7 Talo Oo Ku Saabsan Akhlaaqda Taraawiixda

Ramadaanka waxyaabaha aan ku jeclahay waxa ka mid ah Taraawiixda, kasoo aan aado afruka kabacdi. Waa wax aad iga farxiya inaan arko kumaanaan qof oo iskugu yimid masaajid.

Hadaba hadaad tahay dadka jecel inay masaajidka taraawiixda ku tukadaan waxan ku siinaynaa fikrado iyo talooyin aad iskugu diyaarin karto.

Ujeedada
Tanoo mid sahlan ah ayaan markastoo aan tarawiixda u socono ayaan ilowna ujeedada aan u adeyno. Ujeedoyinka ayaa kala duwanan kara sida, in ajar soo shaqeysato, walaalaha aad soo aragto, ama soo dhageysato wacdi, iwm) laakinse ogow inaad ujeedada isku sii sheegtid intadan guriga ka bixin.

Toonta iyo Basasha
Waa wada jecelnahay in toonta iyo basasha aan si wanaagsan ugu darno cuntada taasoo afkaga oo kaliya kasoo urin balse jirkaga kasoo urta iyo cuntada oo kariskeeda oo kaa urta. Hadaba intaadan aadin masaajidka biyo isku shub dhar nadiifna xiro.

Dharka Dabacsan
Hadaa gabartahay ama wiil, waxa fiican inaad u xirito masaajidka dhar dabacsan oo aan kugu dhaganeyn, sida khamiis ama cabaayad. Iska ilaali inaad bijaamo ku tagtid masaajidka taasoo akhlaaq daro ah.

Telefoonka Gacanta
Fadlan, masaajidka markaad galeeysid iska dami teleefonkaga ama aamusi(mute) xataa gariir haku xirin. Maka fakirtay inta khalqi aad lahwi ka galineysid cibaadada ay wataan.

Xanta
Badanaa markaan masaajidka tago waxan la kulma rag iyo dumar oo qololka masaajidka ama banaanka jooga kuwaaso maalayacni iyo xan u taga masaajidka. Iska ilaali inaad noqotid kuwaas oo ujeedada aad u timi masaajidka oo kaliya ku ekow. Ogow xantu waa xaaran markasta iyo meelkasta.

Caruurta
Hadaad caruurtada masaajidka usoo kaxeysatid, waxaad geeysa masaajidka meesha ilmaha logu tala galay waa haduu leeyahay masaajidka hadii kale yeysan kaa fogaan oo agtada haku sugnadeen. Marnaba ha u ogalaan inay qeyliyaan ama ku dhex ordaan beytka Alle.
Kabahaaga
Masaajidka badanaa aad ayuu u buxaa maalmaha ramadaanka, hadaba kabahaaga meel asaaboon dhigo iyo meelaha loogu tala galay. Marna ha uga tagin irida oo dadka soo galaya guriga Alle haka hor istaajin.

Biyo
Badanaa waxan qaataa buraashad biyo iyo baraf iigu jiraan marna casiir ayaan ku qaata. Taasoo haraadka/oonka kaa bi’ineysa inta saac aad masaajidka ku suguntahay.

Ogow akhlaaqdan iyo edebtan yeysan kaga ekaan kaliya bisha Ramadaanka oo ha noqoto mid aad sameysid markasta oo aad masaajidka u socotid.

Illaah hana wada dhowro.

Xigasho: Qalanjo

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *