7 Qodob Oo Kaa Caawinaya Inaad Ka Gudubto Waqtiyada Adag Ee Nolosha

marka aynu runta si fiican iskugu sheegno, farxadu ma aha sidaad dareento marka aan wax dhibaato ahay ku haysen balse markaad marayso dibaatooyinka ku haysta ee aad ogaato inaad dhibaata walba oo ku soo wajahda aad ka gudbi karto. odhah baa tidhaa “waxaan ku dilin wuu ku adkeeyaa”  markaa maanta waxaan rabaa inana kuu soo gudbiyo dhowr qodob oo aan rajaynaayo inay kugu cawiyaan inaad ka gudubto, ama u adkaato waqtiyada adag ee ku soo mara.

1  Xanuunku waxuu ku xasuusiyaa inaad wali nooshahay:

Hadaynu binu aadan nahay, waxaynu rabnaa in waxwalbaa ay inoo hagaagan inagoon far dhaqaajin, waxaynu rabnaa in wax walba si dag dag ah aynu ku helno. balse sida runta ah wax walbaa oo qimo le waxa uu qataa wakhti iyo samir faro badan rafaadkaaga iyo xanuunka ku haystaa ma aha inaad dhacayso, sababtoo ah wax walba oo qiimo lahi waxay kaaga baahan yihiin samir keeda iyo shaqadeeda. hadii ay dhibyartahay amase ay xanuun yartahay in madaxwayne  la noqdaa dadkoo dhan baa noqonlah..
Hadiidin wakhtiga adag iyo xanuunka balse u isticmaal si uu kuu dhiiri galiyo.  una sheeg nafta  in xanuun walba uu ka danbeeyo farxad iyo rayn rayn.

2 Wax walbaaba waa ku meelgaadh.

wax walbaaba wakhti bay leeyihiin, habeenka malin baa ka danbaysa, oohinta farxad baaka danbaysa, xanuunka cafimaadbaa ka danbeeya, marku wakhtigu kugu adkaago waxaa ka danbeeya wakhti farxadle, hadii aad  faraxsantahay imiga ka sii dharag wayo waxogaa ka dib way isbadali doontaa. Sidoo kale hadii aad murugaysan tahay iska dulqaado wayo waxyarka dib waad ka bixi doontaa.. shan mirir oo aad fiirka madaxaaga dhex wareegayaa uu kaadhigo mid madluun ah ha u ogolan naftaada inaay aaminto inaad tahay qof madluun noloshaadoo dhan.

3 Warwar iyo cabashadu waxba kuuguma soo kordhiyaan:

Runta sheeg oo qof warwar bad oo cabasho badan saxiib maad la noqon lahayd? aniga xagayga waa MAYA!! MAYA!! waayo warwarka iyo cabashadu  wakhtigii aad kaga fikiri lahayd sidaad u gaadhi lahayd meeshad rabto ayuun bay kaa qadan, amase aad u marayn lahayd hawl ku hortaala.  ha warwarin hana ka caban waxba  ilahay ugu mahad naq dhibatawalba ooku haysata waayo dadka aan dhibaato haysani waa kuwa aan jirin amase aan dhalanba.

4 Rafaad laan hore usocod xiiso ma le:

Samirku ma aha inaad sugto oo kaliyaata balse, inaad aad qabsato waxay tahay inaad qabato siday doontaba ha u adkaatee adigoo qalbi sami ku qab oo og waxaad samaynaysaa inay u qalanto rafaadka aad u marayso. wayo hadii aad aragti rafaadka oo kaliyaata balse aanad arkin muhiimada ay leedahay waxaad qabanaysaa, markaaba waxaa kugu dhacaaya niyad jab. Lakiinse hadii aad marwalba aad aragto muhiimada ay leedahay iyo samaynta wacan ee ay dadka ku yeelan doonto meesha ay kugu wado wadadan aad dooratay waxaa kugu dhalanaaya xiiso iyo jacayl aad u qabto waxaad qabanayso

5 Dadka kale iyo xumantooda dhag ha u dhigin.

waxwalba oo aad samayso sida uu doono ha u fiicnaado ee marwalba waxaa jira qof ku niyad jabiya. qofkaasi ma oga inuu ku niyad jabinaayo sababtoo ah, waxa uu fikirkiisu ku salaysanyahay oo dhan ayaa ah nagative. dhag ha u dhigin dadka hadi iyo jeer nagativeka ah, wax wanagsan na marwalba naftaada u sheeg. u qosol marka uu qof rabo in uu kaa cadhaysiiyo amase uu ku kugula taliyo inaad dhanka xun wax ka eegto.

6 Waxii dhacayaa waa uu dhacayaa, cidina ma joojinkarto.

Lowl xul maxfuudka ayuu ilahay ku qoray waxaad kugu dhacaaya, inkastoo aynu plan samaysanay ilahayna  plan buu kuu sameeyay, dabadeedna  markay noqoto wadadaada aad adigu doonayso iyo ta uu ilahay kula doonayo, tuu ilahay kula doonaayo ayuu ku marin. markaa, inagu waxa kaliyaata oo aynu qaban karnaa waxaa weeyi inagoo waxay inala tahay samayna balse markay u dhici waydo sidaynu rabno marnaba ha ka xanaaqo amase ka calool xumaan wayo wax ka fiican buu ilahay kula doonayaa.

7 Wadada kaliyaataa waa hore u socod:

Marnaba ha ka boqon inaad wax jeclaato hadana, inaad hamigaaga koruqaado hadana, marnaba ha u ogolaan qalbigaaga inuu bilaa naxariiska dhigo wakhtiga adagi, xasuusnoow  waxaa binu aadmi kaadhigay waa naxariista aad u qabto walaalahaaga kale ee kugula nool dunidan guudkeega.
hadii wayahu kaa kaxeeyay qofaad jeceshay qofkale oo sidoo kale aad jeclaan doonto adigana kuu jeclaandoona sidaad rabto ayaa jira dayday qofkaa intaad ku mashquulsantay qof aan dan kaa lahayn.
, ka shaqee naftaada, cafimaadkaaga, farxadaada, dadkana u fiicnow si ay kuugu fiicnadaan.

xasuusnow. si walba oo aad u dhibantahay marwalba waxaa jira qof kaa dhibaato badan:

Jamaal Hassan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *