7 Hab Oo Gabadhu Ninkeeda U Jeclaysiin Karto Inuu Howsha Guriga La Qabto

Howsha guriga, shaqada Guriga, ninka1- Noqo amiirada guriga: 

Haweenayda ayaa la isku raacsan yahay inay tahay wasiirka arimaha gudaha, taasoo la macno ah wax walboo guriga gudihiisa ka socda inay masuul ka noqoto iskana xil saarto, halka raggu yihiin wasiirka arimaha dibbada, oo laga sugayo wixi masruuf iyo masuul qaadis ah.

Si kastaba dumar badan ayaa ka sheegta in aysan ragooda caawimaad ka helin dhanka howsha guriga, taasoo culays badan dulsaarta haweenayda gaar ahaan marka ay tahay qof shaqaysa ama caruur badan haysa, hadaba si aad seygaada uga keensato dhega fududayd iyo inuu howsha marwalba kula qabto waa inaad kasoo baxdaa howshaada haweennimo, oo aad ogtahay waxa gurigaada ka jira, waxa lagaa caawinayo, howsha isbuucaas gurigu u baahan yahay si tafaasiil leh, iyo mida ugu muhiimsan oo ah helida xeelad xabiibkaaga ku xambaarta inuu kula qabto howsha..!

Codso caawimaadiisa: 

Si walboo aad caawimaad ugu baahan tahay, hadii aadan codsanin, ogoow waxaa laga yaabaa inuusan saygaagu fahmin inaad u baahantahay  caawinaad, waana arinta dhibta ugu weyni ka taagan tahay, hadaba ha is dhihin waa inuu is gartaa oo uu howsha kula qabtaa, balse codso waxa aad u baahan tahay inuu kula qabto, adigoo adeegsanaya caqliga ilaahay dumar ahaan kuugu mannaystay.

Bar cunto karinta:

Ku dhiira geli inuu barto cunto karinta adigoo uga bilaabaya cuntooyinka fud-fudud.

Samayso liis dhameestiran:

Waa inaad liiska ku qortaa wax walboo gurigu u baahan yahay isbuucaas, sida mayrista (dhaqista) dharka ilaa iyo tuurista qashinka, adeega loo baahanyahay dayactirka guriga iwm,  isla markaasna tus saygaaga, una sheeg  wax yaabaha in lagaa caawiyo aad u baahan tahay, adigoo u raacsiinaya inuu sheego wax yaabaha uusan qaban karin ee dhibka ku ah, tusaale ahaan: mayrista musqaluha iyo masaxitaanka guriga.

Fahamsii hana fududaan.!

 Ogoow raggu way ka duwan yihiin dumarka, macquulna ma ahan in ninku uu howsha guriga u qabto sidaad adigu u samaysid, sidaas darteed marka hore u sharax sida ugu haboon ee howsha loo qabto, kana digtoonoow inaad dhahdo sidaan oo kali ah ayaa loo qabtaa, taasi wuxuu u qaadanayaa amar, u sheeg inuu sidii isaga la sahlan u qabto, balse sida adiga marwalba kuu fudud u sheeg, hadii uusan sidaad jeclayd wax u qabana, weliga ha canaanan ama wax haka sheegin, balse si tartiib ah oo dadban u dareensii in sida kale ay ku wanaagsaneyd howshu.

Haka daba shaqeyn..!

Marnaba weligaa ninkaagu howsha uu guriga ka qabtay ha uga daba marin adigoo saxaya, hadii kale wuxuu go’aansanayaa inuusan markale howl guriga ka qaban maadaama uu iska dhaadhiciyay in wixiisa oo dhami qaladyihiin

Marwalba u sheeg inaad u riyaaqdo caawimaadiisa, aadna u amaan, hana iloobin mahad celin joogta ah.!

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *