7 Waxyaabood Oo Laga Qaado Hilmaan Badan Iyo Fahmo Xumo

Daraasad ay dhowaan sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Hokkaido University ee dalkaasi Japan ayaa lagu sheegay in shan waxyaalood ay saameeyaan maskaxda kuna keenaan dhaawac xoogan, taas oo keeni karta inuu qofku noqdo mid  ilawshiiyaha iyo faham la’aantu ku badato.

Waxaanay kooxdan khubarada ahi soo saareen liis ay kusoo qoreen waxyaalahaasi ay sheegeen inay dhaawaca soo gaadhsiiyaan maskaxda dadka sababi karana xusuus beel, waxaana kaalinta kowaad galay Fuuq Baxa ama biyo la’aanta oo ay sheegeen inay maskaxda wax badan u dhinto, waxa isaguna kaalinta labaad galay cabista Sigaarka oo ay sheegeen inuu madoobeeyo qaybo badan oo jidhka kamid ah xidhiidh toosana la leh maskaxda.

Kaalinta saddexaad ayay geliyeen hurdo la’aanta oo ay sheegeen in sumihii maskaxda laga maydhi lahaa waqtiga la hurdo inay noqonayaan kuwo ku kaydsama halkaasi taasina ay keento dhaawaca ku yimaada maskaxda, iyada oo ay kula taliyeen dadka inay seexdaan 7 ilaa 8 saacadood maalintii.

Akhriso: 6 Dariiqo Oo Aad Ku Xoojin Karto Xusuustaada

Kaalmaha kalena waxa iyaguna galay cunto xumida, jimicisi la’aanta daroogooyinka kale ee la isticmaalo iyo khamriga oo noqday kuwo maskaxda dhibaato soo gaadhsiiya, waxaanay khubaradaani sheegeen inay sameeyaan neerfaha maskaxda taga oo ay ku keenaan inay dhintaan, taasina ay keento inay waxyeelo soo gaadho maskaxda oo ay qofka xusuustu ka lunto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *