leysaga daweyn karo xanuunka marka ugu horreysa ee uu ku asiibo, laakiin aqoonta aynu u leennahay oo yar iyo xidhiidhka dhaqtar inoo gaar ah oo aynan laheyn waxey keeneen in ummad badani ka naafoobaan kelyaha.

Dad badan ayaa qaba xanuunka kelyaha ee daba-dheeraada loona yaqaan (Chronic kidney disease ) dadkaasi ma gartaan bilowga ,sababtoo ah calaamadaha hore oo ah waxa aad u yar ayey ku qaadataa sanado inay ogaadaan. kadibna marka uu dhaqtar tago ruuxii ka cabanayay kelyaha ayaa loo sheegaa in kellida ama labadaba ay u dhamaatay ayna gaadhay heerka 3CKD ( marxalada sadaxaad ) kuwaasi waxey u badan tahay 80% in aan lagu guuleysan in kellidii amma kelyaha la daweeyo.

imaatinka marxalad kasta ee cudurka kelyaha aquuntu waa u awood .Ogaanshaha calaamadaha cudurada ku dhaca kelyaha ayaa kaa caawin kara inaad hesho daaweynta aad u baahan tahay iyo in aad dareento soo kabashadaada .

Haddii adiga ama qof aad garanayso uu leeyahay mid ama ka badan calaamadahan soo socda ha welwelin marka hore is deji aad dhaqtar oo iska baadh dhiiga iyo kaadida. Xusuusnow in badan oo calaamadaha ah waxaa keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo kale. Adiga Sida kaliya ee aad u baahantahay ayaa ah in la ogaado sababta keentay calaamadaha marka waa qasab in aad aragto dhakhtarkaaga.

Symptom 1: Calaamadda Koowaad

ISBEDDELKA KAADIDA

Kelyuhu waxey sameeyaan qashin-saarka ay ka mid tahay kaadidu, iyadoo xilliyada ay jirran yihiin kaadida laga dareemo isbeddel. Hadaba sidee isu badashaa ?

  • Xilliyada habeenkii waxaa ku soo toosisa kaadi adiga oo aan soo toosi jirin.
  • Kaadi xad-dhaaf ah oo ka badan xaddi weyn intii caadiga aheyd.
  • Kaadida oo mar kale ka yaraata sida caadiga aheyd ama midabkeeda oo isbeddela.
  • Kaadida oo dhiig soo raaco dhammaadka ama bilowga
  • In aad dareento kaadida oo ku gubta amma aad si xoog ah ku soo saarto
  • In aad dareento in ay kaadi ku heyso oo aad xajin weyso dabadeed aad orod ku gashi Suuli dabadeed ay si baxsad ah kaaga timaado, markii aad soo dhameysato oo aad ka soo baxdo suuliga inta aadan ka fogaan hadana aad dareento in weli kaadidii ku heyso.
  • In ay ku dhibaan dhibcaha ugu danbeeya oo aad dareento xanuun mararka qaar aad u daran.

Symptom 2: Swelling Calaamadda 2aad

BARAR.

Kelyaha waxey leeyihiin dheecaan ( dareeraha ) kaasoo dhisa jidhkaada laakiin marka kelyaha xumaadaan wuxuuna sababaa barar lugaha ah, kuraamaha, cagaha, wejiga, iyo cududada gacmaha. Tirakoob ay sameysay mareegta LANSET ayaa lagu wareystay ku dhawaad 3 kun oo bukaano ka cabanaya xanuunada ku dhaca kelyaha Dadka la wareystay waxaa ka mid ahaa nin yidhi kelyo xanuunka waxey I gaadhsiiyeen in ( Kuraanta } la arki waayo barar awgeed , timihii ay iga daateen , miisaanka jidhkeyguna aad ayuu u dhacay.

Symptom 3: Fatigue Calaamadda 3aad.

( Daal )

Kelyaha caafimaadka qaba waxey sameeyaan hormone loo yaqaan erythropoietin (a-rith’-ro-po’-uh-tin), ama EPO, taasoo cadeyneysa in jidhkaada uu ku sameysmay oxygen qaadaya unugyada cas cas ee dhiiga, kelyahana waxey gaadhsiisaa muruqyada ilaa taayirada maskaxda si deg deg ah . Si fiican uma jiifsan kartid, xaqa sariirta ma gudan kartid ,shaqooyin badan kama qeyb qaadan kartid dhamaan waxey kugu keeni kartaa daal fara badan.

Symptom 4: Skin Rash/Itching (Calaamadaha 4aad Finan maqaarka ah )

Kelyaha waxey qashin saar ku sameeyaa dhiiga wasaqeysan ,laakiin marka kelida ay bukto dhiigii dib ayuu ugu soo noqonayaa jidhka, dabadeed maqaarka ayuu cun cun ku keenaa ,ruuxa xanuunka nuucaa ah ku dhaca jidhkiisa oo dhan ayaa badalma finan ayaa ka soo yaaca aadna wuu isku xoqaa ogow dhibtaasi oo idil waa kelyaha fadhiya.

Symptom 5: Metallic Taste in Mouth/Ammonia Breath

( calaamada 5aad dhadhanka iyo neefta afka )

Dhiiga qeybta sifeynta kelyaha waxaa ka mid ah nuuc dhadhanka ku shaqeeya waxaana loogu yeedhaa (called uremia) taasi waa dhadhan kala duwan xagga cuntada waxaana ruuxa ku dhaca Af ur ( Bad breath ) sidoo kale waxaadan jecleysaneyn cunista hilibka ugu danbeyna waad tamar dareysaa xagga miisaanka jidhka .waxaasina waxaa sababta ugu weyn ay tahay xitaa in cuntada aad nacdo waa kelyaha oo aan si hagaagsan u shaqeyn.

Dhadhanka waxaad dareemeysaa sida qof cabay cabitaanka ka sameysan IRON , waxaa kaa xidhmaya appetite ma garanayo wax lagu yidhaahdo af soomaali appetite waa qofka oo raashiinka qaadan la .

Symptom 6: Nausea and Vomiting Calamaada sedexaad.

( Mataga)

Xaaladan waa marka ruuxa gaadho waxa loogu yeedhi ( severe) wuxuu keenaa matag aan waqti laheyn wax walba uu ruuxaasi cuno kuma hakanayaan caloosha , sido kale wuxuu leeyahay -Lalabo ( yulaaalugo ) waxba ma cuni karo waxeyna ugu sii daran tahay marka uu ruuxa ugu darsan yahay cudur kale oo uu dawadiisana qaadanayo sabab wey is diidayaan .

Symptom 7: Shortness of Breath

(Calaamada 7aad neefta oo yaraata )

Dhibaato kaaga dhacda xagga neefta waxey la xidhiidhi kartaa kelyaha laba siyaabood tan koowaad dheecaanka dheeraadka ah ee jidhka oo ku bata ilaa wadnaha iyo tan labaad oo ah dhiig-yaraan. Oo sababi karta neefta oxygenta oo aad kuugu yaraata sida qof neef-qabatoobay oo kale

Xilyada ugu badan ee la dareema waa xiliga jiifka oo ruuxaasi ma seexan karo wuxuuna saacado badan ku qaataa fadhi, marka aad shaqo heysidna wadnaha ayaa aad kuu garaacma dabadeed waad daaleysaa mana sii wadi kartid shaqada.dhiig-yaridaasi waxey keentaa in aad dareento qabow jidhka ah xitaa hadii qol diiran aad ku jirto.

Symptom 8: Leg/Flank Pain

(Calaamada xanuun hareeraha lugta ah )

Sababaha ugu badan ee sababa cudurada ku dhaca kelyaha ma sababaan xanuun kasta iyo mid kasta oo kaa qabta meel u dhow kelida , lamana odhan karo kelida ayaa I danqeysa ,tusaale dadka qaar ayaa qabi kara xanuun kelida ah iyo xanuuno kale sida dhabar xanuun ama jeexa goljilicda ( dhinaca) kuwaa ayaa laga yaabaa aakhiritaanka in ay saameeyaan kelyaha.

Cudurka polycystiskt ee kelyaha (Okla)wuxuu keenaa fiix waaweyn , dheecaan ka buuxsama kelyaha hadii aan dhaqso loo daweyn waxey keeni kartaa in beerka waxyeelo soo gaadho.caabuqa kalyaha ka yimaada ayaa keena dhagax kelida ku jira aad iyo aad ayey u xanuun badan tahay ,kelida oo ku dubaaxisa iyo mark aad kaadiso oo gubasho aad dareento

TALO

Hadaba aqriste hadii calaamadahaa aad isku aragto fadlan si deg ah ula xidhiidh dhaqtar ku taqasusay xanuunada ku dhaca kalyaha.

Sources : lifeoption,health.com

Siciid Xagaa Afrax.

Journalist.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *