7 Tallaabo Oo Kuu Sahli Kara In Riyadaadu Kuu Rumowdo

RIYADA RIYO NOLOSHA RIYADAADA RUMOWDOWaxaad aad ii soo jiitay oraah dheheeysa “wax walbo oo aad ku riyooto waad gaari kartaa”. Waxaa wanaagsan mar walbo inaad leedahay kalsooni aad ku xaqiijin karto riyadaada sida eey doonto ha u weeynaato, mararka qaarna waxaad dareemeeysa ineey waqti qaadaneeyso xaqiijinta riyada dhab ahaantina waqti weey qaadaneeysa waxaadna kaa shataa sabar. Hadaba waxaan kuu soo gudbinaynaa talooyin ku haga isla markaana ku saacida kaana saacida sidi aad ku gaari leheed riyadaada:

Xulo Riyadaada: adigoo dooranin riyada aad dooneeyso inaad gaarto ma gaari kartid ilaa aad ka doorato riyo mucayan ah tusaale waxaa tiri Dr ama Drs caan ah inaan noqdo ayaan rabaa marka aad sidaa dheheeyso waxaad dooratay riyadaada mustaqbalka, waa muhiim inuu qofka marka hore uu yaqaano waxa uu ku riyoonayaayo oo uu doonaayo inuu ka dhabeeyo.

Riyadaada u badal rabitaan: waa inaad leedahay rabitaan  adag si aad u xaqiijiso riyadaada, waa inaad rabitaanka aad ku beertaa qalbigaaga.

Rabitaankaada u badal hadaf: rabitaanka markaad qalbigaaga ku beerto kadib waa inaad rabitaanka u isticmaasho xaqiijinta hadafkaada oo ka saacidaya inaad xaqiijiso riyadaada.

Sameeyso Qorshe: si aad hadafkaada u gaarto waxaa laga mamaarmaan ah inaad sameeysato qorshe kuu gaar ah noocuu rabo ha ahaado qorshe la’aan hada lama gaari karo sidaa darteed waa inaad qorshe sameeysataa.

Qeeybo ka dhig ahdaaftaada: qaabkaan kala qeeybinta ahdaafta wuxuu kuu fududeeynaya inaad hadafkaada gaarto marki aad sii kala dhig dhigto oo qeeybo qeeybo u kala dhigto mid walbana waqti siiso waa ay fududaaneysa xaqiijinta hadafkaada.

Dib isku eeg: dib isku baar qaabka aad wax ku wado meeshi aad ka soo bilaawday meesha aad hada mareeyso waxa kuu dhiman. Waqtigi aad qorsheeysay maka dib dhacday intaba waa muhiim inaad ib isku fiiriso.

Nafsadaada si xad dhaaf ah ha u dhibin: maskaxda waqti ay ku nasato sii sidookale jirka waqti ku filan oo nasasho ah sii intaba waxeey kaa saacidayaan inaad gaarto riyadada.

Ugu Dambeeynti  mar walbo isku kalsoonaaw 

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *